Kafal-celinta caabuqa COVID-19 ee Soomaaliya: Gaar ahaan barakacayaasha ayaa ah kuwa halista badan ugu jira

previous next
23 Jun 2020

Kafal-celinta caabuqa COVID-19 ee Soomaaliya: Gaar ahaan barakacayaasha ayaa ah kuwa halista badan ugu jira

Kismaayo – Caasho Macallin waxa ay ku soo noqotay magaalo Xeebeedka Kismaayo ee kutaalla Koonfurta Soomaaliya bishii Maarso 2019, kaddib sanado badan oo ay ku qaadatay xereda qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaas oo ay xoogsato ku ahayd.

Sida kuwo kale, rajo badan ayey ka qabtay in ay hesho nolol fiican maadaama ay Soomaaliya dib u dhismeyso, kaddib sanado badan oo u dalaka wajaheysay colado iyo deganaansho la’aan.

Saamaynta ba’an ee caabuqa COVID-19 uu ku yeeshay dalka ayaa rajadaas galisay mugdi weyn.

"Waxa an ku noola xerada qaxootiga ee Dhadhaab muddo dhan 15 sano, inta anan kuso noqonin magaalada Kismaayo, wali ima aysan I so foodsaarin daruufaha iyo caqabadaha nololeed ee hadda igu heysta magaalada Kismaayo. Tusaale ahaan: Saraakiisha caafimaadka ee bulshada waxa ay nagula talinayaan inaan gacmaheena dhaqano fayriska awgiis, laakiin  xeradan barakacayaasha malahan biyo nadhiif ah,”ayey tiri Marwo Caasho Maalim, oo hadda kunool xerada barakacayaasha Dalxiiska, ee duleedka magaalada Kismayo.

Marwo Caasha keligeed maahan dadka laga caawiyay in ay dalka dib uguso laabtan, waxa ay ka mid tahay 85,067 qofo o Soomaali ah, kuwaas oo ay caawiyeen  Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagteeda in ay si iskood ah ugu soo labataan dalkooda intii u dhaxeysay bishi Disember 2014 iyo Diseembar 2019.

Magaalada Kismaayo, labadii qof ee ugu horreysay ee  uu ku dhaco caabuqa COVID 19 waxaa la diiwaangaliyay 13-kii bishii Abriil 2020. Mid kamid ah bukaannada waxa uu ka yimid magaalada xeebta leh ee Mombasa ee dalka Kenya, halka qofka labaadna uu ka qaaday qofkii hore. Wixii markaas ka dambeeyay, tirada dadka uu ku dhacay caabuqa sare ayay u kacday ilaa iyo 134 qof, tan iyo  markii ay taariikhdu aheyd 30-kii Maajo ee sanadkan, sidoo kale waxa la xaqiijiyay shan ka mid ah dadkaas in ay u geeriyooden xanuunkaas.

Qaramada Midoobay waxa ay walac ka muujisay xaaladaha Marwo Caasho iyo dadka lamid ka ah, kuwaa oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee wadanka gudahiisa ah.

Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegay in ay jiraan khatar weyn in ay so food-saartay barakacayaasha xilligan kuwaa oo ay keentay sababo la xiriira caqabaha ka jira qaar ka mid ah goobaha ay ku noolyihiin. Hooy la’anta ka jirta xeryaha barakacayaasha ayaa u  saamaxeynin dadka la xanunsanaya caabuqa in ay iskarantiilaan ama ay ka fogaadan bulshada inteeda kale, taasi waxaa si dheer in ciriiri uu ka jiro helidda biyo nadiif ah iyo tasiilaad faya-dhowr kuwaas oo uu muhiim u ah ka hortagga faafidda caabuqa.

"Waan walwalsanaa tan iyo markii aan oggaaday in dadka xeryaha ku nool ay u nugul yihiin qaadinsta fayruska, taas oo ay ugu wacan tahay nadaafad xumida ka jirta xeryaha,” ayey tiri Caasho.

Walaac laga siman yahay

Walaaca jira Marwo Caasho kaligeed kuma koobna.

Dhanka galbeed ee magaalada Kismaayo waxaa ku nool, Maryan Cabdullaahi, oo ah hooyo 60 sano jir ah, waxa ay 18 bilood ee la soo dhaafay ku nooleyd guri yar, oo baco iyo xarga ka sameysan, kaddib markii ay ka soo laabatay xerada Dhagaxley oo ah mid kamid ah xeryahaya qaxootiga Dhadhaab.

