Iyadoo roobabku aysan mar kale di’in, ayey gaajo masiibo ah ku soo wajahan tahay Soomaaliya
Sugnaan la’aanta cuntada iyo nafaqo-xumada ayaa ka sii daraya guud ahaan Soomaaliya iyadoo khatarta macluushu ay sii kordhayso halka ay jirto xilli-roobaadkii afaraad ee taariikhiga ahaa ee baaqday
Muqdisho – Xilli-roobaadkii afaraad oo xiriir ah oo taariikhi ah oo aanu roob di’in, sicirikii oo circa isku shareeray iyo gurmadka bini'aadannimo oo aan helin dhaqaale ku filan ayaa sababay koror boqolkiiba 160 ah ee dadka wajahaya heerar masiibo ah oo sugnaan la’aan cunto ah, gaajo iyo cudurro ka jira gudaha Soomaaliya. Iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto abaarta ba'an ee dalka ku habsatay, ayaa haddana halista macaluushu aad uga sii badan tahay sidii hore. Kordhinta degdega ah ee taageerada beesha caalamka ayaa aad muhiim u ah si looga hortago macluusha.
Warbixin cusub oo ka soo baxday Shabakadda Digniinta Hore ee Macluusha iyo Qaybta Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, oo ku salaysan qiimayn degdeg ah oo ay sameeyeen hay’ado badan oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa muujisay in 7.1 milyan oo Soomaali ah (in ku dhow 50 boqolkiiba dadweynaha) ay hadda wajahayaan sugnaan la’aan cunto heer-dhibaato ah ama ka sii daran ilaa ugu yaraan Sebteembar 2022. 213,000 oo qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa wajahaya gaajo musiibo ah iyo macaluul, waxa ay 81,000 ka badan tahay saadaasha bishii Abriil. Deegaanno badan ayaa halis ugu jira macaluul, gaar ahaan koonfurta dalka ee gobollada ay ka jiraan ammaan-darro iyo colaado ka dhigaya gaarsiinta gargaarka bani'aadamnimo mid caqabad sii ah.
Tirooyinkan ayaa ka tarjumaya xaaladda sugnaanta cuntada ee la filayo inay si dhaqso ah uga sii darto bilaha soo socda. Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta ayaa hadda dhaqaalaha xaddidan ee ay hayaan diiradda ku saaraya ka-hortagga macluusha si ay u difaacaan kuwa ugu nugul dalka, iyadoo hay'adaha saadaasha hawada ay ka digayaan in xilli-roobaad kale oo ka hooseeya celceliska uu imaan karo dabayaaqada sannadka.
“Waxa aynu u toogheynaa masiibo iman karta; Haddii lagu fashilmo in hadda wax la qabto waxay murugo ku noqon doontaa qoysas badan oo ku sugan Soomaaliya,” ayuu yiri Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Deegaanka iyo Gargaarka Bani'aadannimada Adam Abdelmoula. “Soomaaliya waxay qatar ugu jirtaa in ay gasho xilli roobaadkii shanaad oo xiriir ah ee baaqda taas oo aan horay loo arag, oo la micno ah in boqollaal kun oo qof ay wajahayaan khatar macluul ah. Macaluul ayaa galaafatay nolosha 260,000 oo Soomaali ah sannadihii 2010-2011. Tani lama ogolaan karo inay mar kale dhacdo 2022. Waxaa degdeg ah in wax badan la qabto si looga hortago khatartan, oo hadda wax la sameeyo," ayuu yiri.
Si wadajir ah, Hay’adaha gagaarka bani’aadannimo ayaa intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Abriil 2022 waxa ay kaalmo isugu jirtay naf-badbaadin iyo hab-nololeed gaarsiiyeen dad gaaraya 2.8 milyan oo qof, kuwaas oo qayb ka ah gurmadka abaaraha iyo barnaamijyada ka-hortagga macluusha, balse qiimaynta cusub waxa ay si cad u muujinaysaa in baaxadda kaalmada hadda la gaarsiinayo iyo maalgelinta beesha caalamka in aysan weli ku filnaynan si loo difaaco kuwa ugu khatarta badan.
Qiimaha cuntada ayaa saameynaya kuwa ugu nugul
Qoysaska Soomaaliyeed ayaa si sii kordheysa u tahli karin la qabsiga sicirka sare u kacaya ee cuntada maadaama cuntada waddanku ay noqotay mid gabaabsi ah xilliyo xiriir ah iyadoo loo aaneynayo wax soo saarka gudaha oo xumaaday ama fashilmay, dhimashada xoolaha iyo qiimihii cuntada dibadda laga keeno oo gaaraya heerarkii ugu sarreeyay – qayb ahaan waxaa sabab u ah saameynta isku xirnaanta saadka oo ay sabab u tahay iska horimaadyada Yugreyn. Qaybo ka mid ah dalka, waxaa sare u kacay qiimaha cuntada 140 ilaa 160 boqolkiiba, taasoo keentay in qoysas danyar ah ay gaajoodaan oo ay cayrtoobaan.
