Soomaaliya oo maamuustay haweenka ka shaqeeya howlaha samafalka

Asha Shaur Ugas holds a certificate awarded to her in recognition of her contribution to the promotion of humanitarian work. This was during an event to mark the World Humanitarian Day on 19 August 2019 in Mogadishu, Somalia. UN Photo / Omar Abdisalan
20 Aug 2019

Soomaaliya oo maamuustay haweenka ka shaqeeya howlaha samafalka

Muqdisho - Iyadoo qayb ka ah dhowrista Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka, Soomaaliya maanta waxay muujisay kaalintii firfircoonayd ee ay ka geysteen Haweenka samafalayaasha ah dib-u-dhiska dalka.

“ka dowlada Soomaaliya ahaan, waxaan u mahad celinaynaa haweenka ka shaqeeya howlaha bina-aadamnimada in kasta oo ay jiraan caqabado hor yaalla, haddana geesinimadooda iyo waddaninimadooda ay ugu adeegayaan dalkan waa dadaal ay mudan yihiin in lagaga daydo” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Xamza Saciid Xamza.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Muqdisho, xili lagu gudajiray xuska munaasabad  Maalintan, oo ay soo qaban qaabiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani'aadamnimada (UN OCHA) oo kaashanaysa dowladda federaalka ah iyo daladda hay’addaha aan Dowliga aheyn ee Soomaaliya.

Hamza Said Hamza (right), the Somali Federal Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, speaks during an event to mark the World Humanitarian Day on 19 August 2019 in Mogadishu, Somalia. UN Photo / Omar Abdisalan

Isaga oo ku hadlaya magaca Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wakiilka Hay'adda sanduukha Caruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Werner Schultink, ayaa ku baaqday in haweenku ku lug lahaadaan howlaha bani'aadamnimada, waxaa uuna muujiyay in ay jirto caddeyn ah in ka falcelinta bina-aadamnimada ay si wax ku ool ah u qabtaan markii haweenku yihiin xubin firfircoon oo geedi socodka go'aan qaadashada.

“Cadeyn ayaa muujineysa in markii haweenku ku lug leeyihiin howlaha bani’aadanimo ee ay ka mid yihiin ka qeyb ahaanshaha go'aan qaadashada heerarka sare ah, falcelinta bani’aadamnimada aya si aad ah waxtar u yeeshaan,” ayaa uu yiri Mr. Schultink oo sidoo kale ah ku simaha iskuduwaha howlaha bini aadamnimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mawduuca Bani'aadamnimada Adduunka ee sanadkaan 2019 wuxuu udub dhexaad u yahay xurmeynta shaqada haweenka dhibaatooyinka ay haystaan adduunka oo dhan, iyadoo la aqoonsanayo inay yihiin qeyb badan oo kamida  kuwa naftooda halis geliya, si loo badbaadiyo kuwa kale waana inta badan kuwa ugu horreeya ee ka jawaaba dhibaatooyinka. iyo kuwa ugu dambeeyay ee marka laga baxayo.

Aqoonsiga dadaallada maxalliga ah

Halyeeyada iyo shaqaale samafal, Aisha Shaur Ugaas, ayaa waxaa Xuska maanta lagusiiyay abaalmarin geesinimo bini aadamnimo ah doorkeedii ay ku lahayd hanashada xuquuqda haweenka iyo carruurta iyo u doodidda sinnaanta ragga iyo dumarka. Saaxiibadeeda, Aamina Xaaji Cilmi, aasaasaha Badbaadada Haweenka iyo Caruurta (SSWC), ayaa sidoo kale lagu xusay doorkeeda ku aaddan caawinta dhibanayaasha rabshadaha jinsiga ku saleysan

Khudbaddeedii ay ka jeedisay kulanka, ayay agaasime kuxigeenka ururka samafalka ee aan dawliga ahayn ee somaliya, Nasra Ali Ismail, waxay ku siisay Ms Elmi iyo Ms Ugaas inay yihiin wadaniyiin doorbiday inay ka shaqeeyaan Soomaaliya inta lagu gudajiray dagaalada sokeeye, halka qaar kamid ah asxaabtooda ay magan galyo ka heleen wadamo kale.

"Maadaama inta badan ragayagu ay ku lug lahaayeen isku dhacyada ama si kale uun ay dhibanayaal u ahaayeen, haweenka ayaa safka hore kaga jiray taageerida caruurta, haweenka iyo dadka waayeelka ah ee aan ka carari karin guryahooda si ay amaan u raadsadaan," ayay tiri.
Marwo Ismaaciil waxay intaas ku dartay in haweenka Soomaaliyeed ay sidoo kale gacan ka geysteen dhismaha-nabada ayagoo kaalin aan toos ahayn ka ciyaaray xalinta khilaafaadka u dhexeeya qabaa'ilka Soomaaliyeed intii lagu guda jiray dagaalkii sokeeye.

Ms. Cilmi, oo loo yaqaano Mama Aamina ayaa ayadoo u mahadcelineyso ka soo qeyb galeyaasha sida ay u sharfeen shaqadeeda, waxay ku boorisay haweenka howlaha gargaarka ka shaqeeya inay sii wadaan dagaalka ay ugu jiraan xubnaha nugul ee bulshada in kasta oo caqabado dhaqan iyo dhaqaaleba leh laga yaabo inay la kulmaan.

Werner Schultink, the UNICEF Country Representative in Somalia, speaks during an event to mark the World Humanitarian Day on 19 August 2019 in Mogadishu, Somalia. UN Photo / Omar Abdisalan

“In kastoo ay tahay saacad si sharaf leh loogu adeego qaybta gargaarka bani'aadamnimada ee Soomaaliya, hadana isla mar ahaantaas waa xili ay khatar jirto, gaar ahaan marka wax laga qabanayo xadgudubyada xasaasiga ah sida kufsiga iyo xadgudubka galmada ee Soomaaliya dhaxdeeda ka jiro,” ayay tiri Marwo Aamina.  "Kormeerayaashayada gudaha iyo kuwa nagamidka ah ee bixiya caawimaada nafsaaniga ah - ee inta badan haweenka ah - waxay la kulmaan hanjabaado iyo cadaadis kaga yimaado kooxo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan."

Maalinta Bani'aadamnimada Adduunka oo sanad walbo loo dabaaldego 19ka Agoosto, waxaa looga gol leeyahay in lagu sharfo dadaalada bani'aadamnimada iyo u doodidda nabada iyo amniga shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada, iyo badqabka, wanaaga iyo karaamada dadka ay dhibaatooyinku saameeyeen.

Taariikhdan la xusayo waxaa loo doortay inay xiriir la leedahay weerar argagixiso oo lagu qaaday xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Baqdaad 19kii Agoosto 2003, kaasoo ay ku dhinteen 22 shaqaale oo katirsanaa Qaramada Midoobay, oo uu ku jiray Wakiilkii Gaarka ahaa ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Ciraaq, Sérgio Vieira de Mello.