Dr. Ilyaas Cabdiladiif Sheekh Yuusuf: In aan dhaqtarnimo dibadda uga shaqeysto waxba u tarimayso dadkayga Soomaaliya ku nool
Baydhabo – Waxay ahayd Diseembar 2009-kii Dr. Ilyaas Cabdiladiif Sheekh Yuusuf aad ayuu u faraxsanaa.
Kadib todobo sano oo waxbarasho adag ah, si uu ugu dabbaaldego xafladda qalin jebintiisa Jaamacadda Banaadir wuxu tagay Hoteel Shamo oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Qaadashada shahaadada caafimaadka waxay ahayd guushii ugu dambeysay ka hor inta uusan billaabin xirfaddiisa caafimaad.
Xafladda ayaan u dhicin sidii loogu talo galay.
"Waxaan ka qaybgalayay xafladda qalin-jabintayda, anigoo rajaynaya inaan helo shahaadadii aan muddada dheer sugayay, balse qarax weyn ayaa gil-gilay hoolka oo waan miyir daboolmay - dhaawacyo badan ayaa iga soo gaaray madaxa iyo caloosha," 38-jirkan ayaa dib u xasuustay xilligaas.
Waxaa goobta xafladda ku sugnaa nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa. Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa isugu jira arday, aqoonyahanno, saraakiil ka tirsan dowladda iyo weriyeyaal.
Dr. yuusuf iyo 11 kale oo dhaawacoodu cuslaa waxaa loo duuliyay Kenya kadibna waxaa loo sii qaaday Sacuudi Carabiya si loogu soo daweeyo. Waxaa muddo hal bil ah uu ku sugnaa magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sucuudiga waxaana lagu sameeyey qalliinno kala duwan oo wajiga ah. Soo kabsashadiisu waxay qaadatay muddo dhan siddeed bilood.
Bilawga damaciisa
Ilaa yaraantiisii, Dr. Yuusuf waxa uu jeclaanjiray in uu wax wanaagsan u sameeyo Soomaaliya wuxuuna go’aansaday in xirfadda caafimaadku ay tahay midda ugu habboon ee uu wax ugu tari karo.
Dr. Yuusuf waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Muqdisho. Waxa uu wax ka bartay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Imaamu Shaafici ka hor intii aanu ku biirin Jaamacadda Banaadir oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee cilmiga caafimaadka sannadkii 2003-dii.
Qalin-jabintiisa iyo soo kabashadiisa ka dib, waxa uu bilaabay in uu xoogga saaro shaqadiisa dhaqtarnimo oo aheyd daawaynta guud balse noocyada dhaawacyada culus ee bukaannada lagu daweeyo isbitaallada Muqdisho ayaa u horseeday in uu yeesho takhasus gooni.
“Markii aan ka shaqeynayay Isbitaallada Keysaney iyo Madiina, waxaan ogaaday in bukaannada lafaha ka jabay ee ay sababeen qaraxyada iyo madaafiicda ay u baahan yihiin waqti ka badan kuwa kale ee dhaawaca ah, waqtigaas waxaa dalka joogay dhaqatiir yar oo ku takhasusay lafaha kuwaas ooo dadka daawayni jiray,” ayuu yiri Dr. Yuusuf.
Waxay ahayd sannadihii 2010-aadkii, markii kooxo hubeysan ay dagaallo ba'an ku dhex-mareen magalada Muqdisho dagaladaas oo dhaawacyo kala duwan ku reebay dad badan oo shacab ah.Tani waxay horseedday isbeddel ku yimid jihada shaqo ee Dr. Yuusuf wuxuuna go'aansaday inuu ku takhasuso lafaha.
Ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii soo gaaray shahaadadiina uu qaatay, waxa uu u ambabaxay waqooyi-bari ee dalka Shiinaha, halkaas oo Jaamacadda Jilin ku bartay qalliinka lafaha isagoo qaatay shahaadada takhasuska ah sanadkii 2014.
Markii uu dhammaystay waxbarashadisa, qaar ka mid ah qoyskiisa ayaa isku dayay inay ku qanciyaan inuu dhakhtar ka noqdo dibadaha hase yeeshee wuu diiday.
"Waxaan leeyahay walaalo I jecel oo igu dhiirigeliyay inaan aado Boqortooyada Ingiriiska laakiin waan diiday oo waxaanba kusii adkeeyay inay xirfadahooda ku soo celiyaan Soomaaliya. in aan dhakhtarnimo uga shaqaysto dibadda,ma ahan mid caawinaysa dadka halkaan jooga," Dr. Yuusuf ayaa yidhi. "Waxaan rajeynayaa in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee qurbaha ku maqan ay dib ugu soo laabtaan dalkooda si ay u badbaadiyaan dalkan abaaruhu iyo caafimaada daradu ay halakeeyeen."
Asalnimadiisa Koonfur Galbeed
Markii uu ka soo laabtay Shiinaha 2014, Dr. Yuusuf wuxuu go'aansaday inuu shaqo ka bilaabo Koonfur Galbeed oo ah maamul-goboleedxubin ka ah Federaalka halkaasoo asal ahaan ay qoyskiisu ka soo jeedaan.
