Iyadoo Soomaaliya ay xuseyso Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka, QM ayaa ku baaqeysa ilaalin dheeri ah oo loo fidiyo shaqaalaha samafalka

19 Aug 2018

Iyadoo Soomaaliya ay xuseyso Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka, QM ayaa ku baaqeysa ilaalin dheeri ah oo loo fidiyo shaqaalaha samafalka

Mogadishu – Iyada oo ay beesha caalamka maanta xuseyso Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka, ayaa mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay walaac ka muujiyey khatarta ee ay la kulmaan shaqaalaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya iyaga oo bartilmaameed u ah kooxaha hubeysan oo mar walbo afduubta, xira oo na dhaca alaabta gargaarka ee aadka loogu baahan yahay.

“Marka ay dadka ku hawlan samafalka fidinayaan gargaar ayna shaqaalaha caafimaadna daaweynayaan bukaanka iyo dhaawaca, si toos ah ayaa loo beegsadaa,” ayuu Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadamnimada Peter de Clercq ka sheegay war saxaafadeed uu ku qabtay caasimadda Soomaaliya.

“Waxaa ay weli la kulmaan khatarro, waxaana mararka qaar laga hor istaagaa in ay gargaar u fidiyaan dadka aadka ugu baahan – tani waa in ay joogsataa,” ayuu raaciyey.

Mas’uulka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 74 dhacdooyin shaqaaqo ah oo saameynaya shaqaalaha hawlaha bani’aadamnimo, xarumo caafimaad iyo hantiba ay ka dhaceen Soomaaliya ilaa iyo bilowga 2018. Ilaa hadda toddobo shaqaale samafal ayaa la dilay, toban kalena la dhaawacay.

18-ka shaqaale samafal ee la afduubtay sanadkani, lix ayaa weli ku jira gacanta afduubeyaasha oo ay ka mid tahay kalkaaliye caafimaad oo ka soo jeeda Jarmalka Sonja Nientiet oo la shaqeyneysay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeerta Cas oo laga afduubay caasimadda Muqdisho, bishii Maajo ee la soo dhaafay.

Isu-duwaha Hawlaha Bani’aaddamnimada ayaa sheegay inkasta oo ay tirada shaqaalaha samafalka ee la bartilmaameedsaday sanadkani ay ka yar tahay tan sanadkii tagay, haddana dhaqankani ayaa walaac weli taagan ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wacad ku martay in ay tallaabo qaadeyso si loo yareeyo khatarta wajahdo shaqaalaha samafalka.

“Wasaaraddeena ayaa ka shaqayn doonta sidii loo heli lahaa siyaasado xooggan oo ilaaliya badqabka dadka rayidka ah, gargaarka iyo shaqaalaha caafimaadka,” ayuu ka yiri munaasabadda maanta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Maareynta musiibooyinka.

Cabashooyinka ay Qabaan Dadka Rayidka ah

Cabashooyinka dadka rayidka ah oo ay asiibeen dhibaatooyinka bani’aadamnimo ayaa sidoo kale lagu soo qaaday warbixinta saxaafadeed, iyada oo dadka gudaha ku barakacay ay ugu sarreeyeen arrimaha mudnaanta koowaad la siiyay.

Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Benaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, ayaa ku qiyaasay in caasimadda Soomaaliya iyo deegaannada ku hareereysan ay martigeliyaan ugu yaraan 500,000 oo barakacayaal ah.

“Wax ka qabashada barakaca waxaa ay arrin horumarineed u tahay Maamulka Gobolka Benaadir. Ma lahaan kartid caasimad casri ah oo hor u socota iyadoo ay jiraan kumanaan qof oo barakacayaal ah,” ayuu xusay Mudane Cusmaan, isaga oo  intaa raaciyay in Muqdisho ay u baahan tahay in ay qaadato “qorshe horumarineed oo loo wada dhan yahay” si ay si wanaagsan ula tacaasho dadka barakacayaasha ah ee ku sugan.

Iyada oo xoogga saaraysa baahida loo qabo in xalal la taaban karo la helo si loo yareeyo barakaca gudaha ah, Wakiilka Dalka u qaabilsan Xafiiska Guddiga Sare ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga, Caroline Van Buren, ayaa warbaahinta u sheegtay in 2.6 milyan oo Soomaali ah ay ku barakaceen gudaha dalka.

“Waanu soo dhaweynaynaa ballanqaadyada ay sameeyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si ay wax uga qabtaan arrimaha barakaca iyaga oo bixinaya hab-raacyaal waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol,” ayay tiri Marwo Van Buren.

Sannadkii 2008-dii, Qaramada Midoobay ayaa Agoosto 19-keedii ugu magacowday Maalinta Bani’aadamnimada Adduunka si ay u xusto weerar qarax oo ismiidaamin ah oo lala beegsaday xafiisyada Qaramada Midoobay ee ku yaalla caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad 2003-dii, kaas oo ay ku dhinteen 22 qof ayna ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Maalinta waxaa looga dan leeyahay in lagu sharfo oo lagu maamuuso shaqaalaha gargaarka ah ee naftooda halista u geliya adeegga hawlaha bani’aadamnimada, iyo in gargaar loogu ol’oleeyo dadka adduunka ku nool oo ay saameeyeen dhibaatooyinka.