Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo booqasho ku tagey Jubaland ayaa mar kale u ballanqaaday taageerada ururka caalamiga ah

27 Jun 2024

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo booqasho ku tagey Jubaland ayaa mar kale u ballanqaaday taageerada ururka caalamiga ah

Kismaayo – Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo bilaabay kulamadii ugu horeeyay ee uu la yeelanayo madaxda Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagey Jubaland halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” iyo golihiisa wasiirada si ay uga wada hadlan arrimo badan oo muhiim u ah dowlad-goboleedka iyo qaranka. 

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan joogo magaalada Kismaayo, ee Jubaland. Waxaan horey fursad ugu helay in aad telefoonka kala hadlo Madaxweyne Islaam, xaqiiqdiinna, waxaan la hadlay dhammaan hoggaamiyaasha Dowlad-goboleedyada,” ayuu Mr. Swan yiri dhammaanka booqashadiisa. 

Isbeddelka dhinaca xaaladda amniga ee isa soo tareysa ayaa ka mid ahaa mowdiicyadii laga wada hadlay intii uu kulanka socday, iyadoo labada dhinac ay tilmaameen muhimadda ay leedahay u diyaar-garowga wajiga kala-guurka ee soo socda ee Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). 

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan aragno ciidamada amniga Jubaland, oo kaashanaya ciidamada qaranka, in ay isku diyaarinayaan la wareegista mas'uuliyadda amniga goobaha ay baneyn doonnaan ciidamada ATMIS,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee QM.

Wuxuu hadalkiisii ku daray in geeddi-socodkan uusan kaliya ahayn mid muhiimad gaar ah u leh amniga iyo wanaagga dadka ku nool Jubaland, balse uu sidoo kale yahay mid muhiim u ah awoodda ay hay’adaha Qaramada Midoobay, sanduuqyada iyo barnaamijyada wax kaga qabanayaan baahiyaha dadka degaanka. 

“Waxaan dhammaan aad ugu walaacsanahay dillaaca cudurka daacuunka, shuban biyoodka ba'an, iyo baahida lagu xaqiijinayo in si xooggan wax looga qabto. Haddaba, sugidda amnigaasi waxay noqon doontaa muhiimadda koowaad. Waxaan ku faraxsanahay in aan awoodno in aan dowladda si dhow ugala shaqeyno mowqifkaasi,” ayuu yiri Mr. Swan.

Mowduucyada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa guulihii laga gaarey hannaanka qaran-dhiska, iyo muhiimadda ay leedahay in dadaalladan la sii wado. 

“Aad iyo aad ayay muhiim u tahay in la sii wado in dadweynaha laga qaybgeliyo ajeendaha dimuqraadiga, qorsheynta doorashooyinka, wadahadallada ku saabsan dhisidda golayaal degmo iyo hay'adaha dowladaha hoose. Arrimahan oo dhan waxay gacan ka geysan doonnaan xaqiijinta in codka dadka Jubaland la maqlo iyo in ay heli karaan noocyada adeegyada ay mudan yihiin,” ayuu Mr. Swan hadalkiisii raaciyay.  

Wada-shaqeyn 

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxaa booqashadan ku wehliyay wakiillo ka socda qaar ka mid ah toddobada hay'adood ee QM ee fadhigoodu yahay Jubaland ee bixiya taageero isugu jira bani'aadamnimo iyo kuwa horumarineed. Kuwa ku wehlinayay waxay kala ahaayeen Mary Otieno, oo ah Wakiilka Dalka ee Hay'adda Sanduuqa Dadweynaha Qaramada Midoobay/ United Nations Population Fund (UNFPA) ee ku meelgaarka ah; Charles Lolika, Wakiilka Madaxa Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay/United Nations Children’s Fund (UNICEF); iyo Verenica Mutiro, Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijka Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee QM / UN Food and Agriculture Organization (FAO).

“Ma gaari karno waajibaadka baaxadda leh ee QM iyo dowladda Soomaaliya annaga oo aan wada-shaqeyn lahayn,” ayay tiri Ms. Otieno dhammaadkii kulamada u dhaxeeyay mas'uuliyiinta QM iyo mas'uuliyiinta Jubaland. 

“Marka taasi waa farriinteyda ugu weyn ee mudan in la qaato. Fariinta kale waa in dawladdu aan wada-shaqeyno.  Way wada shaqeeyaan, oo waxana maqalney walaacyada ay amniga ka qabaan iyo sida ay QM dhan ahaantii ku tegi karto goobaha dhowaan la xoreeyay,” ayay hadalkeeda ku dartey. 

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale soo dhaweeyay wada-shaqeynta dhow iyo iskaashiga waxtarka leh ee ay QM la leedahay ururrada maxalliga ah ee wax ka qabanaya baahiyada dadka Jubaland.  

“Waxaan dooneynaa in aan kuu xaqiijinno in nidaamka Qaramada Midoobay uu weli ka go'an yahay in uu ka shaqeeyo halkan dowlad-goboleedka Jubaland annaga oo ka qabanayna dhammaan howlaha waajibaadka naga saaran ee ah in aan caawinno dadka ku nool dowlad-goboleedkan,” ayuu yiri Mr. Swan. 

Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee QM intii uu magaalada Kismaayo ku sugnaa, ayaa wuxuu sidoo kale la kulmay hawlwadeennada QM ee saldhigoodu yahay halaasi iyo wakiillada ATMIS. 

James Swan waxaa xilka uu hayo u magacaabay Xoghayaha-Guud ee QM António Guterres markay taariikhdu ahayd 14-ka Maajo 2024. Markii uu magaalada Muqdisho imaaday, Mr. Swan wuxuu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ray'sul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Mr. Swan waa diblomaasi waayo arag ah, markii ugu dambeysay wuxuu ahaa Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM laga soo bilaabo 2019 ilaa 2022.