Isu Duwaha Arrimaha Gargaarka oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in ‘Xal Waara’ loo helo barakacayaasha xilli uu booqasho ku joogay Baydhabo

1 Feb 2021

Isu Duwaha Arrimaha Gargaarka oo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in ‘Xal Waara’ loo helo barakacayaasha xilli uu booqasho ku joogay Baydhabo

Baydhabo – Nolosha Faadumo Isaaq Maxamed iyo tobankeeda ciyaal waa halgan joogta ah.

“Dhulkan anaga ma lihin oo mana garaneyno ilaa iyo inta aan halkan sii joogi doonno,” ayey tiri iyada oo fadhida banaanka guri kumeel gaar ah oo ka sameysan bac huruudi ah iyo sarab kaas oo ay heereero joogeen qaar ka mid ah carruurteeda, Gurigeeda waxa uu ku yaal xerada barakacayaasha Haataafo oo ku taal Baydhabo, xarunta KMG ah ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

“Baahideena iyo dhibta aan ku qabno xeradan wey badan tahay,” ayey hadalkeeda ku dartay hooyada ay da’deedu tahay 45-ka sano. “Waxaan si ba’an ugu baahannahay cunto iyo biyo. Si aan u badbaadno, shaqooyin caadi ah ayaan xerada dhexdeeda ka qabtaa taas oo aan ka helo dhakhli. Hase yeeshee, ma aha mid joogta ah kumana filna baahideena.”

Sida in badan oo kale, kuwaas oo ku nool Haatafo, Faadumo waxa ay ka soo carartay dagaallo iyo xasarado afar sano kahor  ka dhacay Diinsoor oo ah magaalada ay ka soo jeedo taas oo ku taal gobolka Baay ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Wixii intaa ka dameeyey, iyada iyo carrurteeda waxa ay ku noolaayeen nolol hubanti laa’aan ah oo aan haysan difaaca aas aasiga ah.

Dagaallo iyo xasarado ayaa kalifay in dad badan ay u soo qaxaan xerooyinka sida Haataafo. Laakiin, xeryaha kuwan oo kale ah waxa ay sidoo kale hoy u yihiin kumanaan dadka deegaanka ah kuwaas oo ku soo barakacay abaar iyo daadad ay ku waayeen guryohoodii iyo noloshoodiiba.

Tan iyo sanadkii 2000 (Labada Kun), Soomaliya waxaa ka dhacay 19 (Sagaal iyo Toban) daadad aad u darnaa iyo 17 (Todobo iyo Toban) abaaro ba’an ah – kuwaas oo saddex jeer ka badan masiibooyinka la xirira cimilada  ee Soomaliya ka dhacay intii u dhexeysay 1970-kii ilaa iyo 1990-kii. Sanadkii 2017, abaar darned ayaa Soomaaliya qarka u saartay in ay macaluul ka dillaacdo. 2019-kii, roobkii gu’ga oo soo daahay ayaa sababay in uu halkii ugu hooseysay gaaro dalaggii soo go’I jiray tan iyo 2021 oo ay dhaceen macaluul iyo daadad.

Qodobadan waxa ay ka dhigan yihiin in Soomaaliya ay joogaan dunida dadka ugu badan ee gudaha dalkooda ku barakacay. Sanadkii 2019, waxaa gudaha dalka ku barakacay 2.6 Milyan dad ah, kuwaas oo inta badan u baahnaa gargaar bani’aadannimo.

Maamulka Koonfur Galbeed oo kaliya waxaa ku yaal 350 xero barakacayaal, taas oo ka dhigan in dowlad gobolleedkaasi yahay kan saameynta ugu badan ay soo gaartay marka la eego dadka gudaha ku barakacay.

Raadinta xal 

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Adam Abdelmoula, waxa uu dhawaan xerada Haataafo kula kulmay qaar ka mid ah dadka dagan isaga oo xaaladooda si toos ah uga dhageystay. 

Caqabadaha uu dhageystay aad ayey u tirada badnaayeen –  waxaa ka mid ahaa; Hoy xumo, cunto iyo biyo la’aan, daawo yari, waxbarasho aan ku filneyn iyo fursado la’aan shaqo haysata qoysas badan iyo xasillooni darro.

Md.  Abdelmoula, kaas oo sidoo kale ah Isuduwaha QM u qaabilsan  Deegaanka iyo Arrimaha Gargaarka ayaa intii uu la falgalayey barakacayaasha u sheegay in QM ka go’an tahay in ay ka caawiso in ay noloshooda is horumar sameyso.

