Warqad ku socota Ra’iisul Wasaaraha oo ka socota Ergeyga Gaarka ah Kay ee ku saabsan geeridii RW hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

3 Feb 2014

Warqad ku socota Ra’iisul Wasaaraha oo ka socota Ergeyga Gaarka ah Kay ee ku saabsan geeridii RW hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Mudane Ra’iisal Wasaare,

Waxaan si naxdin iyo murugo leh u maqlay geerida ku timid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo geeriyooday 31 Janaayo 2014.
Sida sharafta leh ee uu ugu heelanaa caddaaladda iyo maamul wanaagga ayaa hamigelisay Soomaali badan.

Laga soo billaabo sannadihii ugu horeysay ee uu ahaa xubin ka tirsan Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ilaa iyo markuu noqday Ra’iisal Wasaaraha iyo kaalinta uu soo qaatay isagoo ah Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay, Ra’iisal Wasaarihii hore, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, wuxuu muujiyay inuu yahay nin ka duwan dadka kale, oo ah daljire naftiisa u huray adeegga dalkiisa.

Dhaxalka uu ka tagay wuxuu noqon doonaa mid waara, waxaana rajaynayaa inuu dhiirigelin doono jiilka cusub ee hogaamiyeyaasha Soomaalida ee u heellan nabadda, midnimada iyo adeegga guud.

Fadlan, Mudane Ra’iisal Wasaare, iga guddoon tacsi tiiraanyo leh ee ku socota qoyskiisa iyo dadka Soomaaliyeedba, waxaan kuu xaqiijinayaa qadarin heerka ugu sareysa ah.


Nicholas Kay
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarama Midoobay u qaabilsan Soomaaliya