Waxa uu dhakhtar ahaan ula soo shaqeeyay hay'ado aan dowli ahayn (NGOs) sida Médecins Sans Frontières (MSF) iyo Cooperazione Internazionale (COOPI) wuxuuna markiiba dareemay inay jirto baahi loo qabo dhaqaatiir Takhasusi ah oo daweeya cudurada.
“In muddo ah ayaan ka shaqeynayay Baydhabo waxaana ii cadaatay in dadka deegaanka ay dhibaato badan qabaan sababtoo ah waxaa magaalada joogay oo kali ah dhaqaatiir fara-ku tiris ah ooTakhasusi ah. Waxa jiray oo kaliya cusbitaallo dawladeed oo awood u leh in ay wax ka qabtaan xaaladaha degdega ah iyo xaaladaha fudud, dadkuna waxay u safri jireen Hargeysa iyo Muqdisho si ay u helaan dhakhtatiirta lafaha, indhaha, ama kuwa kale takhasuska leh.” Dr. Yuusuf ayaa yiri.
Maadaama uu go’aansaday in uu bixiyo adeegyo caafimaad oo wanaagsan, waxa uu dhaqaalihiisii ku maalgaliyey Isbitaalka TAYO oo laga hirgeliyay magaalada Baydhabo bishii Febraayo 2019. Isbitaalkan gaarka loo leeyahay ayaa adeegyo caafimaad u fidiya bulshooyinka ka soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale gobolada xadka la leh sida Gedo iyo Jubbada Dhexe.
Isbitaalka ayaa lagu bilaabay saddex qaybood oo kala ah: Qaybta carruurta, haweenka iyo lafaha. Waxaana la balaariyay cusbitaalku 2021-kii oo laga dhigay lix qaybood. Iyadoo lagu daray qaybta qalliinka guud, dhakhtarka ilkaha iyo dhakhtarka dhegaha iyo cunaha. Hadda waxuu leeyahay in ka badan 50 shaqaale ah oo ka shaqeeya adeegyada caafimaadka iyo waxa la halmaala.
"Waxaan runtii jeclaan lahaa inaan halkaan mahadnaq uga jeediyo shaqaalaha isbitaalka oo si hagar la'aan ah ii garab istaagay. Iyaga la'aantood waxba suurtogal ma noqdeen. Cisbitaalka TAYO waxa uu shaqaynayay wax ka yar afar sano, balse waxa uu soo jiitay bulsho badan," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in isbitaalka adeeg caafimad u fidiyay in ka badan 14,000 bukaan tan iyo markii la aasaasay.
"Waxaan ka imid Xaafadda Wadjir ee magaalada Baydhabo," ayuu yiri Borow Aadan Nuur oo ah dadka deegaanka oo walaashii u keenay daweyn. “Walaashay waxa ay ka cabanaysay lug barar. Waa 17 jir. Hurdo ma seexan karto oo way ooysaa had iyo jeer. Waxaan aaminsanahay in lagu daweyn karo Cisbitaalka TAYO. Waxaan keeni jiray halkan carruurtayda mar kasta oo ay xanuunsadaan, mar walbana si wanaagsan ayaa loo daryeeli jiray.”
Isbitaalku waxa uu sidoo kale siiyaa daawayn bilaash ah dadka gudaha ku barakacay (IDPs) oo ku dhawaad 1,500 barokacayaal ah ayaa ka faa'iideysta adeegiisa caafimaad sanadkii. Gu'gan, cisbitaalku waxa uu bilaabay qalitaan indho fiiqis oo bilaash ah. Ilaa hadda, 150 bukaan ayaa indhaha loo fiiqay, Dr. Yuusuf wuxuu hadda raadinayaa hay'ado ka caawiya sidii uu magaalada Baydhabo u keeni lahaa qalliinka faruuryaha.
Caafimaadka Soomaaliya
Marka loo eego Iskaashatada Caymiska Caafimaadka Caalamiga (UHC Partnership), celceliska cimriga dadka Soomaaliyeed waa 55.7 sano, waxaana tirada dadka ku nool wadanka lagu qiyaasaa 15.4 milyan, kaliya 25 boqolkiiba dadkaas ayaa hela adeegyo caafimaad oo muhiim ah.
Waxaa taageera Ururka Caafimaadka Adduunka iyo kuwa kale. Iskaashatadu waa madal iskaashi caalami ah oo ku saabsan caymiska daryeelka caafimaadka ee caalamka. Waxay ka kooban tahay khubaro caafimaad oo kala duwan kuwaasoo ka wada shaqaya sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka noocaan oo kale ah iyadoo la kobcinayo siyaasadda maamulka caafimaadka, horumarinta xeeladaha maalgelinta caafimaadka iyo taageeridda hirgelintooda.
Intii ay ku guda jirtay booqashadeedii ugu dambeysay ee Soomaaliya, Khabiirka Madaxa Banaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa tilmaantay in helitaanka daryeelka caafimaadka dalka uu weli yahay mid aad u hooseeyo. Khabiirka Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay xaqiijiyaan helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo ay ka mid yihiin biyaha la cabbo, goobaha fayadhowrka, guriyeynta, daryeelka caafimaadka, iyo waxbarashada dhammaan carruurta, gaar ahaan gabdhaha. Waxay kaloo ku boorisay Dowladda inay ballaariso bixinta adeegyada caafimaadka bulshada.