Qaramada Midoobay waxa ay iyada iyo Dowladda Federalka ee Soomaaliya iska kaashaanayaan mashruuc cusub oo saddex sano ah kaas oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya barakacayaasha. Ciwaanka mashruuca oo ah ‘Saameynta’ mashruucan sida wadajirka ah loo fulinayo ayaa laga leeyahay ujeeddo ah sidii kor loogu qaadi lahaa u helidda xal waara dadka ku barakacay Baydhabo iyo waliba Boosaaso, Puntland iyo Beledweyne, Hirshabeelle.

“Aragtida mashruucan waa in uu bartilmaameedsado barakacayaal gaaraya 100,000 (Boqol Kun), si kuwaas dib u dejin buuxda loogu sameeyo, lana gaarsiiyo adeegyada bulshada loona abuuro fursado shaqo,” waxaa sidaas koox ka mid ah hoggaamiyeyaasha  bulshada barakacayaasha ah intii uu ku guda jiray booqashadiisa u sheegay Md. Mr. Abdelmoula.

Hoggaamiyeyaasha bulshada intii ay hadalada is weydaarsanayeen mas’uulka ka socday QM, waxa ay ka dhawaajiyeen baahiyaha ay qabaan dadkii uu sarkaalka QM la kulmay – kuwaas oo ay ka mid yihiin, xarumo caafimaad oo aan jirin, cunto yari iyo dookha waxbarasho ee ay heli lahaayeen oo aad u yar in ay yihiin qabadaha ugu waa weyn ee haysta barakacayaasha ku nool Baydhabo. Hoggaamiyeyaasha haweenka barakacayaasha ah ayaa iyaguna soo hadal qaaday maqnaanshaha Adegyada hooyada iyo dhalmada iyo amni daro ay ku qabaan gudaha xeryaha in ay yihiin caqabadaha ugu waa weyn ee haysta.

Xaaladda bani’aadannimo

Md. Abdelmoula iyo wafdigiisa waxa ay markii dambe la kulmeen gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, qaar ka mid ah golaha wasiirada kuwaas oo ay isla soo qaadeen xaaladda bani’aadannimo ee guud, amniga iyo arrimaha la xirira horumarka. 

“Waxaan wadahadal la xiriira sida noloshooda loo horumarin karo la yeelannay barakacayaasha ku dhaqan Baydhabo. Kulan miro dhal ah ayaan yeelanay kaas oo aan iskula fahannay sida ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya,” waxaa sidaas kulanka kaddb shirkii jaraa’id ee la qabtay ka sheegay Md. Fiqi oo ah ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ku xigeenka Ergeyga QM oo shirka jaraa’d ka hadlaya ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in la arko oo iyada oo lala joogo la dhageysto barakacayaasha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiinta deegaanka ee hormuudka ka ah caawinintooda si loogala hadlo in dadka ay bartaan mashruuca saameynta.  

“Sharaf gaar ah ayey ahayd booqashada Baydhabo iyo sidoo kale booqashada bulshada ku barakacday hereeraha iyo gudaha magaalada iyo in  is wadaagno aragtiyada la xiriira sida aan uga wada shaqeyn karno u helidda xal waara caqabadaha mudada dheer taagnaaa  ee uu maamulka koonfur galbeed wajahyo gudoomiya baarlamaanka,” waxaa sidaas yiri Md. Abdelmoula

Marka laga yimaado in uu ku bogaadiyey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed wax ka qabashada caqabadaha soo noq noqday ee ay barakacayaasha wajahaan, waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay in lagu tirsanaado xal kumeel gaar ah, si buuxdana xoogga la’isugu geeyo saddexda isku xiran ee kala ah gargaarka bani’aadannimo, horumarka iyo nabadda six al waara loo helo.

Saddedan isku xiran waxa ay ka dhigan yihiin in aan loo arkin in mid walba si gooni ah loola tacaalo balse dhammaantood loo baahan yahay in halmar wax laga qabto marka kaalamada la qorsheeyo, lana bixiyo dhaqaalaha.

Md. Fiqi iyo Md. Abdelmoula waxa ay wahadalkooda ku soo qaadeen xaaladda bani’aadannimo ee Xudur, magaalo dhinaca waqooyi ka xigta Baydhabo, taas oo wajaheysa  xaalad cunto yari oo ba’an, waxaa gaari Karin Karin badeecada ganacsi sababa la xiriira cunaqabateyn dhaqaale oo ay ku soo rogeen Al-Shabaab.

Kooxda argagixisada ah waxa ay gooyeen wadadii ugu muhiimsan ee gasha magaalada waxa ayna is hortaageen gudbidda badeecada. Ku xigeenka Ergeyga QM waa uu sheegay in beesha caalamka ay wax walba sameyn doonto si gargaar loo gaarsiiyo Xudur iyo waliba in ay ka fekeri doonaan  sidii xal waqti dheer qaata loogu heli lahaa.

Mashruuca saameynta waxaa la filayaa in lagu dhawaaqo bilowga sanadka 2021.