Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee QM oo soo dhaweeysay ku dhawaaqista metelaadda haweenka ee kuraastii ka dhinneyd Aqalka Sare ee Jubbaland

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaalbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo Kismaayo kula kulmeysa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islmaam 'Madoobe', 19ka Oktoobar 2021.

previous next
19 Oct 2021

Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee QM oo soo dhaweeysay ku dhawaaqista metelaadda haweenka ee kuraastii ka dhinneyd Aqalka Sare ee Jubbaland

Kismaayo —  Booqashadeedii magaalada koofurta Soomaaliya dhacda ee Kismaayo, ayey sarkaaladdan sare ee Qaramada Midoobay maanta ku bogaadisay ku dhawaaqista Jubbaland ee in doorashooyinka kuraasta afarta ah ee ka harsanayd metelaaddooda Aqalka Sare goor dhow la qaban doono  — iyo in metelaadda haweenka lagu dari doono.

“Mid ka mida arrimaha aan rabay in aan kala hadlo Madaxweynaha waxa ay ahayd arrinta ka-qeyb-galka haweenka ee geeddi-socodka Aqalka Sare,” Ayey tiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, iyada oo xiganeysa kulankeedii loo ballansanaa inay la yeelato Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ‘Madoobe’, goor hore oo Talaadada ahayd.

“Wuu igaga adkaaday middaas. Wuu ku dhawaaqay— aad baana ugu faraxsanahay in aan maqalnay warkan saakay, — in labo kursi loo xiri doono haweenka, labada hartayna ay haweenku ku tartami doonaan mid ka mida. Sidaa darteed, war fiican baa nooga soo yeeray Jubbaland saakay,” ayay intaa ku dartay.

Sarkaaladdan QM waxa ay booqashadani u ahayd mid isbarasho ah — waa booqashadeedii u horreeysay ee Maamul-goboleed Xubin ka ah Dowladda Federaalka ah ee dhaca koofurta — si ay ula kulanto hoggaanka Jubbaland, iyo sidoo kale saraakiisha doorashada, oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorshooyinka Heer Dowlad Goboleed, Siyaad Maxamed Mursal iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Doorashooyinka dalka ka socda ayaa ahaa mowduuc muhiim ah oo ka mida qorshaha safarkeeda.

“Waa muhiim, maadaama aan u joogo halkan in aan u adeego Soomaaliya, in aan ku soo wareego oo aan fahmo gobollada kala duwan iyo in aan fahmo waxa iyaga muhiimka u ah.” Ayay tiri Marwo Gbeho. “ Xilligan waa waqti aanu dharbaaxo kala kulannay inti lagu guda jiray geeddi-socodka doorashada, waxa aana doonaynay in geeddi-socodka Aqalka Sare lagu soo geba-gebeeyo halkan Jubbaland si aanu markaa ugu dhaqaaqno geeddi-socodka Aqalka Hoose.”

Jubbaland waxa ahayd  Maamullada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka tii ugu horreysay ee billowda qabashada doorashooyinka Aqalka Sare. Afar kursi ayaa goor hore la buuxiyey, maamulkuna waxa uu Talaadadii ku dhawaaqay in doorashada kuraasta ka harsan Aqalka Sare la dhameystiri doono Khamiista.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaalbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, ayaa kula kulmeysa wakiillada bulshada rayidka ah, Kismaayo, 19ka Oktoobar 2021.

Diirad Baddalis

Saaxiibbada Caalamiga ah ee dalka waxa ay hore carrabka ugu adkeeyeen baahida loo qabo in doorashooyinka ka harsan Aqalka Sare loo dhameystiro si dhaqse ah si diiradda doorashadu ugu wareegto wejiga xiga ee doorashooyinka federaalka ah, waa doorashooyinka Aqalka Hoose, ee loo yaqaan Golaha Shacabka.

Iyada oo falcelinteeda ku dhiibeysa Kismaayo, ayey Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM ka dhawaajisay qodobbada beesha caalamka, waxa ayna xustay in casharro laga baran karey.

“Waxa ay ka dhigan tahay in ay hore u socon karto oo ay billaabmi karto [doorashooyinka Aqalka Sare]” ayey Marwo Gbeho tiri. “Waxa aan la soconnaa in aanay Soomaaliya u ahayn geeddi-socod fudud, waan aragnay geeddi-socodka doorashooyinka Aqalka Sare, waan aragnay fal-celinnada ka soo baxay. Hase ahaatee, haddii aanu dhanka wanaagsan ka eegno, waxa aan wax ka baran karnaa geeddi-socodka Aqalka Sare una adeegsan karnaa in aanu uga faa’iideysanno geeddi-socodka Aqalka Hoose wixi hadda ka dambeeya”

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay sidoo kale u doodayeen in ay hoggaamiyeyaasha dalku xaqiijiyaan in geeddi-socodka doorashada lagu tixgeliyo xaqa ay haweenku u leeyihiin inay si buuxda uga qayb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, iyo in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 ay waajib tahay in laga gaaro Baarlamaanka.  

“Haweenku waxa ay boqolkiba 50 ka yihiin shacabka — haddii aad ka socoto iyada oo aan kala bar bulshada aan la meteleyn, oo aanay cod laheyn, oo aanay talo lahayn, waxa aan ku dhiirran karaa in aan sawirto in aysan suurta gal ahayn in aad xal u hesho dhibaatada, iyo in dowladda — nolosha shaqo waa uun u adeegista dadka — waana dhismaha Soomaaliya,” ayey tiri Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee QM.

 “Sidaa darteed, haddii aadan hayn Soomaali miiska kula fadhisa ama uu shacabku bar kaa maqan yahay marka aad go’aan qaadaneyso” ayey tiri iyada oo hadalka sii wadda, “ marka aad isku dayeyso in aad heshiis ka gaarto waxa ay tahay in uu xalku u ekaado, ma hubo in aad dhab ahaan heli doonto hadafkaada kama dambeysta ah ama aragtida ay Soomaaliya isu sawiranayso.”

Si aad sawirro badan oo booqashada ku saabsan u aragto, halkan ka eeg albunka Flickr keena.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaalbilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho, oo wadahadal kula jirta Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad-Goboleed, Siyaad Maxamed Mursal, Kismaayo, Jubbaland, 19ka Oktoobar 2021.