Mahad Cabdullaahi Waasuge: Dadaalka Cilmi Baaruhu ku doonaayo in uu ku bedelo muuqaalka dowladnimada ee Soomaaliya

22 Jun 2021

Mahad Cabdullaahi Waasuge: Dadaalka Cilmi Baaruhu ku doonaayo in uu ku bedelo muuqaalka dowladnimada ee Soomaaliya

MuqdishoMahad Cabdullaahi Waasuge wuxuu bilowgiiba ogaa in dadaal iyo heellanaani ay miro dhalaan.

32 jirkani haatan waa maareeye, cilmi baare, macallin iyo qoraa isagoo diiradda saara halganka iyo adkaysiga da'yarta Soomaalida sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh, deetana ay qoysaskooda iyo dib u dhiska dalkaba gacan ugu geysan lahaayeen.

Aqoon raadsi

Wuxuu ku dhashay magaalada Buulaburte ee gobolka Hiiraan dabayaaqadii 1980-meeyadii, wuxuuna kasoo tegey magaaladiisa kaddib markii uu dhammaystay Dugsiga Hoose ee Axmed Gureey, Juun 2006-dii.

“Magaaladu ma lahayn Dugsi Sare. Waxaan markaa aadey Beledwayne si aan u helo aqoon dugsi sare oo aan ka galay Dugsiga Sheekh Maxamed Macallin,” ayuu yiri.

Markii uu dugsiga sare dhammeeyey Juun 2009, waxaa soo wajahdey caqabad kale; Beledwayne ma lahayn jaamacad xilligaas.

Safarka uu Mudane  Waasuge ku raadinayo aqoon sare ayaana bilaabatay.

“Meesha ugu dhow ee aan ka heli karo tacliin sare waxay ahayd Muqdisho. Waxaan imid Muqdisho 14-kii Agoosto 2009, markaas inta badan dadka degan Muqdisho waxay ahaayeen kuwo la diley iyo kuwo nafta la baxsanayey,” ayuu yiri.

Wuxuu bilaabay shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor) ee Maamulka Dadwaynaha ama Public Administration oo uu ka dhiganayey Jaamacadda Muqdisho bishii Sebteembar 2009.

Kaddib 4 sanadood, wuxuu sidoo kale qaatay laba diblooma oo Qaanuunka iyo Ingiriiska ah.

Xirfaddiisa Ingiriisigu waxay u furtay albaabbo badan.

“Markii aan dhameeyey dibloomaha luuqadda Ingiriisiga Nofeembar 2011, waxay taasi i siisay fursad la iiga dhigay macallin Ingiriis Dugsiga Sare ee SYL Primary and Secondary School. Intii u dhaxaysey 2013 iyo 2015, waxaan fursad u helay inaan la shaqeeyo ururro dhowr ah. Waxaan sidoo kale bare ka noqday Jaamacadda Muqdisho, Febraayo 2014. Waxaan jaamacadda ka dhigayey koorsooyin PA ah,” ayuu yiri.

Raadinta waxbarasho ee Md. Waasuge kuma ekaanin bachelor iyo dibloomayaal.

“Bishii Sebteembar 2015, waxaan bilaabay Master-ka oo aan iska qoray Jaamacadda Roehampton ee London. Waxaana Master-ka shahaado ka qaatay bartamihii 2018-kii,” ayuu daba dhigay.

Agaasime iyo Cilmi-baare

Mudane. Wasuge hadda waa agaasimaha Somali Public Agenda (SPA). Waxa uu aas aasay Janaayo 2018 kaddib afar sano oo uu la shaqeynayey Machadka Heritage Institute of Policy oo ka dhisan Muqdisho.

Waxa uu xusay in markii uu aas aasay SPA in xarumaha daraasaadka iyo fallanqeynta ee Soomaaliya ay khibradda iyo fahanka waaqaca ku yareed.

