Kaqeybgalka dhalinyarada waa mid muhiim u ah hormarinta nabadda iyo guulaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayuu yiri ergeyga Qaramada Midoobay

30 Jul 2019

Kaqeybgalka dhalinyarada waa mid muhiim u ah hormarinta nabadda iyo guulaha siyaasadeed ee Soomaaliya ayuu yiri ergeyga Qaramada Midoobay

Muqdisho – Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa doonaysa in ay sii wado in ay ka caawiso dhalinyarada in ay la imaadaan hindisayaal lagu hubinayo kaqeybgalkooda firfircoon ee hannaanka siyaasadeed ee ka jira dalka - taasi waxay ahayd farriintii wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen dhalinyarada ku dhaqan caasimada, Soomaaliyeed shalay.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, oo lahadlayay dhaq-dhaqaaqayaasha dhalinyarada ee ka kala yimid daafaha dalka ayaga oo ku sugan kulan labo maalmood soconaya oo lagaga hadlayay xoojinta dhalinyarada iyo ka qeyb galkooda wadahadalada kaasoo looga wada hadlay sida ugu wanaagsan ee looga caawin karo dhalinyarada inay si firfircoon uga qeyb qaataan geedi socodka siyaasada - oo ay kamidtahay  geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka, wadahadallada dib-u-heshiisiinta qaran iyo u diyaar-garowga doorashooyinka qaran ee 2020.

"Waxaan u maleynaynaa in rajada ah in Soomaaliya ay gaarto nabad waarta ay hagaagi doonto haddii dhallinyardu helaan wakiil matala. Haddii ay ka qeybgalaan siyaasadda, iyo haddii ay ra'yi ka helaan wadahadalada qaran, ugu dambeyntii waxay muujin karaan doorkooda iyo ka qeyb qaadashada mustaqbalka dalka," ayuu yiri Mr. Swan.

Goerge Conway (right), the Deputy UN Secretary-General’s Special Representative for Somalia, and UN Resident and Humanitarian Coordinator, speaks during a dialogue organised by the world body for youth in Mogadishu, aimed to empower them to participate in

Dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya ayaa la bilaabay bishii May ee sanadkii hore kadib shir qaran oo lagu qabtay Muqdisho waxaana ka soo qeyb-galay in ka badan 350 wakiil oo ka socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, bulshada rayidka ah iyo qurbo-joogta. Hawsha waxaa loogu talagalay in lagu horseedo dastuur rasim ah, kaas oo beddeli doona midka ku meelgaarka ah, ee la ansaxiyay 2012.

Howlgalka Kaalmeynta ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo hay’adaha kale ee UN-ka waxay u ololeynayaan ka qeybgalka firfircoon ee dhalinyarada iyo haweenka si loo hubiyo in dukumiintiga ugu dambeeya uu ka turjumayo aragtida dhammaan Soomaalida.

Ka dhax muuqashadda qeybaha bulshada

Asaga oo Sidoo kale ka hadl ka jeedinaya munaasabad laba maalmood ah - oo ay soo qabanqaabisay UNSOM, Santuukha Dadka ee Qaramada Midoobay (UNFPA), Machadka Folke Bernadotte ee Sweden iyo Ururka MAAN, oo ah madal loogu talagalay dhalinyarada aqoon yahanka ah ee Soomaaliyeed - ayuu kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Somaaliya u jooga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, George Conway. . ku sheegay baahida loo qabo in geeddi-socodyada siyaasadeed ee Soomaaliya lagu muujiyo qaab-dhismeedka bulshada.

“Waxaan sii wadeynaa inaan maqalno in dhallinta Soomaaliyeed ay yihiin codka mustaqbalka - laakiin waddan ay 80 boqolkiiba dadweynuhu ka yar yihiin 35, dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa ay si aad ah u yihiin codka maanta,” ayuu yidhi Mr. Conway, oo sidoo kale ah u adeegaha Isuduwaha Joogtada ah ee Xiriiriyaha Degenaanshaha iyo Isku-duwaha arrimaha bani'aadamnimada ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas raaciyay “Kaqeybgalkaaga howlahaani waa aasaaska lagu hubiyo inay yihiin wax la aamini karo oo ay dadku u arkaayaan inay yihiin wax sharci ah,”

Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah dadka ugu da'da yar adduunka. Khubaradu waxay aaminsan yihiin in ka-qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada ee geedi socodka go'aan qaadashada ay muhiim u tahay xasilloonida Soomaaliya.

“Waxaan horeyba uga qeybqaadanay siyaasada, anagoo u mareyno ururkeena iyo hindiseyaal maxali ah, laakiin waxaan sidoo kale dooneynaa inaan ka qeybgalno geedi socodka siyaasadeed ee rasmiga ah.” waxaa yiri mid ka mid ah kaqeybgaleyaasha munaasabadda, Sahra oo 22 jir ah, hoggaamiyena u ah urur haween oo dhalinyaro ah oo maxali ah.

Waxuu intaa ku daray, Mr. Conway inuu arkay in Qaramada Midoobay, oo taageerta dowladda federaalka, ay xoojin doonto dadaalladda kor loogu qaadayo ka-qeybgalka dhalinyarada ee hannaanka go'aan qaadashada rasmiga ah ee la xiriira qaar ka mid ah qorshayaasha siyaasadeed ee muhiimka ah.

Wuxuu kaloo xusey in guud ahaan dhalinyarada ay tahay in si caadi ah loogu hawl galo iyada oo loo marayo u doodis, abaabul bulshada iyo kor u qaadida wacyiga bulshada ee arrimaha muhiimka ah ee dalka.

Wakiilada dhalinyaradu waxay balanqaadeen inay si aad ah firifircooni ugu muujin doonaan heerka  hoose iyagoo kaqeyb galaya shirarka bulshada iyo barnaamijyada waxbarashada ee saameeya ka qeybgalka siyaasada.

“Wadahadallada sidan oo kale ah waa kuwo aad muhiim u ah, laakiin hadda waa shaqadeenna, annaga oo ah dhallinyaro Soomaaliyeed, in aan wadahadalka ka dhaafino darbiyadaas oo aan gaarno dhallinyarada aan miiskan fadhidhiyin,” ayaa uu yiri Maxamed oo ah 28 jir reer banaadir ah islamarkaana kulanka  kaqeybgalay.

Youth attend a dialogue organised by the United Nations in Mogadishu, Somalia, aimed to empower them to participate in politics, on 29 July 2019. UN Photo / Ilyas Ahmed

Waxaan u baahanahay inaan balaarino wareegyada, aan badinno codka oo aan hubino in dhalinyarada oo dhan, iyadoo aan loo eegin halka ay ku nool yihiin, fahmaan sida ay gacan uga geysan karaan hagaajinta Soomaaliya, "ayuu raaciyay.

UNSOM’s mandate includes a reaffirmation of the importance of the full, equal and effective participation of all Somalis, including youth, among others, and “urges the Federal Government of Somalia and Federal Member States to increase representation and participation of women and youth at all decision-making levels.” 

Waajibaadka UNSOM waxaa ka mid ah dib u xaqiijinta muhiimada ay leedahay ka qeybgal buuxa oo loo dhan yahay oo wax ku ool u ah dhammaan dadka Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin dhalinyarada, iyo kuwa kaleba, waxayna “ku boorineysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka inay kordhiyaan metelaada iyo ka qeybgalka haweenka iyo dhalinyarada ee heerka kasta oo go'aan qaadasho.”