Iyadoo diyaargarowga doorashadu ay billaabatay, ayey saxafiyiinta Soomaaliyeed qaadanayaan tababar ku saabsan tabinta doorashada

previous next
9 Nov 2020

Iyadoo diyaargarowga doorashadu ay billaabatay, ayey saxafiyiinta Soomaaliyeed qaadanayaan tababar ku saabsan tabinta doorashada

Muqdisho – Kahor doorashooyinka Soomaaliya, muhiimadda doorka saxaafadda ee geeddi-socodka doorashooyinka soo socdaa waxa uu ahaa mid udub dhexeed ah iyadoo koox saxafiyiin ah ay isugu yimaadeen tababar muhiim ah, oo ay taageereyso Qaramada Midoobay oo ku saabsan xoojinta tabinta warbixintooda ee doorashooyinka iyo wacyigelinta cod-bixiyeyaasha.

“Xilliyada doorashada waa waqti taariikhi ah muhiimna ah oo taxadar badan uga baahan saxafiyiinta inay bartaan sida wax loo tabiyo. Waxaan jirta labo xaaladood oo xiisahooda leh, xasaasina ah oo ay tahay in wax laga barto - tan hore waa marka la soo tebinayo xaaladaha khilaafka, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu saameeyeen; tan labaadna waa goobaha codbixinta, oo waliba ah goobo xasaasi ah marka laga hadlayo soo gudbinta sida ay wax u socdaan,” ayuu yiri Agaasimaha Warbaahinta Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo ka hadlayey bilowga tababarkan oo lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Waad ku mahadsantihiin in aad halkaan keenteen suxufiyiin rug-caddaa ah oo saxafadda ku soo jiray 40 ilaa 50 sano iyo in ka badan iyo kuwo cusub halkaanna ay isku dhaafsadaan aragtiyadooda, Wasaaradda warfaafintu waa ay idinkaga mahadcelineysaa, waxa ayna idinku dhiiragalineysaa in wariyeyaasha la siiyo fursad tan oo kale, waddanku waxa uu ku jiraa xilli xasaasi ah, waxaa jira weriyeyaal badan oo naftooda ku waayey iyaga oo shaqeynaya, waxaan anigu ku jira dadka aaminsan in aysan soomaaliya heli laheyn dowlad burburkii kadib haddii aysan jiri laheyn warbaahin xor ah," ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo hadal ka jeediyey furitaankii tababarkan.

Tababarkan oo uu taageerayo Howlgalka Kaalmada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxaa soo qabanqaabiyey Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ), tababarkan oo soconaya muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa isugu yimid in ka badan labaatan saxafi oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliya iyadoo ay ku sugnaayeen weriyeyaasha ka howlgala caasimadda oo ka shaqeeya guud ahaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta, oo ay ku jiraan telefishanka, raadiyaha iyo kanaallada kale internet-ka.

Saxafiyiinta ayaa qaadanaya tababaro ka bilaabmaya baahiyaha loo qabo dhexdhexaadnimada iyo adeegsiga ra'yi uruurinta. Ujeeddada ayaa ah in la xoojiyo aqoonta weriyeyaasha, loona oggolaado inay si wanaagsan uga warbixiyaan doorashooyinka dalka ku soo wajahan, sidaas darteedna, loo wanaajiyo fahamka guud ee bulshada ee hannaanka doorashada. Xirfadaha wax ku oolka ah ka sokow, waxaa si gaar ah diiradda loo saari doonaa dhinacyada habka aragtiyeedka iyo qaababka loo tabinayo arrimaha doorashooyinka.

“Tababarkan ka dib, weriyeyaashu waxay ku dabaqi doonaan aqoontii ay ka barteen hawl-maalmeedkooda. Tababarkan ayaa muhiim u ah suxufiyiinta Soomaaliyeed, maadaama dalku mar kale u baxayo doorasho dadban dadkuna ay u baahan yihiin inay wax badan ka fahmaan doorashooyinka, ”ayuu yiri Guddoomiyaha FESOJ Abaadir Abdulkadir Elmi.

