Ku-xigeenka Ergayga-Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhowaysay Shirka dib-uheshiisiinta Kismayo

17 Sep 2014

Ku-xigeenka Ergayga-Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhowaysay Shirka dib-uheshiisiinta Kismayo

Kismayo – Ku-xigeenka Ergayga-Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (DSRSG), Fatiha Serour, ayaa soo dhowaysay Shirka dib-uheshiisiinta ee ka bilowday Kismayo, maadaama uu shirka yahay talaabo loo qaaday dhinaca wanaagan laguna adkaynayo nabadda gobolka, sidoo-kalena lagu horumarinayo habka qaran dhiska Soomaaliya.

Shirka, oo uu Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamud, u furay si rasmi ah, 16 Sebtember, ayaa lagu wadaa in lagu horumariyo guuliyii ka dhashay Heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa bishii Agoosto 2013 iyo heshiiskii lagu saxiixay Shirkii dib-u heshiisinta Jubba, saxiixaas oo ka dhacay Muqdisho bishii Nofember 2013.

“Dadka iyo Madaxda Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba waxay si cad u doonayaan nabad, shirkan dib-uheshiisiintuna wuxuu ka turjumayaa rabitaankaas,” ayay tiri Ku –xigeenka Ergayga Gaarka ah, Fatiha, furitaankii shirka. “ Waxaan ku guubaabinayaa dhamaan ka qayb-galayaasha shirka in ay abuuraan jawi u suurta gelinaya shirka in ay ka soo baxaan qaraaro ay u wada dhanyihiin dhamaan dadka ay arrintu khusayso- sida haweenka, dhalinyaradda, odayaasha dhaqanka, ayada oo aan loo eegaynin sida ay tahay xaladooda bulsho amaba dhaqaale-- waana in ay ka qayb-qaataan habka nabad soo celinta iyo qaran dhiska guud ee ummadda Soomaaliya.

“Habkan dib-uheshiisiinta ahi wuxuu kale oo uu muhiim u yahay sidii Maamulka ku- meelgaarka ah ee Jubba uu u samaysan lahaa qorsho-howleed uu kor oogu qaadayo wacyigiisa ama awoodiisa waxqabad- waxaana loo baahan yahay in la gaaro guulo waxtar leh si horay loo gu mariyo habka maamul dhisidda”, ayay tiri.

DSRSG, Serour, waxay u mahad celisay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Hogaamiyaha Maamulka ku meel-gaarka ah ee Jubba, Sheikh Axmed Islan Madobe, iyo Maamulkiisa, iyo jaalayaasha kale ee ka socday bulshada caalamka, sida Urur Goboleedka IGAD, Jabaan, Ururka Midowgga Yurub, Turki, Italy, ku waas oo suurta geliyay in uu qabsoomo Shirka dib uheshiisiinta iyo taageeridda ay taageerayaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ku aadan naba samaynta.

Dhamaad.