Saaxiibada beesha caalamka oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay madaxweynaha dowladda federaalka

9 Feb 2017

Saaxiibada beesha caalamka oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay madaxweynaha dowladda federaalka

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay doorashadii madaxweynaha ee shalay la soo gabagabeeyay waxayna hambalyo kal iyo lab ah oo ku aaddan guushiisa u dirayaan Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale jecelyihiin inay mahad iyo qadarin u diraan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee xilka banaynaya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa iyagoo uga mahadnaqaya guulihii badnaa ee ay gaareen afartii sano ee la soo dhaafay waxayna [Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud] uga mahadcelinayaan khudbadiisa qiimaha lahayd ee tanaasulka, taas oo fududeysay in si nabadgelyo ah oo kaladambayn leh xilka la iskugu wareejiyo.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa dhowr caqabadood oo waaweyn si uu u xaqiijiyo yidiilada dadka Soomaaliyeed. Dadku waxay ka rajaynayaan dowladda federaalka inay wax ka qabato dhibaatada abaaraha ee sii xumaanaysa ee dalka ka jirta iyo inay ka hortagto macluul kale [oo dalka ka dhacda]. Mudnaanta ugu horreysa ee uu ka dhawaajiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ahayd horumarinta amniga dhammaan dadka Soomaaliyeed; tani waxay u baahantahay iskaashi joogto ah oo lala yeesho Midowga Afrika iyo deeq bixiyeyaasha caalamka.

Caqabadaha kale waxaa ka mid ah dib u heshiisiin iyo xal nabadgelyo oo loo helo dhowr colaado ah oo ka jira gobollada iyo in dib loo billaabo geedi-socodkii dib u eegista dastuurka, gaar ahaan sahanka loo gelayo tubta doorashooyinka qof-iyo-cod ah ee sannadka 2020. Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan dhammaan awoodaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan taageerada Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadda soo socota.  

“Beesha caalamku waxay ku hanweyntahay inay kala shaqayso Madaxweynaha cusub, Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ee ka dhisan dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadahan,” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xohayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Kala wareejintii shalay xilka lagu kala wareejiyay sida nabadgelyada iyo kala dambaynta leh ayaa ahayd guul weyn oo u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed waana in la xoojiyo kalsoonida lagu qabo mustaqbalka dalka ee gudaha iyo dibadda. Hambalyo Soomaaliya!”