Jeer ay gureen fatahaadihii nawaaxiga Beledweyne, baahida loo qabo in xal waara loo helo dhacdooyinka la xiriira is bedellada cimilada oo la tilmaamay

16 Dec 2019

Jeer ay gureen fatahaadihii nawaaxiga Beledweyne, baahida loo qabo in xal waara loo helo dhacdooyinka la xiriira is bedellada cimilada oo la tilmaamay

Beledweyne – Xilli ay gurayaan bihii ay fatahaadahaa dhigeen agagaarka Beledweyne, dadkii deegaanka ahaa ayaa isku dayaya in ay dib noloshooda caadiga ah ugu laabtaan laakiin ma aha hawl sahlan.

 “Xaaladeena waa mid adag: nolosheenii waa la burburiyey, carruurteena waxa ay u baahan yihiin kaalmo, cuntada aan heleyno ma nagu fiilna,” waxaa sidaas tiri hooyo dhashay ilma sagaal jir ah., Maryan Maxamed Jimcaale.

“Cunto in la helo waa dhibaato. Taas waa natiijada ka dhalatay awooddii fatahaadaha ee ku dhuftay guryeheenna.”

Shaqsigan deegaanka ah oo ku sugan Ceel-Jaale oo ilaa iyo shan kiilomitir u jirta Beledweyne  ayaa u hadashay bilowgii tobbaadkan dadka ay fatahaadaha barakiciyeen. Iyada iyo qoyskeeda waxa ay ka mid yihiin in badan oo hoy ka dhigtay kaamka kana hela kaalmo, kaamka waxaa gacanta ku haya hay’ado aan dowli ahayn oo ay maamulaan dad deegaanka ah iyaga oo garab ka helaya  hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federal-ka ee Soomaaliya.

Dhibaatada haysata Marwo Maryan waxaa ka falceliyey Gobolnatooraha Gobolka Hiiraan oo ay ka mid tahay Beledweyne. Ali Muxumad waxa uu ku baaqay in la helo kaalmo dheeri ah si bulshada ay dhibaatadu saameysay loogu helo xal waara waxna looga qabto tirada sii kordheysa ee halista ka dhalatay fatahaadihii dhawaan ee la xiriiray cimilada.

 “Waxaan u baahannahay in mashruuc xal waara ah loo helo si looga badbaado biyaha soo rogmanaya; waxaan dooneynaa in biyahaas jihadeena laga weeciyo – waxaan u baahannahay mashruuc soo afjara dhibaatooyinka fatahaadaha,” waxaa sidaas yiri Gobolnatoore Caraale.

Nawaaxiga Beledweyne waxa ay wajaheen fatahaado daran dhammaadkii bishii Oktoobar markaas oo uu jiinka soo goostay Wabiga Shebeelle sababo la xiriira roobab mahiigaan ahaa.

Xaaladan waxa ay sababtay in 570,000 (Shan boqol iyo Toddobaatan Kun)  ay fatahaaduhu saameeyaan, waxaa gargaar helay 350,000 ilaa iyo hadda. Wey gureen bihii fatahaadaha taas oo sababtay in 80,000 (Sideetan Kun)  oo dadkii barakacayaasha ahaa ee magaalada Beledweyne – 40% boqolkiiba afartan ee dadka deegaanka ku barakacay ay ku laabtaan guryohoodii.

Yeelkeede, inta badan dadkii aysan u suurtagalin in ay dib deegaanadoodii ugu noqdaan ayaa la tacaalaya saameyntii ay fatahaaduhu ku reebeen, waxaa ka mid ah guryohoodii daadku qaaday, wadooyinkii iyo laamiyadii. Waxaa intaas dheer, roobabku waxa ay biyo dhigeen 207,000 (Laba Boqol iyo Tadobo Kun) hektar oo ku dhaw Wabiyada Shabeelle iyo Jubba taas oo keentay walaac la xiriira sugnaan la’aan cunto iyo dhimishada dad badan.

Sida uu qabo Gobolnatoore Cali, waxyaabaha deg degga ah ee in wax laga qabto u baahan waxaa ka mid ah in la helo biyo nadiif ah, cunto iyo madaarka deegaanka halka uu ku yaal laga bedelo.

 “Qodobka kale ee muhiimka ah waa laamiyada  waxyeeladu soo gaartay kuwaas oo ay burburiyeen fatahaadaha,” ayuu hadalkiisa ku daray Gobolnotooraha. “Magaaladu wadooyin ma leh; gebi’ahaanba wey burbureen. Wadooyinkii xiriirinayey beeraha oo ay buundada ku jirto wey burbureen, waxaan u baahannahay dib in loo soo celiyo.”

