In ka badan 100 arday oo Soomaali ah, oo uu ku jiro madaxweynaha dalka ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda UPeace

3 Dec 2022

In ka badan 100 arday oo Soomaali ah, oo uu ku jiro madaxweynaha dalka ayaa ka qalin jabiyay Jaamacadda UPeace

Muqdisho –  Qaybta xirfadaha aqoonta ee Soomaaliya ayaa dhawaan sii kordhay, iyada oo shahaadooyin kala duwan oo daraasaadka sare ah la guddoosiiyey  116 arday – oo uu ku jiro madaxweynaha dalka.

Munaasabada oo ka dhacday goob ku taalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo ay isugu yimaadeen 29 haween ah iyo 87 rag ah ayaa loogu talagalay xaflad qalin jabin ee Jaamacadda UPeace, oo ah machad heer jaamacadeed ah oo uu unkay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay muddo ku dhow afartan sano ka hor.

“Waxbarashadu waxay bedeshaa nolosha, sidaas oo kale, waa tiir asaasi ah oo ka mid ah howlgalka Qaramada Midoobay ee lagu dhisayo nabadda, lagu ciribtirayo saboolnimada, una jiheysan horumar waara. Waxbarasho, haddii ay tahay rasmi ama mid aan rasmi ahayn, wax bey awood siisaa oo ay suurta gelisaa. Waxa ay kor u qaadaysaa dhaqdhaqaaqa dhaqan-dhaqaale ee bulshada, waa heerka ugu hufan, waxaana laga yaabaa in ay ugu muhiimsan tahay dhammaan, waxbarashadu waxa ay fursad u siisaa dadka qaata si ay si macno leh uga qayb qaataan dhismaha qaranka,” ayey Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ku sheegtay hadal-jeedinteedii ardaydii qalin jabinaysay.

"Waxaan ka fikiri karaa dhowr meel miraha waxbarashadu ay aad uga khuseeyaan, ugana saamayn badan yihiin Soomaaliya," ayay raacisay Mawo Gbeho, oo sidoo kale hadda ah Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Mas’uuliyiintii kale iyo marti sharaftii ka qeybgashay qalin-jabinta Jimcihii waxaa ka mid ahaa wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir; Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amin Seyf, oo sidoo kale ah madaxa howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS); iyo wakiillo kale oo ka socda beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

Jaamacadda University for Peace oo la aasaasay 1980, meelaha ay diiradda saartay waxaa ka mid ah ka hortagga colaadaha, amniga aadanaha, xuquuqda aadanaha, amniga deegaanka iyo soo kabashada colaadda ka dib. Soomaaliya, waxa ay bixisaa barnaamijyo gaar ah oo waxbarashada sare ah oo diiradda saaraya nabad-dhisidda, ka-hortagga colaadaha, amniga aadanaha, xuquuqda aadanaha, amniga deegaanka iyo xallinta colaadaha kaddib.

Xaaladda Soomaaliya

Waxaa xafladda gudoominayay xubin ka tirsan guddiga jaamacada, Lalla Ben Barka.

“Qaadashada shahaadada Master -ka ama PhD -da ee machad sare oo caalami ah sida UPEACE [University for Peace] waa arrin loo dabaaldego, gaar ahaan marka la eego xaaladda Soomaaliya iyadoo [dalka] uu inta badan la kulmo caqabado ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada iyo tiro badan caqabado kale ah,” ayay tiri Marwo Lalla.

"Bedelidda adduunka iyadoo loo marayo hubka waxbarashada, waxay ku saabsan tahay [adeegsiga] awoodda waxbarashada si ay u keento iftiin halkii ay burburin keeni lahayd," waxa ay ku sii dartay. “Waxaan tixraacayaa muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay xaaladda Soomaaliya, anigoo soo xiganaya xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Kofi Anan, oo sheegay in waxbarashadu ay tahay dhisidda nabadda kolka magac kale loo bixiyo.”

Sida laga soo xigtay Barafasoor Samuel Kale Ewusi oo ka tirsan Jaamacadda University for Peace, kaasi oo ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xiriirka caalamiga ah, isla markaana ah maamulaha barnaamij goboleedka Afrika, waxay ahayd hindise in jaamacaddu ay ka shaqeyso Soomaaliya iyo in markii ugu horreysay Doctorate of Philosophy (PhD) ay ardayda ka qalin jabisay barnaamijkeeda Afrika dhamaantood ka yimaadeen Soomaaliya.

“Haddii ay noqoto in Jaamacadda University for Peace ay hal meel Afrika kaga taal, meeshaas waa in ay ahaataa Soomaaliya - sababtoo ah hadafka jaamacadda waa in la yareeyo caqabadaha ku gudban nabadda. Haddii ay tahay in aan meel uun nabad ku soo dabaalno, waa in ay ahaataa Soomaaliya sababtoo ah waxay mar ahayd aag colaadda ka caaggan ee Afrika,” ayuu yiri.

