Kulan dadwayne oo looga tashanayey dib u eegista Dastuurka oo Baydhabo ka dhacay

20 Feb 2020

Kulan dadwayne oo looga tashanayey dib u eegista Dastuurka oo Baydhabo ka dhacay

Baydhabo – “Waxaan jeclaan lahaa isbeddello ka tarjumaya danaheenna,” ayay tiri Nuurto Maxamed, oo ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan Qasab 2 (IDPs), ee ka qayb galay kulankii maanta ee ka dhacay Baydhabo, Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Marwo  Maxamed ayaa ka aragti dhiibaneysey sidii dalkeeda loogu samayn lahaa Dastuur rigli ah. Waxay ka mid ahayd in ka badan 100 qofood oo ka qayb galay kulan wada tashi ahaa oo 3 maalmood socdey oo qayb ka ah ololaha dib u eegista Dastuurka oo la bilaabay 2018-kii, isla markaana looga gol leeyahay inuu bedelo midka KMG ah ee la hirgeliyey 2012-kii, kahor inta aan la qabanin doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020. Waxaa isku duwey Wasaaradda Umuuraha Dastuurkan (MoCA) oo la kaashanayso Xafiiska QM ee Soomaaliya (UNSOM), shirku wuxuu soo xirmey maanta.

 Waxaa soo xaadiray wakiillo kala geddisan oo ka socda bulshada, ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, dadka baahiyaha gaarka ah qaba,  iyo hoggaamiyeyaasha diinta. “Dadku waxay muujiyeen araadooda ku saabsan waxa ay u arkaan in dib loo eego,” ayuu yiri Maareeyaha Gaarista Dadwaynaha ugu qaybsan Wasaaradda, Cabdiqani Cali Aadan. “Arrimaha ay dadka reer Koonfur Galbeed danaynayaan waxaa ka mid ah in Datuurka lagu caddeeyo lahjadda Maayga iyo in khilaafaadka siyaasadeed ee taagan la xalliyo ka hor inta aan la dhamaystirin Dastuurka,” ayuu daba dhigay.

Ka qayb galayaasha ayaa is dhaafsaday aragtidooda ku aaddan awood iyo khayraad qaybsiga, federaalka, doorashooyinka, hannaanka cadaaladda iyo amaanka qaranka. Wasiirka Dastuurka ee Maamulka KG Soomaaliya, Jeylaani Cabdullaahi Xaaji, ayaa sheegay in ay muhim ahayd in aragtida iyo walaaca dadwaynaha lagu soo daro dib u eegista Datuurka. “Qof kasta oo halkan joogaa wuxuu metelayaa boqollaal kale oo ka tirsan dadka KG Soomaaliya, oo aan kulankan kasoo qayb geli Karin. Waxaan filaynaa in dadka halkan joogaa ay eegi doonaan danaha dadka reer KG Soomaaliya, isla markaana ay dhiiban doonaan aragtiyo daacad ah oo aan caadifadi ku jirin,” ayuu yiri Md. Jeylaani.

Saliima Sheekh Shuceyb oo haweenka meteleysey ayaa codsatay in la kordhiyo qoondada haweenka ee xafiisyada dowladda kuwa la doorto iyo kuwa la magacaabo intaba. “Dastuurku wuxuu u baahan yahay in lagu dhiso danaha haweenka. Waloow la yiraahdo dumarku waxay xaq u leeyihiin qoondo dhan 30%, taasi kuma filla. Waa inaan helnaa 50%. Wakiilladeenna waa in aan lagu ekayn oo qura Dowladda iyo Baarlamanka, balse waa in aan wakiillo ku yeelannaa meel kasta, sida wasaaradaha iyo hay’aadka kale ee dowladeed,” ayay hoosta ka xarriiqday Marwo Shuceyb.

Mukhtaar Cali Isaaq oo u hadlayey dadka qaba baahiyaha gaarka ah ayaa sheegay in Dastuurku uu u baahan yahay inuu hubiyo xuquuqdooda iyo ka qayb galkooda horumarka qaranka. “Waxaan doonaynaa in dadka qaba baahiyaha gaarka ihi ay helaan fursado ay uga qayb galaan siyaasadda, iyagoo wakiillo ku yeelanaya asxaabta siyaasadda, golayaasha degaanka, Baarlamanka, guddiyada madaxa bannaan, iyo hay’aadka kale. Taasi waa codsigeenna ku socda DF Soomaaliya iyo gobollada aannu ku nool nahay,” ayuu yiri Md. Isaaq.

Taliyaha Booliiska Baydhabo, Xasan Macallim Axmed Bikiole, ayaa ka qayb galayaasha ku dhiiri geliyey inay ka faa’iidaystaan fursaddan ay uga qayb gelayaan dood furan oo loo dhan yahay oo ku saabsan dhamaystirka Dastuurka.

 “Aragtiyihiinnu aad bay muhim u yihiin. Haddii aydnaan ka qayb gelin oo tilmaamin waxa saxan ama khaldan, ma ciyaaraysaan doorkiinnii muwaadinnimo," ayuu yiri Md. Biikole. "Waa fursaddiinna aad uga qayb qaadanaysaan ololaha qaran isla markaana aad ku saxaysaan wixii khaladaad ah oo aad aragtaan."

Kulankan ayaa ahaa midkii 2-aad ee ka mid ah olole heer qaran ah oo lagu tegayo dhamaanba maamullada federaalka ah ee Soomaaliya, si dadwaynaha loo siiyo fursad ay uga aragti dhiibtaan geeddi socodka Dastuur samaynta Soomaaliya.