Soomaali badan oo dalka wax ku baratay ma awoodin in ay wax ku biiriyaan waxsoosaarka aqooneed ee Soomaaliya sababo la xiriira jiritaan la’aanta madallo sida SPA oo kale ah.

“Waxaan ka fakaray in samenynta SPA ay naga caawin doonto anaga (Soomaalida) in aan tebinno sheekadeenna oo ay dadka kale dhageystaan sida aan uga warrameyno dalkeena. Hase ahaatee, waxa ugu weyn ee I dhiirigalinayey waxa ay ahayd si aan wax ku biiriyo bixinta adeegyo wanaagsan oo ay helaan dadweynaha iyo jiilka da’da yar. Yoolka SPA waa in ay ka shaqeyso in adeegga dadweynaha ee Soomaaliya uu gaaro heerka ugu wanaagsan,” waxaa sidaa yiri 32 jirkan ah Agaasimaha Guud.

Cilmi baaris la xiriirta dowladnimada iyo waxbarashada

SPA waxa ay sameysaa cilmi baaris ay xog ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee dowladnimada iyo adeegga dadweynaha ee Soomaaliya siisa dadka siyaasadda jaan gooya, beesha caalamka iyo guud ahaan dadweynaha. Waxa ay abuurtay Public Agenda Forum iyo SPA Podcast. Labadaba waa wadiiqooyin lagula falgalo, xogna lagu siiyo dadka siyaasadda go’aanka ku leh iyo dadweynaha.

Intaas waxaa dheer, waxa ay leedahay laba xarumood oo u xil saaran tababbaridda iyo in ay la qaabeyso SPA siyaasaha dadweynaha iyo adeegyada bulshada ee loogu talagalay bani’aadamka.

“In aan ku noolaa oo aan ku hana qaaday Soomaaliya goor aysan jirin dowlad shaqeyneysa oo bixineysa adeegyada aas aasiga ah ee dadweynaha waxa ay sababtay in aan dhidhibada u aasay SPA si ay kaalin uga qaadato fahamka iyo horumarinta dowladnimada iyo bixinta adeegyada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Si ay uga mira dhaliso yoolasheeda ee bedelidda habka dowladnimo ee Soomaaliya, SPA waxa ay ku dhaqantaa saddex tub oo isku xiran.

“Marka kowaad, SPA waxa ay sameysaa cilmi baaris cadeymo leh oo ku fooggan siyaasadda. Marka labaad, iyada oo ku dhiseysaa xogta soo baxday iyo talo bixinta siyaasadeed ee daraasadda, SPA waxa ay gacan ka siisaa naqshadeynta siyaasadda dadweynaha, barnaamijyada iyo mashaariicda mas’uuliyiinta ay quseyso. Marka saddexaad, SPA waxa ay tababbarro gaa-gaaban si ay u dhisaan shaqaalaha maamulka ee gaarsiin kara siyaasadda dadweynaha iyo barnaamijyada bulshada,” waxa uu yiri.

Guulaha

Guulaha SPA ilaa iyo hadda waa kuwa heersare ah.

“Saddexdii sano iyo lixda bilood ee laga joogo tan iyo markii aynu bilownay, waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay. Waxaa noo suurtagashay in aan soo saarno 13 ka xog bixin la xiriirta dowladnimada, sideed iyo labaatan fallanqeyn oo ku saabsan qodobada markaa taagan iyo saddex warbixin cilmi baaris iyo 17 tebin ay la socoto fallanqeyn oo ku fooggan dowladnimadda iyo adeegyada bulshada. Daraasadeheenna aan daabacno waxaa sidoo kale lagu helaa Afka Soomaaliga. Tani waa arrin culeyskeeda leh marka lagu qiimeeyo caqabadaha dhaqaale iyo amni ee aan ku shaqeyneynay,” ayuu yiri.