Nuglaashaha oo sii kordheysa

Xilli uu booqanayey goobaha ay fatahaaduhu saameeyeen, sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xarriiqay in ay sii kordheeyso tirada dadka u nugul is bedelka cimilada, dhacdooyinka la xiriira cimilada – gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha – kuwaas oo tiro ahaanna batahay oo soo noq noqday,  waxa ay sare u qaadeen baahidii loo qabay gargaarka halka ay wiiqeen adkeysigii bulshada.

 “Is bedel bedelka badan ee abaaraha iyo fatahaadaha waxa ay caddeyn u yihiin sida ay Soomaaliya ay arrimahan ugu nugushahay,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Qaramada Midoobe Ari Gaitanis. “Mararka qaar waa in aad maskaxda ku hayso in bulshada ay baab’a qarka u saran tahay marka loo eego tobanaanka sano ee ay saboolka yihiin colaadana ku jireen, marka waxyaabaha noocan ah hadii ay heleelaan wey baa’bi karaan iyaga oo dhibaato uga guuraya mid ka sii qalafsan.”

Tan iyo 1990, Soomaaliya waxaa soo maray 30 dhibaato oo la xiriira cimilada; 12 abaar iyo 18 fatahaado – kuwaas oo ku saddex jibbaarmay tiradii dhibaatooyinka la xiriira cimilada ee uu dalku wajahay intii u dhexeeysay 1970kii ilaa iyo 1990kii.

2017, abaar darned ayaa Soomaaliya qarka u saartay macaluul. 2019, roobkii guga oo soo daahay ayaa sababay in dalagii soo go’ayey gaaro heerkii ugu liitay tan iyo macaluushii iyo fatahaadihii 2011.

$47.5 Milyan ayaa loo baahan yahay

23kii Nofeembar, Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqeen $72.5 million (Toddobaatan iyo Laba dhibic shan Milyan)  oo muddo saddex bilood ah oo looga jawaabayo fatahaadaha si loo helo dhaqaale kale oo dheeri ah. Saddex meelood, meel ayaa dhaqaalahaas laga helay, laakiin $47.5 Milyan ayaa wali loo baahan yahay.

Qaramada Midoobay waxa ay si dhaw ula shaqeeneysaa mas’uuliyiinta deegaanka iyo saaxiibada caalamka si loo ogaado oo looga jawaabo baahiyaha deg degga ah ee ay qabaan Soomaalida ay fatahaaduhu saameyeen. Hay’adaha caalamiga waxa ay dirtay kaalmo deg deg ah iyada oo bixineysa adeeg lagu badbaadinayo nolosha dadka taas oo loo marayo saaxiibada caalamka ee meesha jooga.

Intaas waxaa dheer, xilli ay fatahaadihii gureen oo ay xaaladuna gashay waji soo kabasho, hay’adaha Qaramada Midoobay waxa ay sidoo kale gacan ka geysteen siidii loo ogaan lahaa oo loo caawin lahaa dadka deegaanka ee ay nafaqo darada hayso, sidoo kale halista ka dhalan karta haddii ay dillacaan cudurro sida Shuban biyoodka iyo daacuunka iyo sidoo kale nafaqo darada. Tusaale, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Carruurta (UNICEF) waxa ay qeybisay 61,000 (Kow iyo Lixdan Kun) oo agabka nadaafadda ah si loogu horumariyo helidda biyo nadiif ah, loogana hortago cudurada ka dhasha biyaha – agabkaas waxa ay gaareen 61,000 (Kow Lixdan Kun) oo guri iyaga oo gaaray 366,000 (Saddex Boqol Lixdan iyo Lix Kun) oo qof -  sidoo kale waxa ay qeybisay daawooyin wax looga qabanayo dadka uu ku dhoco shuban biyoodka.

Mr. Gaitanis waxa uu sheegay argagixii ka dhashay cimilada in ay caddeyn u tahay muhiimada ay leedahay in Dowladda Federal-ka ah laga taageero soo kabashada iyo adkeysiga taas oo udub dhexaad u ah in Meesha laga saaro masiibooyinka bili’aadannimo ee dalka ku soo noq noqda.

 “Marka lagu daro in lagu taageero in ay noloshooda badbaadiyaan dadka deegaankan iyo qeybaha kale, (Qaramada Midoobay) waxa ay sidoo kale isha ku haysaa in ay gacan ka geysato ini taageero loo helo sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya taas oo Soomaaliya looga gacan siiyo in ay uga badbaaddo dhibaatooyinkan oo kale,” ayuu yiri mas’uulka Qaramada Midoobay, isaga oo sidoo kale xusay in xalka noocaas ah ay horseedi karaan horumar waqti dheer ah iyo in wax laga qabto waxa salka u ah dhibaatooyinka Soomaaliya.

Si taas loo gaaro, Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda caalamka waxa ay ka shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa in kaalmada deg degga ah iyo taageerada horumarineed ay is kabaan iyaga oo la jaan qaadaya Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Dowladda Federal-ka sii loo gaaro soo kabasho waqti dheer ah iyo adkeysi.