Tababarka laga soo tago waxyaabaha muhiimka ah ee tabinta doorashooyinka, tababarka ayaa sidoo kale waxaa ku jiri doona arrimo ku saabsan tabinta doorashooyinka ee meelaha aan ammaanka aheyn. Ururada kala duwan ee warbaahinta caalamiga ah ayaa ka hadlay caqabadaha saxaafaddu kala kulmaan howlaha ay ka hayaan Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin la macaamilka maamulada iyo beegsiga argagixisada Al-Shabaab.

Door muhiimka ah in la ciyaaro

Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay horey u bidhaamisay kaalinta ay warbaahintu ku leedahay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida ay ugu baahanyihiin in ay u qabsadaan howlahooda si xor ka ah rabshado, dhibaateyn, xarig, cadaadis, cagajugleyn iyo faaf reeb, gaar ahaan iyadoo uu dalku isu diyaarinayo doorashooyinka.

Mar uu ka hadlaayey furitaankii maanta, Madaxa Xiriirka Istiraatiijiyadda ee UNSOM, Ari Gaitanis, wuxuu tibaaxay doorka muhiimka ah ee warbaahinta soomaaliyeed leedahay.

“Hadii aan si fudud u dhaho, bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaataa kala duwanaansha aragtiyada la xariira arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, iyo arrimo kale oo badanba oo si xor ah loo muujin karo.

Warbaahintuna waxay door muhiim ah ku leedahay dhamaan waxyaabaha aan soo sheegnay, oo ay ku jirto tebinta wararka la xariira doorashooyinka,” ayuu yiri Mudane Gaitanis.

“Dimuqraadiyaddu ma ahan oo kali ah qabashada doorashooyinka; waxay sidoo kale ka dhigan tahay xaqiijinta in qof kasta uu ka qaybqaadan karo siyaasadda dalka. Waxaana carabka ku adkeyneynaa in warbaahinta door muhiim ah ka ciyaarto arintaan.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. "In la helo warar ku saleysan xaqiida ama la sameeyo falanqeyn waxay ku xirantahay sida saxafiyiinta ay u tabiyaan warar madaxbanaan, oo salka ku haya mabaadi'da aasaasiga ah: 'saxaafad cabsi la'aan iyo eex la'aan ah.””

Furitaankii maanta, kaqeybgalayaashu waxay muujiyeen sida ay u daneeynayaan inay ka qayb galaan tababarka.

"Waxaan u maleynayaa in tabinta wanaagsan ay tahay mid muhiim ah, sababtoo ah tabinta wanaagsan waa muhiim, waayo dadka waxay u baahanyihiin in ay maqlaan fikrado kala duwan, sida fikradaha madaxda u tartamaysa xafiisyada sare, halkudhigyadooda iyo natiijada doorashada,” ayuu yiri Xasan Cali Cismaan, oo ah weriye ka tirsan mashruuca Kalfadhi oo tabiya wararka madaxbanaan iyo arrimaha baarlamaanka.

"Waa marki iigu horaysay oo aan ka qeybgalo tababar nuucaan oo kale ah, waxaana ku rajo weynahay inaan waxbadan ka faa’ido macallimiinta bixinaya cashirada. Xarumaha warbaahintu waxay shacabka u gudbiyaan macluumaad, haddii doorashada aan sifiican loo tabinin shacabku ma fahmi karaan waxa dhacaya, balse haddii doorashada si caddaalad iyo howl-karnimo ku dheehan tahay loo baahiyo, dadweynahu waxay fursad u heliyaan inay ogaadaan xalaalnimada doorashooyinka,” ayay tiri Fardowsa Maxamed Sahal, oo ah suxufiyad ka tirsan Telefishanka Galmudug.