Aweys Cabdullaahi Cabdiraxmaan: Aqoonsiga geesinimada shaqaale gargaar

19 Aug 2018

Aweys Cabdullaahi Cabdiraxmaan: Aqoonsiga geesinimada shaqaale gargaar

Isagoo ku gudajira shaqadiisa ayaa Aweys Cabdullaahi Cabdiraxmaan waxa uu dhowr jeer ka gabbaday xabado lagu soo riday waxaa uuna si dirqi ah uu uga badbaaday geeri, iyada oo waayaraganimadiisa ku aaddan fidinta gargaarka bani’aadamnimo ee baahida weyn loo qabo ay u muuqatay sida qoraal laga soo diyaariyay aflaanta dagaalka ee Hollywood.

Shaqada shaqaalaha gargaarka bani’aaddamnimada ee ka hawlgala gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka ee ay colaadaha ka jiraan ma aha mid loogu talogalay dadka baqdinta ku jirta – maleeshiyaad hubeysan ayaa weli gacanta ku haya dhul ballaaran ee miyiga dhinacaasi Soomaaliya, ayaga oo tobanaan kun oo qof ka hor istaaga in ay helaan gargaar bani’aaddamnimo.

"Dadka bixiya taakulada muhiimka u ah dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan dagaalada waa bani'aadam dhab ah kuwaasi oo sidoo kale ay dhibaato kasoo gaadho colaaddaasi," ayuu ku  sharraxay Aweys oo 29-jir ah.

Sida uu isaga sheegay, Aweys noloshiisa ayaa aad u sigatay sannadkii hore kaddib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen kolonyadiisa, taasi oo wadday sahay caafimaad oo ay kasoo qaadeen caasimadda, Muqdisho, oo ay u wadeen gobolka Baay ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

“Kolonyada gargaarka ee aan la soconnay ayaa lagu furay rasaas,” ayuu yiri Aweys, oo ka soo jeeda Xudur ee gobolka Bakool. “Maalintaasi nasiib baan lahayn – qof ku dhintay ama ku dhaawacmay ma jirin. Hase yeeshe, qalabka caafimaadka iyo sahayda aan wadnay ayaa burbur xooggan gaaray.”

Colaadda iyo dhibaatada uu la soo kulmay ayaa saameyn ku reebtay shaqaalahan gargarka ee da’da yar, kaas oo saaxiib dhow ku waayey weerar lagu soo qaaday sanadkii la soo dhaafay.

“Agaasimaheenna u qaabilsan dalka oo dhan ayaa waxaa lagu dilay qarax ka dhacay hoteel ku yaalla Baydhabo bishii Sebteembar ee sanadkii tagay,” ayuu yiri Aweys. “Waxaa ay u bartilmaameedsadeen sababta oo ah waa nin ka shaqeeya gargaarka oo dadka ka caawiyo in ay ka baxaan saboolnimada iyo baahida. Waa wax laga xumaado in ay ayaga [Al-Shabaab] dilayaan dadkooda si arxan darro ah.”

In kasta oo uu halis badan leeyahay waddan ka soo kabsanayo in ka badan labaatan sano oo dagaalo sokeeye ah, Aweys go’aankiisa ah in uu sii wado caawinta Soomaalida ku jira xaalado adag waa mid aan isbeddeleyn.

“Firfircooni iyo farxad ayaan ka helaa caawinta dadka kale,” ayuu raaciyay. “Ajar ayay leedahay, waxaa aana ka helaya degganaan.”

Aweys waxaa uu shaqaale ku hawlan arrimaha samafalka noqday 2011-kii xilligaas oo ay Soomaaliya la tacaaleysay abaartii ugu darneyd muddo 60 sano gudahood. Aweys oo ka soo qalin jabiyay Jaamacadda Simad oo ka qaatay shahaaddada sayniska maareynta ayaa waxaa uu jeclaystay in uu kaalmeeyo bulshooyinka Soomaaliyeed uuna ku caawiyo qoysaska in ay ka gudbaan macluushii xumeyd ee ay ku dhinteen in ka badan 250,000 oo qof.  

Waxaa uu ku biiray Arlaadi Aid, oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo wax ka qabata saboolnimada isla markana wax barta dadka nugul si loo dhiso adkeysigooda. Maadaama uu yahay madaxa barnaamijka u qaabilsan mas’uuliyadda shirkadaha dhinaca bulshada, Aweys waxaa uu ku dadaalaa in uu yareeyo saameynta xaaladaha cimillada daran. Waxaa uu sheegay in waayo aragnimadiisa ay bartay muhiimadda ay leedahay diyaargarowga, isla markana ku dhiiriggelisay in uu la yimaado barnaamijyo waara kuwaas oo ka badbaadin karaa bulshooyinka saameynta isbeddelka hawada.

“In diiradda la saaro wax soo saarka beeraha ee dadka beeraleyda, mashaariicda ilaalinta biyaha, iyo in ceel biyood loo qodo xoola dhaqatada si ay biyo u helaan sanadka oo dhan, ayaa ah qaar ka mid ah fikradaha wax ka beddeli kara nolosha dadka nugul ee ku nool dalkan,” ayuu xusay Aweys.

Dadaalka hagar la’aanta ah oo uu Aweys ku bixinayo dadka baahan iyo kuwa barakacay oo ku sugan Soomaaliya kama aysan ka fakinin in uu farriimo hanjabaad ah ka helo Al-Shabaab, iyada oo ay kooxda maleeshiyaadka ah inta badan u diraan farriimo qoraal ah oo ay ugu hanjabayaan. Si la mid ah shaqaalaha kale ee gargaarka, shaqadiisa waxaa sii adkeeya colaadaha qabaa’illada ee soo noqnoqda ee ka jira Soomaaliya.

Balse waxaa uu ku adkeysanaya in uu san waligii joojineyn hammigiisa ah in uu caawiyo dadka baahan.

“Waxaa aan ku rajo weynahay in Soomaaliya ay maalin maalmaha ka mid ah gudbi doonto saboolnimada, baahida iyo amni darrada,” ayuu yiri Aweys. “Waxaa aan dhammaan dadka ku hawlan arrimaha samafalka ku ammaanaya geesinimadooda, dadaalkooda iyo go’aankooda in ay shaqadan qabtaan.”

Maalinta Bani’aaddamnimada Adduunka oo la xuso 19-ka Agoosto ee sanad kasta, waxaa lagu maamuusa shaqaalaha naftooda halis u galiya mararka qaarna u dhinta in ay caawiyaan dadka kale, isla markana waxaa lagu ol’oleeya badqabkooda iyo ammaankooda, iyo sii noolaanshaha, wanaagga iyo sharafta dadka ay saameyeen dhibaatooyinka.