Kelmedihii uu warbaahinta Hargeysa uga jeediyey Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u Qaabilsan Soomaaliya, James Swan

3 Feb 2021

Galab wanaagsan.

Waxaan rabaa in aan ku bilaabo in aan uga mahadceliyo madaxweyne Muse Cabdi iyo kooxdiisa soo dhaweynta diiran ee aan halkan kala kulanay maanta.

Waxaan halkan Hargeysa la joogaa saaxiibo ka kala socda qeybo kala duwan oo ka tirsan qoyska QM – Agaasimaha Barnaamijka Cunada Aduunka, Cesar Arroyo; wakiilka UNHCR, hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga, Johann Siffointe; iyo Maamulaha Barnaamijka Haweenka QM ee dalka, Sadiq Syed.

Kuwani waa qeyb yar oo ka mid ah in ka badan 20 hay’adood oo QM ah, sanduuqyo iyo barnaamijyo ka hawlgala Somaliland.

Shalay ayaan nimid waxaana fursad u helnay in aan la kulanno mas’uuliyin dowladeed oo sar sare iyo xubno ka mid ah ururada bulshada, iyo Gudiga Qaran ee Doorashada kahor inta aynaan la kulmin madaxweyne Biixi iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada saaka.

Aad ayaan ugu faraxsannahay in ay noo suurtagashay in aan ka wadahadalno shaqada Qaramada Midoobay ka qabato Somaliland ee ay gacan uga geysato in wax laga qabto arrimaha saameynta ku leh bulshada Somaliland. Iskaashigeena waxa uu soo bilowday 1991-dii, ilaa iyo waqtigaasna ka go’naanshehenu isma bedelin iyada oo la soo maray xilliyo adkaa iyo kuwo wanaagsanaaba.

Taageerada QM waa mid aad u ballaaran. Waxaa ka mid ah gargaarka bani’aaadannimo iyo taageerada arrinaha horumarinta la xiriira, sidaas daraadeed, aniga iyo saaxiibadey waxaa noo suurtagashay in aaan aragno qaar ka mid ah taageeradaas oo aan waliba goobjoog u noqonno xilli aan booqanay xarunta Barnaamijka ay fuliso Barnaamijka Cunada Aduunka ee nafaqeynta iyo daryeelka caafimaad.

Waxaa intaas dheer, in aan xarunta ku soo aragnay hay’ado kale oo QM ah kuwaas oo taageero nafaqo iyo raashin is wata halkan Hargeysa ku siinayey dhallaanka, carruur aad u da’yar iyo hooyooyinkood.

Marka la sii ballaariyo, Barnaamijka Cunada Aduunka waxaa ka go’an in ay taageeraan sugnaanta cunada iyo amniga waqtiga dheer ee Somaliland. Waxa ay maalgalisaa barnaamijyada lagu badbaadiyo bulshada, nidaamka sare u qaadidda cunada iyo barnaamijyada nolosha kuwaas oo xoojiya siina ballaariya hawlaha gargaarka bani’aadannimo ee meeshan – hawlahaas waxaaa ka mid ah bixinta raashinka, nafaqeynta iyo carruurta dugsiyada oo raashin la siiyo iyo taageeridda boqolaal kun oo qoys kuwaas oo ay cunto yari hayso.

Waxyaabaha aadka muhiimka u ah ee uu Barnaamijka Cunada Aduunka ka hayo Somaliland waa Dekedda Caalamiha ah ee Berbera. Dekedda waxa ay qeyb lixaad leh ka ciyaartaa hawlgalada hay’aha QM, kaliya ma aha gudaha dalka balse guud ahaan gobol Geeska Africa.

In ka badan rubuc milyan tan oo gargaar bani’aadannimo ah ayaa sanadkii hore ka gudbay Berbera. Intii u dhexeysay 2019 ilaa iyo 2020, Barnaamijka Cunada Aduunka waxa uu in ka badan $50 million galiyey dhaqaalaha Somaliland taas oo ku baxday qaab canshuurta Dekedda ah, qarashaadka qalabka iyo lacaha safarada.

