Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [Kulamo] wadatashi ah ku yeeshay Kismayo

17 Dec 2019

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa [Kulamo] wadatashi ah ku yeeshay Kismayo

Kismayo – Wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Gobaleedka IGAD, iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho ku tegay Jubaland, waana kulankii saddexaad ee kamid ah kulamo wadatashi ah oo taxane ah oo ka kala dahacayay Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Maaddaama sanadka 2019ka uu sii dhamaanayo, waxaan dib u milicsaneynaa horumarka la gaaray sanadkan, waxaana rajeyneynaa in sanadka 2020ka uu noqdo sanad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan halkan u joognaa in aan kulamo la qaadano dad kaladuwan oo ay hawshu khusayso, si aan u dhageysanno aragtiyadooda ku aaddan sida sanadka 2020ka lagu gaari karo arrimaha muhiimka ah ee hortabinta qaran leh. Arrimahaas waxaa ku jira diyaarinta doorashooyin ‘qof-iyo-cod’ ah, dhameystirka Dastuurka Federaalka ah, sii socoshada horumarka ku aaddan [xaqiijinta] deyn cafinta, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ka-hor inta aan la gaarin sanadkaas muhiimka ah, wakiilada beesha caalamka qaarkood ee taageerada dhinacyada badan leh u fidiya Soomaaliya ayaa waxay kulamo la qaadanayaan madaxda qaranka, Dowlad Goboleedyada, odayaal dhaqameedyada iyo bulshada rayidka ah, ee dalka oo dhan. Waan ka xunnahay in intii aan ku guda-jirnay booqashadeenii maanta, qaar kamid ah bulshada rayidka ah iyo hogamiyeyaal dhaqameedyada bulshada ee lagu marti qaaday shirka ay awoodi waayeen inay nala kulmaan.

Xaaladda siyaasadeed ee Jubaland weli ma sal dhiganin laakiin Jubaland iyo dadkeeduba waxay dowrkooda ka cayaari doonaan hawsha lagu xaqiijinayo yoolalka Soomaaliya ee 2020ka, annaguna ma doonaynin in aragtidooda la iloobo. Booqashadan ayaa ahayd fursad aan si toos ah uga fahamno dadka ay hawshu khusayso ee Jubaland arrimaha sii kala qaybinaya iyo waxa uu noqon karo xalka suurtagalka ah ee ku imaanaya wadahadal, qaab xaqiiqada ku qotoma iyo isu-tanaasul, iyo danta qaran oo laga hormariyo wax kasta. Haddii aan xal nabadeed laga gaarin, xaaladda Jubaland waxay khatar gelinaysaa xaqiijinta arrimaha mihiimka ah ee hortabinta u leh qaranka. Waxaan u mahad celinaynaa wakiilladii aan la kulannay ee nala wadaagay fikradohooda.

Ujeedooyinka Soomaaliya u degsan waxaa lagu gaari karaa wada-shaqeyn xooggan oo dhexmarta dhamaan dhinacyada ay hawshu khuseyso, sanadka 2020ka wuxuu Soomaaliya u noqon karaa sanad taariikhi ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed, hay'adohooda iyo bulshadaba inay wadahadlaan si ay iskugu af-gartaan halkii loo dhaqaaqi lahaa, iyo inay iska kaashadaan sidii lagu xaqiijin lahaa arrimaha ay ku heshiiyeen ee hortabinta u leh sanadka soo socda.

Waxaan sii wadi doonnaa in aan Soomaaliya ku garab istaagno hirgelinta arrimaha hortabinta qaran leh ee ay ballan qaadday [inay hirgeliso] sanadka 2020ka.