"Waa inaan si degdeg ah tallaabo u qaadnaa si aan uga tagno masiibo bini’aadannimo. Nolosha dadka ugu nugul waxa ay horraanba halis ugu jiraan nafaqo darro iyo gaajo, mana sugi karno in baaqa wax ka qabashada macaluul,” ayuu yiri El-Khidir Daloum, madaxa WFP ee Soomaaliya. . "Waa tartan lagula jiro waqtiga si looga hortago macluusha, WFP na waa ay kordhineysaa intii suurtagal ah, iyada oo mudnaanta koowaad siinaysa kheyraadkeenna yar si aan u badbaadinno kuwa khatarta ugu badan. Laakiin sida ay muujinayaan tirooyinkan cusub, waxaa loo baahan yahay dhaqaale dheeraad ah oo degdeg ah si loo daboolo dhibaatooyinka gaajada ee sii baahaya.,” ayuu yiri.
Ku dhawaad 3 milyan oo xoolo ah ayaa ku dhintay abaarta tan iyo bartamihii 2021-kii, hoos u dhaca ku yimid wax soo saarka hilibka iyo caanaha ayaa sidoo kale horseeday nafaqo-darro ka sii daraysa, gaar ahaan carruurta yaryar ee ku nool deegaamada xoolo-dhaqatada ah oo ku tiirsan sahayda gudaha. Laga soo bilaabo Maajo 2022, qiyaastii 1.5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa wajahaya nafaqo-darro ba'an dhammaadka sannadka, oo ay ku jiraan 386,400 kuwaas oo laga yaabo in ay hayso nafaqo-darro ba'an – waxa ay korortay 55,000 marka loo eego qiyaasihii hore.
Dhibaatooyinka nafaqo-darrada ayaa laga yaabaa inay ka sii daraan iyadoo xaaladda nafaqadu ay aad uga sii darayso deegaamada ay abaarta saameysay, tiiyo carruurta iyo dadka nugul ay yihiin kuwa ugu daran. "Tani waa xasarad carruurta haysata. Kuma saabsana oo kaliya biyaha ama nafaqada, laakiin sidoo kale waxa ay ku saabsan tahay carruurta weyneysa waxbarashada, nuglaanta arrimaha ilaalinta carruurta iyo caafimaad xumo; dhamaantood saamaynaya mustaqbalkooda,” ayay tiri Angela Kearney, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya. Hay’adda UNICEF waxa ay taageertay daawaynta in ka badan 114,000 oo carruur ah oo ay hayso nafaqo-darro ba’an intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Abriil 2022. “Waxaan daweynaynaa carruurta laakiin hadda waxaan u baahannahay dhaqaale dheeraad ah si aan uga hortagno macluusha, una ilaalinno mustaqbalka ilme kasta oo Soomaaliyeed,” ayay tiri.
Xaalad murugo leh iyadoo maalgelinta bini'aadannimo ay aad u yar tahay
Xaaladda qallafsan ee sugnaanta cuntada ayaa laba jibbaarmeysa iyadoo maalgelinta bini'aadannimo ee beesha caalamka ay ka yar tahay in ay ku dhawaato waxa jilayaasha u baahan yihiin si looga hortago macluul dalka ka dhacda. Qorshaha wax ka qabashada Bani'aadannimada ee 2022 hadda waxa la maalgeliyay 18% oo keliya. "Taageeradii loo baahnaa weli si buuxda uma hirgelin, boqollaal kun oo Soomaali ahna waxay halis ugu jiraan gaajo iyo dhimasho," ayuu yiri Etienne Peterschmitt, oo ah wakiilka FAO ee Soomaaliya.
"Waa murugo in la arko heerka dhibaatada gaar ahaan dadka reer miyiga ah la kulmayaan, waxaana na xaddidaya waxa aan sameyn karno si aan uga hortagno dhibaatadan aan caadiga ahayn. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay si degdeg ah wax u qabtaan iyadoo aan weli rajo ka qabno inaan ka hortagno burburka hab-nololeedyada, ka sii barakaca dad badan ee laga yaabo inay ka barakacaan miyiga una guuraan xeryaha dadka gudaha ku barakacay IDP iyo iyo macluul baahsan ee Soomaaliya,” ayuu yiri.
* * * * *
La soo xiriir:
Magaca: Will Swanson
Jagada: Sarkaal Sare ee Warfaafinta
Xafiiska: FAO Somalia
Iimeyl: William.swanson@fao.org
Taleefan: +254 729 806 159
Magaca: Erich Opolot Ogoso
Jagada: Madaxa Warfaafinta
Xafiiska: OCHA Soomaaliya
Iimeyl: ogoso@un.org
Taleefan: +254 720 766 587
Magaca: Lisa Hill
Jagada: U qaabislanaha Warfaafinta
Xafiiska: UNICEF Soomaaliya
Iimeyl: lhill@unicef.org
Taleefan: +252 613 642 623
Magaca: Petroc Wilton
Jagada: Madaxa Warfaafinta
Office: WFP Soomaaliya
Iimeyl: Petroc.Wilton@wfp.org
Taleefan: +61 406 508 188 (WhatsApp)