Koox caalami ah oo qaabilsan la-socodka xabad-joojinta ayaa la geeyay gaalkacyo si ay u taageeraan heshiiska xabbad-joojinta ee ay gaareen Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed

19 Nov 2016

Koox caalami ah oo qaabilsan la-socodka xabad-joojinta ayaa la geeyay gaalkacyo si ay u taageeraan heshiiska xabbad-joojinta ee ay gaareen Madaxweynayaasha Gaas iyo Guuleed

 

WAR-SAXAAFADEED 30/2016

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay heshiiski ay shalay gaareen Madaxweyayaasha Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Cabdikarim Xuseen Guuleed ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, heshiiskaas oo uu dhexdhexaadinayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke si loosii amba-qaado xabbadjoojinta haatan ka jirta Gaalkacyo loona sameeyo aag ka caaggan ciidanka oo gaaraya laba kiilomitir una dhexeeya labadooda ciidan ee deggan magaalada.

Kooxda caalamiga ah ee xabbad-joojinta oo uu horkacayay Urur-Goboleedka IGAD taageerana ka helaysay Qaramada Midoobay ayaa maanta la geeyay Gaalkacyo. Kooxdu waxay guda gashay hawsheeda waxayna la kulmeen labada madaxweyne maamul goboleed, Ra’iisul Wasaaraha iyo wakiilada beelaha labada dhinac ee dirirtu u dhaxayso.

Dowrka kooxda caalamiga ah ee xabbad-joojinta wuxuu noqon doonaa la-shaqaynta 18ka xubnood ee guddiga iskudhafka ah ee wakiilada Puntland iyo Galmudug ee ka talabixinaya gacanna ka geysanaya qabanqaabada dhabta ah ee lagu hirgelinayo xabbad-joojinta, kalsoonina looga dhex abuurayo maamulada labada dowladood, taas oo lagu gaari doono nabad waarta iyo geedi-socod dib u heshiisiin.  

Mas’uuliyadda ugu horreeysa ee dhaqan-gelinta iyo la-socodka xabbad-joojin lagu heshiiyo oo laga gaaro gudaha iyo hareeraha magaalada lagu muransanyahay ayaa waxay saarantahay labada madaxweyne maamul goboleed iyo ciidamadooda amniga. Xubnaha IGAD iyo Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqayn doonaan labada dhinac si loo xaqiijiyo in heshiiski shalay Gaalkacyo ku gaareen Madaxweynayaasha Guuleed iyo “Gaas” in si buuxda loo fuliyo loona ixtiraamo.  

In si kama dambays ah loo joojiyo colaadda Gaalkacyo waxay lagama maarmaan u tahay soo noqoshada dadkii ka barakacay magaalada oo kusoo noqda guryohooda, sidoo kale waxay lagama maarmaan u tahay inay guuleystaan dadaalada lagu xallinayo sababaha dhaliyay colaadda. Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD waxay diyaar u yihiin inay taageeraan labada madaxweyne maamul goboleed iyo hogaamiyeyaasha beelaha Gaalkacyo oo ku heshiinaya tallaabooyin lagu abuurayo kalsooni, loogana hortegayo in qawadayaal ay wiiqaan xabbad-joojinta, rajana loogusoo celinayo dadka rayidka ah ee deganaa magaalada ee go’doonsan.

“Kooxda xabbad-joojinta ee manta la geeyay Gaalkacyo waxay calaamad u tahay muhiimadda ay beesha caalamka ugu fadhido xal u helidda colaaddan,” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Kooxdu waxay labada dhinac kala talin doontaa hirgelinta iyo la-socodka xabbad-joojinta waxayna dhisi doontaa tayada iyo kalsoonida uu Guddiga Isku-dhafka ah kusii xoojinayo xabbad-joojinta. Tani waxay asaas u noqon doontaa wadahadalo lagu xallinayo dhibaatooyinka soo jiitamayay ee sababta u ahaa colaadda.”