Ka soo kabsashada aafada colaadda: Haweeney dadaal xooggan ku bixineyso nabadda
Magaalo Muxumed Cusman waa shaqsi u ol’oleeya xuquuqda rayidka ah. Dad badan oo ku nool Beledweyne ee maamul goboleedka HirShabeelle ayay noloshooda wax ka beddeshay.
Sanadka 2012-kii, Magaalo waxaa ay aasaastay hay’ad lagu magacaabo Salbarwaaqo si ay wax uga qabato baahida isa soo tareysa ee bulshada. Waxaa ay ka mid tahay dadka gobolka ku nool ee ugu cadcad dhinaca u ol’ololeynta nabadda iyada oo dhiiriggelisaa wada-hadal iyo dib u heshiisiin.
Magaalo waxaa ku dhiiriggeliyay in ay dadaal badan ku bixiso nabadda waa rabitaankeeda in ay ku noolaato caalam aan colaad lahayn.
“Aad baan u dhibtooday xilligii dagaalada ay socdeen, dagaalada sokeeye waxa ay galaafteen qaraabo aad iigu dhow iyo saaxiibo. Hantideenii waa la burburiyay waxaana noqonay dad barakacayaal ku ah waddankoodii,” ayay xustay ol’ololeeyahan 40 jirta ah.
Magaalo oo xafiis ku leh magaalada Beledweyne, waxaa ay u ol’ololeysa xuquuqda rayidka si ay u ilaaliso xuquuqda ay leeyihiin dadka nugul oo ay ka mid yihiin haweenka, carruurta iyo dadka barakacayaasha ah.
“Waxaan is dhihi jiray in aasaaska iyo maareynta hay’ad u shaqeysa bulshada rayidka ah oo u dhaqdhaqaaqda nabadda in ay tahay wax aan suurto-gal aheyn. Hase yeeshee, aniga oo ka helay dhiiriggelin dadka kale oo aan wadaagno hal fikir, waxaan helay dhiirogelin iyo dhiirranaan in aan dhidibada ugu taago Salbarwaaqo,” ayay tiri.
Maanta, Magaalo waxa ay maareysaa barnaamijyo loogu talogalay yareynta saameynta colaadaha iyo xakameynta xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeya bulshooyinka ku dhaqan deegaanka. Hay’addeeda waxa ay diiradda saareysaa horumarinta hab-nololeedka, iyo bixinta adeegyada waxbarasho iyo dib u heshiisiinta kooxaha dagaalamaya.
“Guulo farabadan ayaan gaarnay, oo ay ka mid yihiin nabadeynta labo qabaa’il oo ood-wadaag ah magaalada Beledweyne. Hal-ku-dhigga aan isticmaalno si aan u xaqiijinno in farriinteenna si dhab ah loo qaato waa ‘Dagaal wiil baa ku dhintaa ee wiil kuma dhasho’. Fariintaan si wanaagsan ayay u fahmeen qabaa’iladii dagaalamaayay,” ayay tiri Magaalo.
Si loo aqoonsado dowrka muhiimka ah ee ay dumarku ka qaataan dhisidda nabadda, Salbarwaaqo waxaa ay iskaashi la samaysay Hay’adda Dhaq-dhaqaaqa Haweenka ee Tallawadaag oo ah dallad u ol’oleysa xuquuqaha haweenka, sidoo kalena dhalinyarada ku dhiiriggelisa in ay si firfircooni leh uga qayb qaataan howlaha xalinta khilaafaadka.
“Si aan u xaqiijinno in aan ku guuleysanno barnaamijyadeenna ee dhisidda nabadda, waxaa aan la shaqaynaa dad kale oo awood leh oo ay ka mid yihiin oday dhaqameedyada, siyaasiyiinta iyo dhallinyarada. Tani ayaa inoo suurto gelisay in aan gaarno qaybaha kala duwan ee bulshada si aan horumar ka sameyno dadaallada ku aaddan nabadda,” ayay tiri.
Magaalo waxaa ay aqoonsan tahay in aayan hay’addeeda guul gaari lahayn haddii aysan taageero xooggan ka heli lahayn bah-wadaagta kala duwan ee caawinaya barakacaaysha Soomaaliyeed. “Hay’adaha Qarmada Midoobay waxaa ay nagu caawiyeen deeq cunno ah, dhar, hooy iyo daawooyin, taasina waxaa ay inoo suurto gelisay in aan si wax ku ool ah wax ugu qabanno dadka ay saameeyn colaadda ee magangelyo u soo raadsanaya Beledweyne,” ayay tiri.
Waxaa ay si gaar ah u xustay in taageerada ugu weyn ee dhisidda nabadda ay ka helaan Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
“Tababar badan oo ku saabsan dowladnimada iyo nabadda ayay UNSOM ii fidisay, waxaa ayna taasi iga caawisay in aan kobciyo aqoonteyda la xidhiidhta xalinta khilaafaadka. Aad ayaan uga mahad celinayaa taageerada intaa la eg ee ay ii fidiyeen. Ha ahaato xagga tababarka ama geeddi-socodka u heshiisiinta.”
Magaalo waxaa ay hay’adaha kale kula talineysaa in ay la shaqeeyaan Qaramada Midoobay si ay u helaan taageerada ay u baahan yihiin. “Dhaqaale yari ayaa ka mid ah caqabadaheenna ugu weyn. Ol’ole wacyi-gelin ah oo la qaado ayaa wax ka beddeli karta xaaladda hadda jirta,” ayay ku soo gabagabeysay.