17 xildhibaan kale oo lagu doortay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed

Xubin ka mida saraakiisha doorashada ayaa la hadlaysa mid ka mida Ergada intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu  soo xulanayo xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Gudaha magaalada Baydhabo, Soomaaliya, 16 Nofembar 2016. Sawir QM

16 Nov 2016

17 xildhibaan kale oo lagu doortay doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed

Siddeed xildhibaan ayaa loo doortay kuraasta Golaha Shacabka ee loo qoondeeyay maamulka cusub ee HirShabeelle iyadoo doorashada Aqalka Hoose ay maanta ka billaabatay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulkaas.

Xildhibaannada la doortay waxaa ka mid ah labo haween oo kala ah wasiirkii hore ee haweenka iyo xuquuqda aadanaha Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xiif Xasan Aadan. Ilaa markii doorashooyinka ay billowdeen 5-tii Nofembar, 16 haween oo musharraxiin ah ayaa loo doortay Golaha Shacabka.

Wasiirkii hore ee garsoorka iyo arrimaha dastuurka Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka mid ahaa xildhibaannadii maanta lagu doortay codayntii Jowhar ka dhacday, wuxuuna rajo ka muujiyey in ay Soomaaliya u diyaargaroobi doonto sidii ay u qaban lahayd doorasho qof iyo codkiis ah marka la gaaro 2020.

“Nabad iyo barwaaqo ayaan u rajeynayaa dalkeenna, waxaana ballanqaadayaa in aan si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono dalkayga iyo dadkayga,” ayuu yiri Mudane Faarax. “Waxaan rajeynayaa in marka la gaaro 2020, aan qabsan doonno doorasho qof iyo codkiis ah si aan sharciyad buuxdo uga raadinno dalka oo dhan.”

Musharraxintii ku soo baxay doorashadii HirShabeelle waxaa ka mid ah Cabdirsaaq Cumar Maxamed, oo ah wasiirka haatan ee Amniga Qaranka ee dowladda federaalka Somaaliya.

Doorashada maanta ayaa ka dhigaysa in HirShabelle ay wali u harsan tahay buuxinta 29 kursi oo ka mid ah wadarta 37 kursi.   

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiweli Sheekh Muuddey ayaa ku guulaystay kursiga kaliya ee loo codeeyey maanta.

“Kaliya kuma faraxsani in aan guulaystay, balse waxaan sidoo kale aad ugu faraxsanahay naqshadda iyo habka loo dejiyay doorashooyinka 2016, oo musharraxiinta ka socda gobol kasta ay deegaannadooda uga qeybgalayaan geeddisocodka doorashada,” ayuu yiri wasiirka.

Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, siddeed kursi oo kale ayaa la buuxiyay maanta, taas oo 13 ka dhigaysa tirada xildhibaannada loo doortay Golaha Shacabka ee ka soo jeeda maamulkaasi. 23 kursi ayaa wali harsan in lagu go’aamiyo doorashooyinka ka socda Galmudug.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in dhammaan gobollada Soomaaliya ay si nabdoon uga qaybqaadanayaan hannaankan doorasho,” ayuu yiri Saadiq Cabdulkariim oo ka mid ah xildhibaannada la doortay. “Arrintaasi horumar ayay u tahay dalkeenna. Waxaan filayaa in baarlamaanka soo socda uu noqon doono mid u shaqeeya dadka sidoo kalena xaqiijiya in dalku ka baxo mashaakilaadka uu hadda ku jiro.”