Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Mawro Isha Dyfan, gebabegada booqashadeedii rasmiga ahayd ee Soomaaliya
(Sida loogu diyaariyey in loo baahiyo, Muqdisho, 2 Abriil 2022)
Subax wanaagsan dhammaantiin waadna ku mahadsan tihiin ka soo qaybgalka shirkan jaraa’id.
Inta aanan akhrin bayaankayga, waxaan rabaa in aan qof walba ugu baaqo in uu igala qayb galo hal daqiiqo oo aamusnaan ah, si loo sharfo dhibbanayaasha weerarradii ka dhacay Muqdisho iyo Beledwayne 23-kii Maarso 2022 – maalmo kahor intaanan imaan dalka gudihiisa. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay.
Ugu horreeyn waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa walaalaha Soomaaliyeed curashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Dhammaan ducadeenna nabadda Alle ha inoo aqbalo.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay iiga aqbashay codsigeyga ahaa in aan booqasho rasmi ah ku imaado, kuna bogaadiyaa Dowladda wadashaqeynta wanaagsan iyo dedaalka ay ugu jirto xaqiijinta booqasha miro-dhal ah.
Waxa kale oo aan jeclaan lahaa in aan fursaddan uga faa’iidaysto in aan mahadnaq u jeediyo Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo sidoo kale Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey ee Geneva dedaalkooda la taaban karo ee ku aaddan abaabulka booqashadan.
Sida aad la socotaan, waa markii ugu horreeysay oo aan imaado Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya anigoo ah khabiir madaxbannaan oo qaabbilsan xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya. Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey waxa uu ii igmaday in aan qiimeeyo, kormeero, kana warbixiyo xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, si aan u soo jeediyo talooyin ku saabsan kaalmada farsamo iyo tayeynta dhinaca xuquuqul insaanka. Waxaa xilkan la ii magacaabay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey 8-dii Maajo 2020-kii, laakiin ma awoodin inaan safro sababo la xiriira faafaha COVID-19 iyo xannibaadaha safarka ee la xiriira.
Anigoo tixgalinaya arrintan iyo geeddi-socodka doorashada ee socda, waxaan doortay inaan booqashadii ugu horreeysey diiradda ku saaro xuquuqaha dhaqaale, bulsho iyo dhaqan, maadaama ay la xiriiraan halbeegyada iyo tilmaamayaasha warbixintayda labaad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey.
Intii aan ku guda jirey howshan waxaan la kulmay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka iyo Wasiirka Cadaaladda ee Dowladda Federaalka. Waxaan sidoo kale kulamo la qaatay wakiillada UNSOM, AMISOM, hay’adaha Qaramada Midoobey, ururrada samafalka iyo bulshada rayidka ah. Sidoo kale waxaan fursad u helay inaan booqdo magaalada Baydhabo, oo aan kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, la-taliyayaashiisa iyo Agaasimaha Madaxtooyada, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo Wasiirka Degaanka ee dowlad-goboleedka, iyo sidoo kale dadweyne kale oo kala duwan oo ka mid ah jilayaasha bulshada rayidka ah. Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa cid kasta oo waqti ku bixisay in ay ila kulanto oo ila wadaagto arrimaha xuquuqul insaanka ee ugu culus, iyo soo dhowaynta diirran ee la ii sameeyay.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Maanta, waxaan isku koobayaa indho-indhayn hordhac ah iyo talooyin ku saabsan qaar ka mid ah arrimaha ugu waawayn, kuwaas oo lagu faah faahinayo warbixin dhameystiran oo aan u jeedin doono Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey kal-fadhigooda 51-aad ee Sebtembar 2022 ee Geneva, iyo Kal-fadhiga 77-aad ee Golaha Loo dhanyahay ee New York.
Soomaaliya waxa ay weli la il-daran tahay nabadgelyo-xumo, colaado iyo abaaro soo noqnoqday oo ay sabab u tahay isbeddelka cimilada, taasoo keentay dad dheeraad ah oo gudaha ku barakacay - barokacayaasha iyo cunto iyo biyo la'aan daran. Si taas loo gaaro, Dowladda Federaalka ah iyo hay’adaha samafalka ayaa fulinaya Qorshaha Gurmadka iyo Diyaargarowga ee 2021-ka iyo diyaarinta cunto, biyo iyo walxo aan cunto ahayn si loo taageero dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Baydhabo iyo degaannada kale ee dalka.
