Xulka Kubadda Cagta ah ee Banaadir oo ku guuleystay Ciyaaraha Maalinta Nabadda ee Adduunka

22 Sep 2017

Xulka Kubadda Cagta ah ee Banaadir oo ku guuleystay Ciyaaraha Maalinta Nabadda ee Adduunka

Muqdisho - Xulka Kubadda Cagta ah ee Banaadir ayaa 2-1 uga adkaatay Xulka Kubadda Cagta ah ee Gaadiidka ciyaar maalinta Khamiista ah lagu qabtay Garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Ciyaartani ee aadka u xiisaha badneyd ayaa waxaa qaban qaabisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka ah si loo maamuuso Maalinta Nabadda ee Adduunka ee sanadkiba mar la qabto.

Wasaaradda waxaa ay hormuud ka tahay adeegsiga ciyaaraha si lagu baro dhallinyarada dhaqanka nabadda. Ciyaarta kubadda cagta waxaa loo adeegsada in lagu abaabulo laguna horumariyo wada-noolaanshaha iyo in lagu gudbiyo xirfadaha nolosha maadaama ay tahay nooca ciyaaraha ka mid ah ee ugu caansan Soomaaliya.

“Ciyaarta maanta waxaa ay muujineysaa in dalka uu nabad ka jiro,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Amniga Gudaha, Maxamed Abukar Islow Ducaale, mar uu abaalmarinta guddoonsiinayay kooxda badisay ee ah Xulka Kubadda Cagta ee Banaadir.

“Waan ku faraxnay ciyaarta. Waxaa lagu qabtay jawi nabad ah,” ayay tiri Wasiirka Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiija Maxamed Diiriye. Dadka ka soo qayb-galay Ciyaarta Maalinta Nabadda waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ah Wasiirka Warfaafinta, iyo Axmed Cumar Islow, oo ah Kaaliyaha Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

“Wax waliba waxaa ay ku xiran yihiin nabadda, nabad la’aanina waa nolol la’aan,” ayay tiri gabadh jecel kubadda cagta, Xalimasacdiya Sheekh Cumar ‘Elman’ kaddib markii ay daawatay ciyaarta.

Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay hirgelisay Maalinta Nabadda Adduunka sanadka 1981 si loo xoojiyo ballan-qaadka nabadda caalamka waxaana dhammaan adduunka laga xusaa 21-ka Sebteembar.