Ku-xigeenka ergayga gaarka ah xoghayaha qaramada midoobey de Clercq ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo gargaar bani,aadnimo ee abaaraha Soomaliya

Haweenay dhexsocota degaanka abaarta ku dhufatay ee Salaxley oo 15 kiilomitir dhanka koonfur u jirta Garoowe, Puntland, 1 Febraayo 2017. Puntland waxay ka mid tahay gobalada ay abaarta si daran u saameysay. QM Sawir

1 Feb 2017

Ku-xigeenka ergayga gaarka ah xoghayaha qaramada midoobey de Clercq ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo gargaar bani,aadnimo ee abaaraha Soomaliya

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey ee arimaha Soomaliya Peter de Clerq ayaa shalay soo gababgabeeyay howl xaqiiqo raadin ah oo uu ku tagay Soomaliland iyo Puntland si uu arko saameynta ay reebtay abaarta ka jirta goboladaas.

De Clercq oo sidoo  kale ah isku duwaha arimaha bani,aadnimada Soomaliya ayaa indhihiisa kusoo arkay saameynta abaarta roob yarida, biyo yarida iyo dalagii beeraha oo yaraaday gobolada Soomaliland iyo Puntland.

Kulamo dhowr ah uu la yeeshay madaxweynayasha Soomaliland iyo Puntland, saraakisha sar sare ee qaramada midoobey hey,adaha maxaliga iyo gudiyada abaaraha ee deeganadaas de Clercq ayaa xooga saaray baahida loo qabo jawaab deg deg ah si loo badbaadiyo kumanaan qof.

“Guud ahaan gargaarka loo baahanyahay si looga jawaabo abaarta waa $300 Milyan waana muhiim in la helo qeybta hore sanadkan si looga hortago musiibadan, gargaarkan ayaa ah badbaadin nolasha dadka liita,” Sidaa waxa yiri de Clercq.

Haddii aan la qaadin talaabo deg deg ah Soomaliya waxa ka dhici kara abaar 2017. Soomaliya waxa soo maray abaar daran sanadkii 2011, abaartas aya galaafatay dad ka badan 250,000 iyadoo loo aqoonsaday abaarigii ugu darnaa qarniga kow iyo labaatanaad.

Mudane de Clercq ayaa u safray 30 Janaayo gobolada Soomaliland, halkasoo gudiga abaaraha ay sheeken in 17 qof u dhinteen baahi gobolada Sanaag, Sarar, Togdher iyo Howdh. Hogaamiyasha goboladaas ayaa sheegay in ka badan 10 milyan oo xoolo ah gaajo ugu dhinteen abaaraha jira darted.

Wasiirka Arimaha dibada Soomaliland Sacad Cali Shire ayaa ka codsaday bulshada caalamka iney la soo gaaran gargaar. Wuxu sheegay in dowlada iyo shacabka ay iska aruuriyeen ku dhawaad lacag $3.5 Milyan gargaarka abaaraha, lacagtan ayuu ku tilmaamay mid aad u yar marka loo eego baaxada abaarta hadda jirta.

“Waxa jira dad aad ugu baahan cunto iyo biyo, maanta,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibada. Barito waa ku dheertay. Maanlinta ku xigta iney sii jiraan waa adkaane.”

Ku xigeenka ergayga ayaa ku raacay wasiirka isla markaana ka codsaday deeq bixiyaasha jawaab deg deg ah iyo ka jawaabida qorshaha gargaarka bani,aadnimo, qorshaha ayaa u raadinaya Soomaliya $864 Milyan.

“Waa cadahay in abaarta sii darsan doonto haddii aan la qaadin talaaboyin deg deg ah. Tiro badan oo xoolo ah ayaa dhintay. Xoolaha meelaha jooga waxa soo wajahay xaalad xun,” sidaa waxa yiri Mudane de Clercq kadib markuu Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo.

Ku xigeenka ayaa sidoo kale soo booqday baadiyaha meelo ka tirsan Soomliland. Dadka degan xaafadaha Habaasweyne ayaa ku tilmaamay abaartan midii ugu xumeyd oo ay arkaan muddo saddex sano ah.

Mudane de Clercq ayaa cadeeya in $32 Milayan ay diyaar ku yihiin sanduuqa dhexe QM ee ka jawaabida xaaladaha deg dega ah sidoo kale Sanduuqa Bani,aadnimo ee Soomaliya ayaa  bilaabaya jawaab wadajir ah oo looga jawaabayo abaaraha hey,adaha QM iyo hey,adaha maxaliga ah guud ahaan dalka.

31 Janaayo ku xigeenka ayaa tagay caasimada Garowe Puntland. Mudane de Clercq ayaa la kulmay Raage Xaaji Maxamed madaxa hey,adaha maxaliga ee fadhigooda yahay Puntland; wuxuuna ku tilmaamay barakaca dadka iyo xoolaha tasoo ay sababtay abaarta ee ku habsatay Soomaliland- wadada Mudug ee Puntland.

“Waxan la tacaleynaa wax ka badan 200,000 ilaa 300,000 oo dad ah iyo 1.5 Milyan xoolo ah kuwasoo aan heysan wax biyo ah guud ahaan gobohaas biyo ma laha,” ayuu yiri Maxamed

Madaxweynah Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xooga saaray baahida loo qabo in gargaarka bani,aadnimo inta aan la gaarin xilliga Gu,a, gu,a ayaa dhaca inta u dhaxeysa bilaha Abriil iyo Juun.

Mudane de Clercq ayaa u xaqiijiyay madaxweyne Gaas in QM si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka Puntland sidoo loo dardar galin lahaa geynta caawimaada.

Sida ay sheegeyso qeybta falaqeynta hubinta cuntada iyo ka digida xilli hore abaarta, tirada dadka Soomaliyeed ee caawimaada u baahan waxay si zaa,id u sii kordheen bilihii la soo dhaafay, bishii Sabtember 2016 waxa lagu qiyaasayay shan milyan maantana waxay ka badantahay 6.2 Milyan. Warbixinta ayaa sheegeysa in kala bar dadka Soomaliyeed dhibaateysanyihiin.

Tirade dadka Soomaliyeed ee wajahaya “Dhibaatada” iyo xaalad deg deg ah waa sii kordheysaa, iyadoo lix bil ka hor aheyd 1.1 milyan waxana la filaa in 3 milyan gaarto inta u dhaxeysa Febaraayo iyo Juun ee sanadkan. Dhibka ugu badan wuxu soo gaarayaa caruurta: khiyaastii 363,000 ayaa wajahaya macluul daran iyagoo u baahan caawimaad nafaqeyn, sidoo kale waxa jira 71,000 oo aad u daran kuwasoo u baahan nolal badbaadin deg deg ah.