UNHCR, hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga waxa ay sharciyad u haysataa in ay ilaaliso xuquuqda iyo badqabka qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay. Sanadkii hore meelaha ay ka taageertay Somaliland waxa ay isugu jiraan waxbarashada, daryeelka caafimaad, nolosha iyo hoyga iyo waxyaabo kalo badan.

Si gaar ah, UNHCR waxa ay taageertay dayactirka iyo qalabeynta iskuullo, dayactirka iyo qalabeynta xarumo caafimaad oo ay ku jiraan cisbitaalada Hargeysa iyo Berbera, iyo bixinta deeqo ganacsi iyo tababbaro farsamada gacanta ah.

Arrimaha la xiriira sinnaanta jinsiga, Haweenka QM waxa ay si dhaw ula shaqeysaa Wasaaradda Shaqaaleysiinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska iyo ururada bulshada si loogu ol’oleeyo arrimahan.

Haweenka QM waxa ay taageereysay wasaaradda iyo kooxaha ururada bulshada si sare loogu qaado ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda iyo waliba abaabulka doodo la xiriira arrimaha jinsiga, iyada oo diiradda la saarayo wax ka qabashada caadooyin taban ee bulshada. Haweenka QM waxa ay sidoo kale kaashaneysaa Ururuka Qareenada Haweenka Somaliland si loogu ol’oleeyo in haweenku ay fursad u helaan cadaaladda.

Sida aan la soconno, Somaliland waxa ay wajahaysaa masiibooyinka cimilada ee soo noq noqda iyada oo la filan karo in abaar daran ay ku dhufato sababo la xirira roobkii deyrta ee sanadkii tegay oo aad u yaraa.

Arrintan daraadeed, si bulshada ku nool meelaha ay abaartu inta badan ka dhacdo loo dhiso adkeysigooda, Sanduuqa QM ee Carruuta – iyo mas’uuliyiinta Somaliland waxa ay kala shaqeynayeen waaxda gaarka loo leeyahay in la dhiso, lana sameeyo nidaam ceel biyoodyo aan gurin si xilliga abaartu, haweenka iyo carruurta ay u heli karaan biyo nadiif ah. Ilaa hadda, 18 nidaam ceel biyood aan gurin ayaa laga dhisay, Somaliland guud ahaanna laga dayactiray kuwaas oo ay ka faa’iideysan karaan in ka badan 200,000 oo dad ah.

Ceel biyoodyadaas waxa ay dheeri ku yihiin barnaamijka uu wado Barnamaijka  QM ee  Horumarinta Deegaanka, ee ay taageerto Midowga Yurub kaas oo dhuun cusub oo tageysa ilaa iyo  Hargeysa looga dhisayo ceelka  Geed Deeble.

Markale, kuwani, kaliya waa tusaalooyin kooban oo la xiriira taageerada ay QM siiso Somaliland.

Intii uu socday kulanka aniga iyo madaxweyne Biixi waxaan sidoo kale ka hadlay doorashooyinka soo socda.

 “Waxaan ku faraxsanahay in ogaaday horumarka laga gaaray doorashooyinka labada gole ee baarlamaan. Dhammaan saaxiibada Somaliland waxa ay ka war dhawrayaan doorashooyinkan. Waxaan soo dhaweyneynaa sida ay Golaha Guurtidu u xaqiijiyeen in doorashooyinka ay dhacaan 31-ka Maajo toddobaadkan.

Dhammaan calaadamaha ay muujinayaan Gudiga Qaran ee Doorashada ee la xiriira diyaarinta farsamada shaqo ee doorashooyinka in ay meel wanaagsan marayaan. Diiwaangalinta codbixiyeyaasha shaqo wacan oo kale qabtay ayey ahayd oo si baahsan u wada gaaray dhammaan gobolada dalka.

Waxaan ka war dhawreynaa shaqada Gudiga Qaran ee Doorashada ee qabsoomidda doorashooyin  guuleysta dhammaadka bisha Maajo.

Waxaan ku baaqeynaa habraaca loo dhan yahay, daahna furan.

Waxaan markale uga mahadcelinayaa  madaxweyne Biixi iyo kooxdiisa, iyo bulshada reer Hargeysa soo dhaweyntooda. Waxaan sugeynaa in aan ka wada shaqeynno waxa u wanaagsan bulshada Somaliland sanadka 2021 iyo wixii ka dambeeyaba.