Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay oo cambareeyay weerarka Argagixisinimo ee Muqdisho

12 Jul 2013

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay oo cambareeyay weerarka Argagixisinimo ee Muqdisho

Muqdisho – Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argigixisinimo ee maanta laga fuliyay Muqdisho, aga-gaaraka Gegida- diyaaradda.

Weerarkan wuxuu kamid yahay weeraradii kala filiqsanaa ee ay soo qaadeen argigixisada ilaa iyo intii ay bilaabatay bisha Soon.

Sida wararka ay sheegayaan, qaraxa waxaa lala beegsaday Raxan Baabuur ah ee socotay oo ay leeyihiin Ciidamadda Ururka Middowga Afrika ee ka Howlgala Soomaaliya. Waxaana ku dhintay dad Rayid ah, waxaana ku dhaawacmay kuwo kale.

“Nasiibdaro waxaa ah, in weeraradda argigixisinimada ku fadhiya ay waxyeelo aad ah u geysanayaan marwalba dadka Rayidka ah,” ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah, SRSG Kay.

“ Weerarkan naxariis-daradda leh, ee dhacaaya wakhtigan lagujiro Bisha Barakaysan ee Ramadaanka ah, waxay ina tusayaan in argigixisadda ay si naf-lahaar ah u go’aansadeen in ay sii wadaan siddi ay daka ugu abuuri lahaayeen khal- khal. Iyo cabsi. Dadka Soomaaliyeed way-iska diideen Qaska Argigixisadda, waxayna go’aansadeen wadada Nabadda iyo Horumarka lagu-gaarayo”, Ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah, Mudane Kay.

Ergaygga wuxuu tacsi u diray qoysaskii dadkii lagu dilay weerarkan, dadkii ku dhaawacmayna wuxuu u rajeeyay in ay si dhakhso leh u baskoodaa.