SPA, oo ah hay’ad sameysa cilmi barista siyaasadda dadweynaha iyo maamulka, waxaa ammaan badan oo la xiriirta sida ay shaqadeeda u qabato, kuwaas oo laga xusi karo taxanayaashii doorashooyinka ay ka soo gaareen dadka siyaasadda jaan gooya.

Markii aan daabacnay daraasad la xiriirta sharciga doorashada bishii Luulyo 2019, xubin ka tirsan guddi hoosaadka 15-ka xubnood ka kooban ee Golaha Shacabka ayaa ku tilmaamay gorfeynteennii mid ujeeddo togan ku dhisan. Waxa ay sidoo kale waxa ay noo fidiyeen marti qaad si ay xog intaas ka ballaaran uga helaan cilmi baaristeenna,” ayuu yiri.

Mudane Waasuge iyo saaxiibadiis waxaa si jooogta ah loogu casumaa ka qeybgalka madallada caalamiga ah si ay ugu xog warramayaan jilaayaasha.

Warbaahinta dibada iyo kuwa gudaha ayaa sidoo kale la soo xiriira si ay uga helaan khibradooda siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, arrimaha bulshada iyo arrimaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.

“Waxaan aaminsannahay ilaa iyo iminka in aan ku guuleysannay ogaanshaha in anaga (Soomaalida) aan tebin karno sheekooyinkeena, dadka kalena bari karno arrimaha Soomaaliya,” waxaa sidaas yiri Waasuge.

Cudurka safmarka ee COVID-19

Karona Feyris kama hor istaagin in SPA ay fuliso hawsha muhiim ah ee ku aaddan wacyigelinta bulshada ee arrimaha maamulka, gaar ahaan waxyaalaha loo isticmaalo gorfeynta ee diiradda saaraya fahamka saameynta dhaqan-dhaqaale ee COVID-19.

"In kasta oo aanan ku soo darin falanqeynta iyo daraasadaha la xiriira COVID-19 ee qorshayaasheenii sannadlaha ahaa ee bilowga ahaa, haddana waxa aan dib u habeyn ku sameynay shaqadeenna markii uu dillaacay cudurka ba'an ee Karona  sannadkii 2020.  Waxa aan ku guuleysannay in aan soo saarno saddex wareysi, hal warbixin oo kooban oo ku saabsan maamulka, iyo hal warbixin oo ah cilmi-baaris oo ku saabsan Cudurka faafa ee COVID-19, ”ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray: “Waxa aan falanqeynay qaabka ay bulshadu u arkaan COVID-19 iyo dhaleeceynta bulsho ee la xiriirta, saameynta ay ku leedahay dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, saameynta ay ku leedahay hay'adaha tacliinta sare, iyo jawaabta ay ka bixinayaan heerarka kala duwan ee dowladdu. Daraasaddan iyo gorfeyntaan dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwo iskood isu maalgeliyey.”

Waxa uu xusay in ammaanta guulaha illaa iyo hadda la gaaray leedahay kooxda SPA, isaga oo sidoo kale ku ammaanay doorkooda dhanka daabacaadda, gaar ahaan waqtigii ay ka shaqeynayeen guryahooda, isla markaana wareysiyada ugu badan ku sameynayeen telefoonka.

Mustaqbalka

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in uu waqti iyo dadaal dheeri ah gelin doonaan shaqooyinka SPA sanadaha soo socda.

"Waxaan aaminsannahay inaan qabaneyno shaqo aad muhiim ugu ah dalka. Aniga iyo asxaabteyda kale, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii SPA looga dhigi lahaa xarun cilmi-baaris, wada hadal, iyo qaabeynta siyaasadda iyo kobcinta awoodda. Qorshahaygu, sidoo kale, waa in aan hubiyo in SPA ay leedahay madaxbanaani dhaqaale, isla markaana ay sii wadi doonto shaqadeeda wanaagsan aniga oo aan joogin,” ayuu yiri.