Hadallada Madaxweynaha

Mid ka mid ah dadkii shahaaddada lagu guddoonsiiyey xafladda, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa helay fursad uu kula hadlo saaxiibbada la qalin-jabinayey isaga oo guudmaray muhiimadda ay waxbarashadu ku lahaan karto horumarinta mustaqbalka dalkooda.

‘‘Soomaaliya ma la’a xirfado. Waxa aan hadda heysannaa dad xirfado leh oo nagu filan, waxaa ku mahadsan Jaamacadda UPeace, waxaana maalin walba heleynaa intaa iyo in ka badan. Maanta, waxa aan heysannaa qalinjebiyaal aanan marki hore xitaa ku riyoon karin in ay gudaha Soomaaliya uga qalinjabiyaan maadooyinka qaar sida cilmiga deegaanka iyo amniga iyo nabadda. Tanina waa fursad cusub,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

‘‘Maalinta aan waxbarasho billaabay oo ayd 1960 ilaa manta - Waxa ay ahayd safar dheer, hase ahaatee ku dhamaaday si guul leh maadaama aan maanta gaaray halki ugu dambeysay,’’ ayuu xusay. ‘‘Taasina waxa ay muujineysaa in uu qof kasta gaari karo. Haddii aan aniguba ku guuleystay, qof kasta oo iga yar wakhti iga badanna heli kara, waa gaari karaa.’’

Si uu u caawiyo una dhiirrigeliyo ardayda kale ee ka fekeraya in ay codsadaan barnaamijka daraasaadka sare ee jaamacadda, waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh ballanqaaday in uu sameyn doono deeq waxbarasho oo uu ku gacan siinayo 100 ka arday ee u horreysa ee daneynaysa in ay shahaadada darajada sare (PhD) ay ka qaataan jaamacadda.

Madaxweynaha dalka ayaa la guddoonsiiyey shahaadada darajada sare (PhD) oo uu diiradda ku saaray nabadda, dowladnimada iyo horumarka. Waxa uu xusay in uu bishii Ogoosto ee sanadkan uu difaacday buuggiisa oo uu ciwaankiisu ahaa, ‘Baaridda Culeysyada Siyaasadda Qabiilka ee Dowlad-dhisidda: Tusaalaha Xaaladda Soomaaliya.’ 

Xafladda qalinjabintu waxa ay ahayd tii labaad oo nuuceeda ah oo ay Jaamacadda University for Peace u qabato ardayda wax ka baratay barnaamijkeeda takhasusiga ah ee Soomaaliya. Kooxdii koowaad ee ardaydu waxay ka qaybqaateen munaasabad qalin-jabineed oo dhacday sanadka 2021-ka.

Marka la eego taariikhda jaamacadda, iyada oo la aqoonsanyo culeysyada dhaqaale iyo kuwo bulsho ee ay haweenka iyo ardayda kale ee Soomaaliya ay kala kulmi karaan bixinta kharashaadka waxbarasho ayey iyada oo isku dayeysa in ay koorsooyinkeedu noqdaan kuwo aad loo heli karo, lacaga waxbarasho ee ardayda Soomaaliya ay yihiin kuwa ugu hooseeya marka loo eego dhammaan barnaamijyadeeda dunida daafaheeda, tiiyoo welina la sii joogteynayo heerarka waxbarashada. Waxa ay sidoo kale bixisaa lacag dhaaf mug leh, ardayda qaarkoodna waxa ayba ka bixisaa kharashaadka qaar.

Waxbarashada Soomaaliya

Qorshaha horumarinta qaranka Soomaaliya ee sagaalaad, oo khuseeya muddada 2020-24, ayaa waxbarashada ku tirinaya qayb muhiim ah oo ma huraan u ah barwaaqada iyo horumarka dalka.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muddo sanado ah ka taageereysay dowladda Federaalka dhanka waxbarashada. Tani waxaa ka mid ah dhameystirka Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Qeybta Waxbarashada, Daah-furka Manhaj cusub oo Waxbarasho oo loogu talagalay Dugsiyada Hoose ee dalka, qaadista Imtixaanaadka Qaranka Soomaaliya oo dhan, iyo in gabagabaynta guusha leh ee dib u eegista Wadajirka ah ee Waaxda Waxbarashada ee Muqdisho.

Hay'adda adduunka ayaa sidoo kale si weyn ugu hawlan taageeridda gaaridda Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). SDG -ga afaraad waxa udub-dhexaad u ah waxbarashada, iyada oo aasaaska yahay in marka dadku ay helaan waxbarasho tayo leh ay ka bixi karaan meertada faqriga. Tani waxay iyaduna yaraynaysaa sinnaan la'aanta, iyada oo awood u siinaysa dhaqdhaqaaqa dhaqan-dhaqaale ee kor u kaca iyo caawinta in la gaaro sinnaanta jinsiga.