Kelmadda Ergayga Gaarka ah ee QM ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dabargoynta Xadgudubyada Jinsiga ee xilliga Colaadaha

19 Jun 2021

Kelmadda Ergayga Gaarka ah ee QM ee xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dabargoynta Xadgudubyada Jinsiga ee xilliga Colaadaha

Mogadishu – Intii lagu gudo jiray Maalinta Caalamiga ah ee Dabargoynta Xadgudubyada Jinsiga ee ka dhaca goobaha ay dagaalladu ka socdaan, ayuu ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya amaanay dadka kasoo kabanaya dhibaatooyinka la xiriira kufsiga, wuxuuna si qoto dheer u baraarujiyey dadka ka shaqeeya kahortagga dhibaatooyinka noocaan ah isla markaana garab taagan dadka dhibaatooyinkaa ka soo kabanaya. Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. Swan ayaa madaxda iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqay inay dadaalladooda ku aaddan dabargoynta xadgudubyada jinsiga labo-laabaan. 

Hadafka caalamka ee sanadkaan ayaa ah “Dib u dhis wanaagsan: taageeridda dadka ka soo kabanaya xadgudubyada galmada iyadoo xilligaan laga soo kabanayo cudurka faafa ee Covid-19” taa oo kallifeysa in loo wada wajaho si loo dhan yahay, laga war haayo badbaadayaasha, loona wajaho si xog ogaalnimo jinsiyadeed ah. 

Arinkan waxaa qayb ka ah in kor loo qaado codka haweenka, gabdhaha iyo dhamaan haweenka la kulmay xadgudubyo galmo, iyadoo isla markaa wax laga qabanayo sababaha kallifay iska hori maadyada iyo CRSV. Soomaaliya ayaa sidoo kale u baahan “Dib u dhis wanaagsan” iyadoo talada lagu darsanaayo xadgudubyada jinsiga ee dalka oo dhan ku baahay, taa oo lagu bartilmaameedsado bulshada kuwooda ugu nugul, oo ay ka mid yihiin dadka ku nool xeryaha qaxootiga. 

Cabashooyinka kufsiga ayaa aad sare ugu kacay sanadkii 2020-kii markii loo barbar dhigo sanadkii ka horreeyey, taa oo kaalmeeysatay bandowga uu kallifay xanuunka faafa iyo hoos u dhac ku yimid adeegyada iyo goobaha amniga ah. Kufsiga iyo isku daygiisa ayaa ahaa cabashooyinka ugu badan ee Soomaaliya laga soo gudbiyo. 

Mudane Swan ayaa xusay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya waddo ee ku aaddan ciribtiridda xadgudubyada jinsiga, gaar ahaan dadaallada ay ugu jirto hergelinta War Murtiyeed Wadajir ah oo looga hortagaayo xadgudubyada jinsiga. Wuxuu boorriyey Wasaaradda Difaaca oo dhawaan qaadatay siyaasadda Xaquuqul Insaanka ee go’aannadii ku aadanaa xadgudubyada jinsiga ah taa oo loo marayo shuruucda kala duwan ee ciidanka iyo booliiska. Mudane Swan ayaa yiri “tani waxay dardargelineysaa go’aankii ahaa, ka dabargoynta xadgudubyada noocaan ah heerarka ciidanka iyo booliiska iyadoo isla markaa ah talaabo horay loo qaaday. Arrinkaan ayaa ka dhigan in aan marnaba la aqbali doonin isla xisaabtan la’aan, iyo in baaritaan lagu sameeyo cabashooyinka isla markaana cadaaladda la horgeeyo.” Si kastaba ha ahaatee, waxaa labo-laabmay xadgudubyada galmada, Mudane Swan ayaa sidoo kale bogaadiyey qorsha cusub ee dowladda kaa oo ah Dardargelinta Warmurtiyeedka loo Dhanyahay kaa oo lagu ciribtiraayo xadgudubyada jinsiga isla markaana la horumariyo si loo hubiyo in balanqaadyada dowladda lagu dardargeliyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Maalinta Caalamiga ah ee Dabargoynta Xadgudubyada Jinsiga ee ka dhaca goobaha ay dagaalladu ka socdaan ayaa ku beegan 19ka juun sanad kasta. Maalinka ay Golaha Amnigu u aqoonsadeen xadgudubyada jinsiga oo loo adeegsado dagaal ahaan inay khatar ku tahay amniga iyo nabadda ayaa ku beegan (S/RES/1820 of 2008).