Somaaliya oo u dabaaldegaysa maalinta qaxootiga aduunka

20 Jun 2016

Somaaliya oo u dabaaldegaysa maalinta qaxootiga aduunka

Isniintii ayay Soomaaliya u dabbaaldegtay maalinta aduunka ee qaxootiga iyada oo uu dalku sugayo soo noqoshada in ka badan 300,000 ee qaxooti oo ku sugan dalka deriska ah ee Kenya.  Dalkan ku yaalla geeska Afrika ee Soomaaliya ayaa ku leh wadamada deriska la ah qaxooti lagu qiyaasay hal milyan.

Caroline Van Buren madaxa Hay’adda Qaxootiga ee QM oo ka jawaab celinaysey go’aanka ay dowladda Kenya ku gaadhay inay xireyso xerada qaxootiga Dhadhaab ayey sheegtay in  Hay’adda UNHCR iyo labada dowladood ay ka wada hadlayeen xaqiijinta celinta qaxootiga Soomaaliyeed lagu saleeyo sharciga caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha kaasoo tilmaamaya celin aan qasab ahayn ( Noqosho iskaa ah) oo ay fududeenayso Ha’adda Qaxootiga ee UNHCR, dowladaha ay quseyso iyo NGO-yada bahwadaagta la ah.

Hadalkeedaa ku aadan si xor ah u noqoshada qaxootiga waxaa taageeray ku xigeen wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaiya  Peter de Clercq, isaga oo tixraacay heshiiskii Tripartite oo ifinaya sida ay Soomaalida qaxootiga ah ugu  laabanayaan dalkoodi, iyaga oo xerada qaxootiga ku sugnaa muddo gaareysa 25 sano.

“Waxa jira wadashaqeyn ku aadan arinkan: Heshiiska Tripartite ee u dhaxeeya Kenya, Somalia iyo UNHCR. Waa muhiim in heshiiskan uu sii shaqeeyo wax ka dambeeya Novemberm 2016”, ayuu yiri de Clercq.

Dhacdadan oo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxa kasoo qaybgalay madax dowladda ka socda, hay’adaha QM, diblomaasiyiin, hay’adaha aan dowliga ahayn iyo koox qaxooti ah oo Yeman u dhashay.

Intii ay munaasibaddu socotay ayaa wax aka hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar, yiri na dunida 43,000 ee qof celcelis ahaan ayaa lagu qasbaa inay qaxooti noqdaan maalin walba iyada oo ay sababtu tahay khilaaf jira ama cadaadis la saaray.

Qaxootiga halka milyan ka badan ee Soomaaliyeed ee ku  kala sugan Kenya, Ethiopia iyo Yemen ayuu Wasiir Cumar xusay in dowladiisu geed-gaaban iyo mid dheer ba u fuuleyso sidii ay qaxootiga ugu soo celin lahayd dhulkooda. “ Dunidu waa in ay xallisaa jiridka dhibaatada ka imanayso. Dowladdu si adag ayay u garabtaagantahay qaxootiga iyada oo rumeysan in ay ka wadashaqeeyaan dowladaha iyo wakiilada hay’adaha bahwadaagta ah sidii looga caawin lahaa in qaxootigu ay noloshooda dib u yagleelaan”,  ayuu raaciyey.

Van Buren ayaa tibaaxday farriin cad oo ay u siddo qaxootiga dalka jooga ee qaybta ka ah 65 milyan qaxooti oo ku kala firirsan meelo kala duwan ee dunida dacalladeeda ah.  “ Hay’adda UNHCR halkan waxay u joogtaa caawintiina, difaaciina. Sida la fahmi karo UNHCR kelideed ma qaban karto hawshaa. Hawshaa waxa inala qabta dowlado, waxa inala qabta bahwadaag iyo waliba hay’ado NGO ah”,  ayay xustay.

Maainta qaxootiga aduunka ayaa waxaa la xusaa bisha June 20-keeda sanad walba. Maalintaa ayaa waxay isku beeganyihiin maalinta qaxootiga Afrika oo uu Midowga Afrika u dabaaldego.