Maalinta Wacyigelinta Miinada, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muujisay saameynta ay ku leedahay nolosha iyo horumarka

4 Apr 2022

Maalinta Wacyigelinta Miinada, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa muujisay saameynta ay ku leedahay nolosha iyo horumarka

Muqdisho – Iyadoo maanta loo asteeyay maalinta caalamiga ah ee wacyi gelinta iyo kaalmaynta miinooyinka, ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta soo bandhigtay saamaynta ay musiibadani ku yeelatay Soomaalida, waxayna mar kale cadaysay inay taageerto sidii Soomaaliya looga xorayn lahaa khataraha walxaha qarxa.

“Wasakhowga iyo haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan waxay  wali ku haysaa inay saameyn xun ku yeelato badbaadada iyo amniga aadanaha, waxayna carqaladaynaysaa dadaallada horumarineed,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

"Sii wadida isticmaalka walxaha qarxa ayaa khatar weyn ku ah dalka iyo dadka," ayuu raaciyay. "Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ka go'an in ay kala shaqeyso maamulada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda  miino saarista, tasoo sahlaysa dhismaha nabadda, bini'aadantinimada, iyo dadaallada horumarinta dhaqan-dhaqaale iyadoo la ilaalinayo rayidka."

2020, 501 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay Soomaaliya sababo la xiriira walxaha qarxa iyo haraadiga dagaalka. Sannadkii 2021, tirada dhaawacyadu waxay korodhay oo gaadhay 669 dhaawac.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeysaa khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saarista  ee heer qaran iyo heer caalami, labadaba heer Federaal iyo Dawladaha xubinta ka ah dawladda Faderaalka, si ay uga jawaabaan khataraha qarxa ee soo wajaha bulshooyinka, iyadoo kor loo qaadayo awoodda ay Soomaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.

Taageerada waxaa ka mid ah  dhimista khatarta walxaha qarxa, bixinta sahan iyo hawlo nadiifin ah, caawinta dhibbanaha, burburinta kaydka, iyo u doodista u hogaansanaanta shuruucda caalamiga ah.

Hal-ku-dhegga maalinta caalamiga ah ee sannadkan ayaa ah ‘ Dhul amman ah , tallaabo amman ah , iyo guri ammaan ah.’ Waxay ujeeddadeedu tahay in la xoojiyo dadaalladii la sameeyey tobankii sano ee la soo dhaafay si Soomaaliya looga xoreeyo khataraha qarxa, laga soo bilaabo goobaha lagu ciyaaro, ilaa waddooyin, dhul beereed ilaa guri.