Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo walaac weyn ka muujiyay xasaradda siyaasadeed, kuna baaqay midnimo iyo sii socodka hawlaha dowladda

2 Nov 2014

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo walaac weyn ka muujiyay xasaradda siyaasadeed, kuna baaqay midnimo iyo sii socodka hawlaha dowladda

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa mujiyay inuu aad uga walaacsanyahay xasaradda siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo khatar gelinaya dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhimka ah ee lagu qeexay Barnaamijka Aragtida 2016.

“Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya waxaa weligiis ka go’an inuu ka soo baxo xilka loo igmaday oo ah inuu Soomaaliya ku kaalmeeyo hirgelinta nidaam federaal ah, dastuur cusub iyo doorasho la qabto marka la gaaro bisha September sannadka 2016, sida ku qeexan Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Barnaamijka Aragtida 2016,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Waxaa ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku haya khilaafka inay raadiyaan xal meel-dhexaad ah oo labada dhinacba raalligeliya oo u ogolaada horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhanka siyaasadda iyo amnigaba inuu sii socdo hakasho la’aan.

“Waxaan garowsanahay oo aan ogahay xilkasnimada xildhibaanada Baarlamaanka ee isxilqaamay iyo hawsha adag ee ay hayaan, laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada la weydiisanayo inay codkooda lacag siistaan iyadoo laga yaabo inuu dhaco mooshin ‘Kalsooni Kala Noqosho ah’, taasoo dhabarjab ku ah horumarka ay Soomaaliya u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo hufananaanta,” ayuu raaciyay. “Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba waxay mudanyihiin wax sidaas ka fiican.”

Mudane Kay wuxuu ku celiyay baaqii uu dhowaan jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in heerka ugu sareeya ee Dowladda Federaalka laga helo midnimo siyaasadeed iyo hawlaha la hayo oo si wadajir ah u sii socota, wuxuuna sheegay in tallaabo kasta oo uu qaado dhinac kasta ee xasillooni darro siyaasadeed abuurta lagu wargelin doono Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, oo la ogeysiin doono in tallaabooyinkaas ay khatar gelin karaan, qasna ka abuuri karaan mustaqbalka hirgelinta Barnaamijka Aragtida 2016.

“Waxaan marka kasta diyaar la ahay inaan dadaalkayga dhexdhexaadin ku bixiyo si aan u raadino xal dhexdhexaad ah; waxaan si dhow ula shaqaynaynaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Boqortooyada Midoobay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kaloo badan annagoo baadigoob ugu jirta xal arrinta loo helo,” ayuu raaciyay.

Dhamaad.