Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya oo booqday Baydhabo

10 Nov 2014

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya oo booqday Baydhabo

Baidoa – Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Uqaabilsan Soomaaliya, Fatiha Serour, ayaa booqasho rasmi ah ku tagtay magaaladda Baydhabo 9kii bishan November. Waxay qiimeyn ku sameysay barnaamijyada hub ka dhigista, kala dirida iyo dib u mideynta (DDR) ee loo sameynayo kuwa ka soo goostay xarakada Al-Shabaab kuna sugan gobolka Soomaaliyeed ee konfur galbeed shaqaaqooyinkana ay ka taagan yihiin, una dhow dowladda aan deriska nahay ee Ethiopia.

Markii ay joogtay Baydhabo, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah Serour waxay amaantay horumarka ay sameeyeen Hey'adaha Gargaarka Maxaliga si ay uga hagaajinyaan Baydhabo maleeshiyaadkii hore ee Al-Shabaab kasoo goostay xarumo dhaqan celin, ayagoo taageero ka helaayo ca

Tanoo ah booqashadeedii rasmiga aheyd ee ugu danbeysay ee Soomaaliya intuusan xiligeeda dhamaan, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah waxay ku celcelisay muhimada ay leedahay in geedi socodka DDR-ka laga dhigo baahida dumarka taagta daran mudnaanta koowaad, ayadoo ku boorisay inay isugu geeyaan xoogooda sidii ay u dhacsan lahaayeen xuquuqdooda.

Serour waxay tiri intaan la mideynin, dagaal yahanadii hore ee Al-Shabaab waa inay helaan yadadiilo dhanka shaqooyinka ah. “Waxaan idinku dhiiri gelinayaa inaad u aragtaan xarumahaan qaab lagu gaarayo wax yaabo kale, wax yaabo waaweyn, ma aha mid lagu gaarayo oo kaliya wadada dhamaadkeeda,” ayay u sheegtay saraakiisha mar ay kula hadleysay meeshaas, ayadoo ku baaqday dadaal isku xir dheeraad ah oo ay sameeyaan kaqeyb galeyaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamkaba.

Markey joogtay Badhabo, waxaa kale oo ay booqatay Xarunta Nabadda Baydhabo, xaruntaasoo u taagan hindise isku dhafan oo ka yimid UNICEF-UNDP maamulkeedana ay gacanta ku heyso Hey'adda Maxaliga ah ee KANAVA. Waxay u diyaarisay hoyi kooxaha nugul ee dhalin yarada, xarumo lagu barto farsamada gacanta iyo taageero nafsaani ah. Waxaa kale oo ay la kulantay lana sheekeysatay caruur badan oo xaruntu ay gacanta ku heyso iyo sidoo kale af hayeenka Xarunta oo ku booriyay sidii dadaalo caalami ah horay loo sameyn lahaa si loo taageero barnaamijyada hub ka dhigista, kaladirida iyo dib u mideynta ee ka socdo gobolada Bay iyo Bakool meelahaasoo Al-Shabaab ay xoog ku leeyihiin.

Intii ay ku dhex jirtay booqashadeeda, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoomay Uqaabilsan Soomaaliya Serour waxaa ku wehliyay wafdi Qaramada Midoobay ka tirsan oo kala yimid Baydhabo iyo Muqdisho, saraakiil ka tirsan AMISOM oo Ethiopian ah, saaxiibo ka kala socday safaaradaha ay Faransiiska iyo German-ka iyo sidoo kale saaxiibo ka socday wakaaladaha Qaramada Midoobay iyo barnaamijyadeeda qaabilsan taakuleynta kana imaadeen Nairobi.

Ugu danbeyntii, Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoomay Uqaabilsan Soomaaliya waxay ku celcelisay sida ay Qaramada Midoobay uga go'antahay, iyo bulshada caalamkaba, ka ilaalinta dhalin yarada iyo caruurta Al-Shabaab, ayadoo ku dartay: “Waxaan ku boorineynaa deeq bixiyeyaasha caalamka inay taageeraan barnaamijyadaan si looga ilaaliyo caruurta askareynta.”