Waxaa loo midoobay in cunug walba laga tallaalo dabeysha - Abaabuleyaasha bulshada waxa ay wargaliyaan oo ayna bulshada u diyaariyaan tallaaleyaasha

UNICEF PHOTO ESSAY

2 Nov 2020

Waxaa loo midoobay in cunug walba laga tallaalo dabeysha - Abaabuleyaasha bulshada waxa ay wargaliyaan oo ayna bulshada u diyaariyaan tallaaleyaasha

Fahima Axmed Xasan oo 25 jir ah waa abaabule bulsho ah,  taas xadkii loogu talagalay ka gudubta si ay u xaqiijiiso in waalidiinta dhalay carruurta ay da’dooda ka hooseyso shan sano si weyn loogu wargaliyo ol’olaha tallaalka dabeysha, diyaarna u ah in ay tallaasho carruurtooda.

Fahima iyo abaabulayaasha waxa ay ka mid yihiin bulshada deeganka waxa ayna dhigaan seeska kuwa wax tallaala. Si hagar la’aan ah ayey u shaqeyaan iyaga oo iridkasta tagaya si ay bulshada uga caawiyaan in ay fahmaan, aaminaan oo ay aqbalaan tallaalka.

Waxay isku dayaan in bushada ku wargaliyaan oo ay fahansiiyaan faa’iidada uu tallaalka u leeyahay carruurta ay da’dooda ka yartahay 5 sano.

Axadda Subexeeda, walidiinta iyo carruurtooda si weyn ayey u sugaan.

Fahiima ayaa  ku wargelisay makarfoono sameecad cod dheer leh, maalmo ka hor inta aan la bilaabin olalaha tallaalka dabeysha, in koox tallaaleyaal ah soo booqan doonaan bulshadooda.

Intii uu u socday cudurka COVID-19, dadka qaarkood waxa ay ka walwal qabeenn in ay caruurtooda tallaalka geeyaan. Waxa ay ka baqaayeenn in ay cudurka  qaadaan ama carruutooda ay qaadsiiyaan.

Iyada iyo kooxdeeda, Fahima tallaabo walba oo kahortagg ah wey qaadeysaa si ay nafteeda iyo bulshada ay u adeegeyso u ilaaliso.

Waxa ay sharraxasaa in ay muhiim tahay in dadka la tuso in shaqada la qaban karo iyada oo la ilaalinayo kalafogaanshaha jireed ee dadka, la xiranayo maskaraha difaaaca oo la isticmaaayo jeermis dileyaasha gacanta.

Dadka qaarkood uma baahno in laga dhaadhiciyo faa’idooyinka  tallaalka. Caasho Cismaan Yarow kuwaass ayey ka mid tahay. Iyada oo si dulqaad ku jiro u sugeysa in wiilkeeda la tallaalo.

“waxaan go’aansaday in aan tallaalo carruurteyda maxaa yeelay waa ii muhiim caafimaadkooda” ayey tiri iyada oo wiilkeeda yar heysata “tallaalka waxa uu carruurta ka ilaaliyaa cudurada sida dabeysha, jadeecada iyo kuwo kale” ayey ku dartay.

“Ilaahay ayaa ku mahadsan in adeegan noo imaado” ayey tiri Sahro Maxamed Xayle “waxa aan hooyooyinka ku dhiirigalinayaa in ay aayaha carruurtooda ka taliyaan oo ay tallaalaan isla markaan diwaanka tallaalka ka war haayaan, waxa aan halkaan la joogaa wiilka aan ayeeyada u ahay” ayey ku dartay iyada oo dhoola cadeenaysa.

Qaar ka mid ah dadka waxa ay ka caga jiidayaan tallaalka. “Markii hore waan diiday in carruurteyda la tallaalo. Waxaan ka maqlay dadka in tallaalka uusan faa’iido laheyn isla markaana ay sameeyaan gaalada. Waan baqayey” waxaa sidaas tiri Wardo oo 30 jir ah. “markaan la hadlay wacyigaliyeyaasha bulshada, waxaan ogaaay in tallaalka u wanaagsanyahay caafimaadka caruurteyda” ayey tiri

“Waan fahansanahay meesha ay yimaadaan, haddana inta karaankeyga ah ayaan isku dayaa in aan warbixin ku siino oo aan kaga dhaadhiciyo in tallaalka uu fa’iido leeyahay”, waxaa sidaas tiri Faadumo. “Dadka oo aan waxba aqrin oo aan aqrin, waxbarasho la’aan iyo khiyaali la aaminsa yahay ayaa keenaya in dadka ay diidaan tallaalka,” ayey ku dartay.

Iyada oo kaashaneysa abaabuleyaasha kale ee bulshada, Fahima waxa ay la falgashaa odayaasha, culimada iyo dadka saameynta ku dhex leh bulshada halka ay sidoo kale abaabuleyso hooyooyinka iyo haweenka kale. Waxa ay waalidka ku boorisaa ilaa iyo daqiiqadda ugu dambeysa oo ay ka aqbalaan.

“caruurteyda oo dhan waan tallaalay waxaanna  ka mid ahay dadka ugu horreeyey ee taageeray talaalka” ayey tiri Caasho oo ka mid ah wacyigeliyaasha. Waxa ay aaminsantahay in ay tusaale fiican tuseyso taas oo ka dhaadhiceysa bulshada in ay tallaalaan carrutooda.

In qof markii hore diiddanaa aad loo bedelo ol’oleeye waa guusha ay Faadumo iyo kooxdeeda ay u dabaal dagayaan. “Waxaa I dhiirigalisa u adeegidda bulshada, gaar ahaan carruurta iyo hooyooyinka, sababtoo ah waxa ay u baahan yihiin dayreel.” Ayey tiri Faadumo. “Ma jirto guul ka weyn in aan arko iyaga oo badqaba”. Ayey xustay.

Markii laga soo tago qatarta Convid 19, iyo I nay qaadsiin karto ninkeeda iyo qoyskeeda markay gurigeeda tagto, taas oo jirta  Fahiima waxa ay wali wadaa hawsheeda shaqo, dhagna jalaq uma siiso cabsida jirta.

Xanuunka faafa ee CONVID-19 ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka laga dhexli karo marka bulshada aysan haysan agabka la’isaga difaaco sida tallaalka xanuunada faafa. Marka la heli karo tallaalka waa agabka ugu waxtarka badan ee looga hortagi karo in uu dillaaco xanuun dilaa ah.

Ma jirin wax ka muhiimsan ogaanshaha faa’idooyinka iyo  fahanka halista tallaal la’aanta. Fahima oo saaxiibadeeda wacyigalinta door weyn ayey arrintan ka ciyaarayaan.

Inttii lagu guda jiray ol’olihii u dambeeyey ee tallaalka dabeysha, 8,951 tallaaleyaal ah ayaa garaacay albaab walba halka 3,390 oo abaabuleyaal bulsho oo ay ku jirto Faadumo iyo kooxdeeda ay wacyigaliyeen bulshada loo socday. Ol’olaha labada qeyb ka koobnaa ee ay abaabuleen Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federalka , UNICEF iyo WHO waxa uu gaaray hal Mliyan oo carruur ah oo ay dad’dooda ka hooseyso shan sano oo ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Read the photo essay on UNICEF’s website:  https://uni.cf/363viOD

View more photos here:  https://uni.cf/329JTqA