“La'aanta ila dhaqaale ayaa naga horjoogsada in an raadsano daryeel caafimaad si aan u soo iibsano waxyaabaha la isaga difaaco caabuqa COVID 19, sida maaskarada wajiga lagu xirto iyo daawada jeermiska disha ee gacmaha lagu dhaqdo,” sidaas waxa tiri Maryan oo intaas ku dartay in ay waqtigeeda inta ugu badan ka  duceysato in uu san caabuqan safmarka ah soo gaarin xerada ay ku nooshahay.

“Helitaanka biyo nadiif ah oo gacmaha lagu dhaqdo lafteeda xitaa wa ay adagtahay, 20 litir oo biyo nadiif ah ayaa lagu iibiyaa ku dhawaad nus dollar, dadka aniga oo kale ah oo aan haysanin shaqooyin rasmi ah ama ilo oo uu daqaale fiican ka soo gala, maba awoodan in ay helaan fursad biyo badan ku iibsanadan kadibna ay gacmaha dhaqdaan, inta badan wanba yaryareysana isticmalka waxa yar ee aan biyo heysano,” ayay kusii dartay hadalkeeda.

Iyada oo taageero laga helayo saaxibada caalamiga ah, maamullada Soomaaliyeed iyo bahwadaagteeda waxa ay sii wadaan abaabul wax looga qabanayo faafidda caabuqan, si looga badbaadiyo dadka deegaanka ah sida kuwa kunool xeryaraha barakacayaasha iyo magaaloyinka waaweyn.

"Waxa an ka walaacsanahay tirada kiisaska caabuqa sii kordhaya ee magaalada Kismaayo, illaa iyo hadda waxaa magaalada laga diiwangaliyay 130 kiis, oo ah tiro badan marka la barbar dhigo xarumaha daryeelka caafimad ee ka jira magaalada," ayuu yiri madaxa saadka ee wasaaradda caafimaadka, Cabdifataax Axmed Cali, oo dhowaan booqasha ku yimid Kismaayo, ujeedkisana u ahaa in tababar caafimaad lasiiyo shaqalaha caafimaadka ee magaalda, qalab caafimaadna lagarsiiyo.

Sidoo kale hadaladiisa waxaa ka mid ahaa waqtigaas in uu  qalab caafimaad oo badan la keeni doono Kismaayo, gobolka Gedo, Afmadow, iyo Dhoobley isbuucyada soo socda.

Isla waqtigaas, shaqaalaha caafimaadka ee maamulka Jubaland, sida Sarkaalka Caafimaadka ee degmada Kismaayo, Maxamed Sheekh Aadan, iyo asxaabtiisa ayaa sii waday booqashada xerooyinka Dadka Gudaha Ku Barakacay si ay ugu wacyigaliyaan siyaaboyinka looga hortago caabuqa COVID-19 isla markaana ay garsiiyaan maskarada(marada wajiga lagu xerto).

"Xiro waji-xirka marwalba, haddii aad xanuunsatana soo wac nambarka gaaban ee '466' si aad u hesho talooyin caafimaad, iyo ambalaas ku geeya cisbitaalka si laguu daweeyo," ayuu yiri.

Ka sokoow welwelka ay UNHCR ka qabto dhibaatada haysata barakacayaasha Soomaaliyeed, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha ee dadka gudaha ku barakacay uqaabilsan, Cecilia Jimenez-Damary, waxa ay iftiimisay in xaaladda barakaca ay sii kordhin karto nuglaanshiyaha dadka da'da ah iyo dadka ay dheeriga u tahay xaaladaha Caafimaad darro.

Dadka barakacay ee lixaadkooda dhammeystirneyn ama ka tirsan kooxaha laga tirada badan yahay ama bulshooyinka aan badneyn waxa ay la kulmi karaan caqabado kala kulmi karaan in ay helaan adeegyada daruuriga ah iyo daryeelka caafimaadka.

"Dowladuhu waa inay hubiyaan in dhamaan dadka gudaha ku barakacay ay helaan biyo, fayadhowr, tas-iilaad nadaafadeed, guryo ku filan iyo cunno. Waa in la ogeysiiyo halista cudurka, ka hortagga iyo daaweynta. Kuwa u baahan daweynta caafimaad ee COVID-19 waa inay helaan daryeel caafimaad oo ku habboon waqti ku habboon, si aan kala sooc laheyn,” ayay ku tiri Jimenez-Damary warbixin ay soo saartay oo lagu daabacay bogga mareegta ee Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha.

U Qeybsanaha Gaarka ah wuxuu u shaqeeyaa si ka madax - banaan dowladaha iyo hay'adaha - oo ay ku jiraan Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaas oo iyagu magacaabaan - waxayna mas'uul ka yihiin baarista xadgudubyada laga geysto adduunka oo dhan.