Kaaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo taageero u muujiyey hannaanka doorashada guud ee Soomaaliaya

3 Feb 2016

Kaaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo taageero u muujiyey hannaanka doorashada guud ee Soomaaliaya

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaaadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta  booqasho ku yimid Soomaaliya,  wuxuuna kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xoghaye Ku Xigeenka ayaa Muqdisho u yimid si farriin uu ka siday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon u soo gaarsiiyo Soomaaliya, islamarkaana ugu xaqiijiyo taageerada Q.M. ay la garab taagan tahay go’aanka Soomaalidu ka gaartey nidaamka doorashada 2016-ka.

Feltman, oo uu wehliyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q.M. u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sheegay in uu “garowsan yahay in ay weli jiraan waxyaabo badan oo u baahan in la qabto, si looga lib keeno hannaanka doorashada 2016”.

“Wakiilka Gaarka ah iyo aniguba waxaan Madaxweynaha kala hadalnay arrimo dhowr ah oo siyaasadda, dhaqaalaha iyo ammaanka khuseeya, ku waas oo Q.M. kala shaqeyneyso shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ka wada hadalnay kulanka Madasha Iskaashiga Heerka Sare ee lugu wado in uu dhawaan ka dhaco Istanbul, waxaana isla eegnay dhabbaha halkaas lugu gaarayo”, ayuu yiri Feltman.

Hadalkiisa waxaa xoojiyey afhayeenka Madaxweynah,a Daa’uud Aweys, oo intaas ku daray in shirka sidoo kale la iskula soo qaaday horumarka siyaasadda iyo “sida qaramada Midoobey ay kaalinteeda uga qaadaneyso taakuleynta Soomaaliya”.

Markii uu ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey wuxuu booqasho ugu tegey Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddomiyaha Golaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Mar uu ka hadlayey geeddi-socodka doorashada, Feltman wuxuu kaloo soo hadal qaaday in Q.M. garowsan tahay sida ay u habboonaan lahayd in arrimaha jira is afgarad looga gudbo, laakiin marka laga shidaal qaato ismari waaga todobaadyadii la soo dhaafay taagnaa, uu ga’aanka horay loogu soconayo ahaa midka ugu saxan.

Mr. Feltman wuxuu bogaadiyey dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta in haweenku matalaad ku yeeshaan hannaanka doorashada. “Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa ballanqaadka in 30% haweenku ku yeeshaan labada aqal ee baarlamaanka. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa sii socoshada qorshaha ku aadden in sannadka 2020-ka ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sida ku cad rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Michael Keating, oo martigeliyey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ayaa sheegay in booqashadu ka dambeysey markii Dowladda Federaalka ah ay go’aanka ka gaartey hannaanka doorashada, ka dib dhacdooyina ammaandaro oo soo kordhay. “Annaga UN ahaan iyo beesha caalamka, taageeridda dowladda iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa muhiim innoo ah, si ay uga sii dhex muuqdaan qariiadda caalamka”, ayuu yiri.