Helitaanka daryeel caafimaad ayaa weli ah mid aad u hooseeya dalka. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku yaalla hal isbitaal oo kaliya oo ay dowladdu leedahay, waxaana dadka inta badan ay adeeg caafimaad u raadsadaan xarun caafimaadka oo gaar loo leeyahay oo ay jeebkooda ka soo bixiyaan lacag aad u badan oo ay isku daweynayaan. Sidaas darteed, dad yar ayaa awoodi kara adeegyadan, taasoo horseedaysa dhimashada carruurta iyo hooyada oo sarreeysa. Haddaba waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay balaariso bixinta adeegyada caafimaadka bulshada, iyadoo la eegayo casharradii laga bartay xanuunka COVID-19, lana kordhiyo dhaqaalaha lagu bixiyo nidaamkeeda caafimaadka.
Walaacyada kale waxay la xiriiraan heerka sare ee shaqo la'aanta dhallinyarada iyo guurka degdega ah iyo kan khasabka ah, oo sababa kobaca dadwaynaha oo aad u sarreeya keenayana cawaaqib caafimaad xumo. Waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda inay horumariso dedaallada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan degdega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha meelaha jilicsan.
Sidoo kale, sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya ayaa aad uga hooseeya heerka caalamiga ah. Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah.
In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda.
Waxaa la ii sheegay in xarumo Xallinta Khilaafaadka ah loo dhisay in lagu qabto kiisaska yaryar ee madaniga ah - oo ay ku jiraan arrimaha qoyska, xuquuqda dhulka iyo hantida - iyada oo ujeedadu tahay in wax laga qabto daldaloollada ka jira waaxda caddaaladda iyo horumarinta helitaanka muwaadiniinta ee cadaaladda. Xarumaha Xallinta khilaafaadka, oo ay maalgeliyaan saaxiibbada caalamiga ah, ayaa dhameystiraya hannaanka garsoorka waxaana loo aqoonsadaa in ey xalliyaan tiro badan oo kiisas ah, iyada oo la adeegsanayo shuruucda Islaamka iyo xeer dhaqameedka
Ka qaybgalka siyaasadda ee haweenku waa shardi aasaasi u ah sinnaanta jinsiga iyo dimuqraadiyadda dhabta ah. Si kastaba ha ahaatee, doodaha waxaa la iiga sheegay in aan la buuxin qoondada ugu yar ee boqolkiiba 30 ee metelaadda haweenka inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorasho ee socoda, taas oo soo jeedinaysa in hadda loo baahan yahay in shaqo badan laga qabto doorashada soo socota. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay xaqiijiso in la ixtiraamo qoondada haweenka ee ka qaybgalka kuraasida harsan ee doorashada. Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa dowladda in ay hubiso kala duwanaanshaha iyo u dhammaanta, taas oo diiradda saareysa in si siman loola dhaqmo oo fursad loo siman yahay la siiyo dadka la takooro iyo kuwa laga tirada badan yahay.
Xuquuqda xoriyatul qawlka iyo ra'yigu waxay lama huraan u tahay dimoqraadiyad kasta oo shaqaynaysa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo xarigga aan loo meel dayin iyo xarigga saxafiyiinta ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee dalka oo dhan. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo xaqa xorriyadda hadalka iyo ra'yiga. Waxaan ku talinayaa in shuruucda iyo siyaasadaha, madmadowgooda loo adeegsaday in dembi looga dhigo shaqadooda sharciga ah, in dib loo eego iyadoo la eegayo in la keeno nuxurka iyo fulinta si waafaqsan mabda'a sharciga iyo halbeegyada kale ee xuquuqul insaanka caalamiga ah.
Waxaa i dhiirigaliyay daahfurka qaybta sharciga ee Hay'adda Qaramada Midoobey ee Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) si ay ilaalinta sharci ah u siiso suxufiyiinta. Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa hubinta in qareennada lagu qalabeeyo agabka loo baahan yahay si kor loogu qaado xuquuqaha aasaasiga ah ee la xiriira xorriyadda warbaahinta oo ku saleysan halbeegyada sharciga caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Waxaan u soo jeedinayaa beesha caalamka inaysan ka daalin taageeradooda, ilaa marxaladda ugu dambeysa ee ay xasilloonidu noqonayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya. Waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa inay sii wadaan kaalmada ay siinayaan Soomaaliya:
- Xoojinta hay’adaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan hay’adaha amniga iyo cadaaladda iyo sidoo kale nidaamka caafimaadka; iyo
- wax ka qabashada saameynta xun ee isbedelka cimiladu si buuxda oo wax ku ool ah ugu raaxaysashada xuquuqda aadanaha, iyadoo la hubinayo helitaanka adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo ay ku jiraan biyaha la cabo, goobaha fayadhowrka, guriyeynta, waxbarashada daryeelka caafimaadka ee dhammaan carruurta, gaar ahaan gabadha carruurta ah.
Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa dareenkiinna.