Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah, QM waxay ku baaqaysaa in la xaqiiijiyo xuquuqda Aadanaha Soomaalida oo dhan

10 Dec 2022

Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah, QM waxay ku baaqaysaa in la xaqiiijiyo xuquuqda Aadanaha Soomaalida oo dhan

Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta xuquuqul insaanka sannadkan, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Soomaalida ugu baaqday inay u istaagaan xuquuqul insaanka si loo xaqiijiyo in qof kasta, oo ay ku jiraan xubnaha bulshada nugul iyo kuwa la heyb sooco, dadka naafada ah, dadka gudaha ku barakacay, iyo kuwa kale ee la kulma takoorid, ay si buuxda ugu naalloodaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda.

"Waxaa nagu soo fool leh oo nagu soo dhow sannad-guuradii 75aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (UDHR), oo ah aasaaska adduunka ee horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Xuquuqdiisa iyo xorriyadihiisa ayaa maanta muhiim u ah sidii ay ahayd markii Dowladaha Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay isla qaateen. Waa inaan sii wadnaa inaan ka shaqeyno sidii aan u fulin lahayn ballanqaadkiisa ku aaddan xuquuqda aadanaha dadkoo dhan,” ayay tiri Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“Soomaaliya waxay gaartay, siina waddaa inay gaarto guulo la taaban karo oo lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka, oo ay ka midyihiin xuquuqda ku qeexan Dastuurka KMG ah ee dammaanad qaadaya xuquuqda iyo xorriyaadka dhammaan dadka Soomaaliyeed. Ballanqaadka Soomaaliya wuxuu sidoo kale ka muuqdaa heshiisyada xuquuqda aadanaha caalamiga ah ee badan ee ay saxiixday. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa weli ka go’an inay taageerto dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo laguna ilaalinayo xuquuqul insaanka si ay uga faa’iideystaan ​​dadka Soomaaliyeed,” ayay raacisay Mw. Gbeho, oo sidoo kale hadda ah Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mawduuca xuska sanadkani waa 'Sharaf, Xoriyad, iyo Cadaalada Dadka oo dhan.' Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa la xusaa sanad walba 10ka Disembar - maalintii Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay Baaqa UDHR sannadkii 1948. Baaqa UDHR wuxuu ku dhawaaqayaa/qeexayaa xuquuqda lama taabtaanka ah ee uu qof kasta u leeyahay baniaadan ahaan, iyadoon loo eegayn isir, midab, diin, jinsi, luqad, fikrad siyaasadeed ama mid kale, asal qaran ama bulsho, hanti, dhalasho ama xaalad kale.