Kaaliyaha Xoghayaha Guud Feltman oo Muqdisho booqday, kuna ballanqaaday taageero

27 Jun 2013

Kaaliyaha Xoghayaha Guud Feltman oo Muqdisho booqday, kuna ballanqaaday taageero

Muqdisho – Mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman, ayaa booqasho ku yimid Soomaaliya manta si uu u muujiyo taageeradiisa, taasoo imanaysa ka dib markii dhowaan la weeraray Xarunta/ Xerada Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho, iyo si uu u xaqiijiyo in Qaramada Midoobay ay ka go’antahay inay sii wado taageerada ay u fidiso Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed. Weerarkii lagu qaaday Xarunta Qaramada Midoobay 19kii June waxaa ku dhintay qof ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, saddex ka mid ah shaqaalaha qandaraas ahaan halkaa uga shaqeeya, afar ka mid ah ilaalada/waardiyeyaasha Soomaaliyeed iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Tani waa booqashadii labaad ee Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda uu ku yimaado Soomaaliya sannadkan.