Howlaha wax-qabad ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2020

29 Feb 2020

Howlaha wax-qabad ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Febraayo 2020

ROUNDUP FAO FEB 2020 som
 

XOOLAHA NOOL | FAO waxay tallaashay 14.5 milyan oo ari ah iyo 3.5 milyan oo xoolo kale ah oo ay dawaysay

Cudurka Contagious Caprine Pleuropneumonia (CCPP) waa cudur si xun u aafeeya sambabka ariga, isaga oo sababa heer dhimasho oo aad u sarreeya. Mashruucan oo ay maalgeliyeen USAID iyo UKAID/DFID, ayaa Hay’adda FAO  waxay fulineysaa olole isugu jira tallaal iyo daweyn ee cudurka CCPP iyo cudurro kaleba – si loogu daryeelo inta soo hadhay xoolaha reer miyiga Soomaaliyeed.

Ololahan ayaa sidoo kale loogu talo galay in lagu caawiyo qoysaska aadka u nugul ee badanaa dhaqda ariga. Daryeelka xoolaha nool ma aha kaliya mid sugaya ammaanka cuntada ee wuxuu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka, maadaama 40% wax-soo-saarka dhaqaale ee dalka uu ku tiirsan yahay 40%. Ololahan ayaa billowday dabayaaqadii bishii Jannaayo, wuxuuna ku eg yahay bisha Maarso.

www.fao.org/emergencies/countries/detail/en/c/151690

ROUNDUP IOM FEB 2020 som
 

SOCDAALKA | IOM iyo kuwo kale waxay caawinayaan 134 qof oo kasoo laabtay Yemen

IOM oo kaashanaysa masuuliyiinta Somaliland, UNHCR iyo hay’ado kale waxay soo dhaweeyeen sidoo kalena caawiyeen 134 qof oo ka soo laabtay dalka Yemen. IOM iyo Wasaaradda Caafimaadka waxay Xarunta Qaabilaadda ee magaalada Berbera ugu sameeyeen dadka soo noqday baaritaan caafimaad.

Si dadkaas looga caawiyo inay u socdaalaan meelihii ay u socdeen, waxaa laga caawiyay sahay safar iyo macluumaad ku saabsan gaadiidka ay ku socdaali kaaran.

https://www.iom.int/countries/somalia

ROUNDUP OCHA FEB 2020 som
 

GARGAARKA BANI’AADANIMO | OCHA waxay qabatay tababar loogu talo galay gargaaraha ugu horreeya ee Dawladda iyo Hay’adaha

Iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha dawladeed ee guud ahaan Soomaaliya iyo inay yihiin dadka ugu horreeya ee ka jawaabaya marka ay dhacaan musiibooyin dabiici ah, ayaa OCHA waxay qabatay tababar farsamo oo socday muddo toddobaad ah oo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe. Tababarkan oo sare loogu qaadayay awoodda shaqaaalaha waxaa ka soo qeyb galay 31 sarkaal dawladeed iyo 19 wakiil oo ka socda hay’adaha. Mowduucyada looga hadlay waxaa ka mid ah maareynta xogta, baahinta xogta, qiimeynta iyo isku-xirka arrimaha gargaarka bani’aadamnimo.

https://www.unocha.org/somalia

ROUNDUP UN-HABITAT FEB 2020 som
 

GURIYEYNTA | UN-Habitat oo Madasha Magaalooyinka Adduunka ku soo bandhigtay mashruuca guriyeynta degmada Heliwa

Madasha 10-aad ee magaalooyinka adduunka loo qabtay, hay’ada UN-Habitat waxay kusoo bandhigtay mashruuc guriyeynta ee laga hirgaliyay degmada Heliwa, looguna tala galay dadka ku soo barakacay magaalada Muqdisho tusaalena u ah hal-abuur ku aaddan sidii xal waaro loogu heli lahaa caasimadda Soomaaliya. Madasha waxa ay ka dhacday magaalada Abu Dhabi mawduuciisuna wuxuu ahaa “Dhaqanka & Hal-abuurka”. Dhacdadan waxay fursad u siisay masuuliyiinta dowladda hoose iyo heer qaran ee Soomaaliya ka socday in ay la xariiraan, waxna ka bartaan saaxiibadooda heerka caalami qaabka loo hormariyo dedaallada xalka waara.

https://bit.ly/2unAFt1

ROUNDUP UN PEACEBUILDING FUND FEB 2020 som
 

CAAFIMAADKA | Sanduuqa Nabad-dhisidda Soomaaliya wuxuu taageerayaa Xarunta Baydhabo ee Caafimaadka Dhimirka

Sanduuqa Nabad-dhisidda Qaramada Midoobay (UN Peacebuilding Fund - PBF) ayaa booqday magaalada Beydhabo ee D/goboleedka Koonfur Galbeed si ay ugu kuur-galaan baahiyaha caafimaadka dhimirka, iyadoo taasi qeyb ka tahay diyaargarowga hawlaha qeybta ka ah mashruuca caafimaadka dhimirka ee ay taageereyso PBF, ayna hirgelineyso WHO. Inta ay magaalada joogeen shaqaalaha PBF waxay booqdeen mashaariicda uu Sanduuqu maal-galiyo, waxaana ka mid ahaa Xarunta caafimaadka dadka dhimirka lagula tacaalo oo Beydhabo (Baidoa Community Mental Health Centre), iyadoo taageerada loo soo marsiiyo Mashruuca Midnimo I. Taageerada Mashruucan Midnimo I waxaa ka mid ahaa dhismaha afar qol oo loogu tala galay bukaanka aadka u liito, kushiin, iyo goob lagu cayaaro, iyo sidoo kale in sare loo qaado gidaarka ama darbiyada xarunta. Xarunta haatan waxay baxnaanisaa 125 bukaan oo qaba xanuunadan: psychosis, schizophrenia, niyad-jabka, naafanimada caqliga, iyo dareen la’aanta. Ujeedka mashruuca Midnimo I wuxuu yahay in si wanaagsan loo fahmo sida Soomaaliya u heli laheyd nabad iyo dib u heshiisiin ay saameyn ugu yeelatay in  seddex meelood hal meel shacabka ka mid ah la dhibaatoonayaan xannuunada dhimirka la xariiraan iyo dhibaatooyinka ay reebeen naxdinta dagaallada laga qaado.

http://bit.ly/32B1aYT

ROUNDUP UNDP FEB 2020 som
 

CADDAALADDA | Xirfadlayaasha sharci ee ay tababartay UNDP ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay Shirka Sanadlaha ee Garsoorka

Xirfadlayaashii sharci ee ay tababartay Hay’adda UNDP ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay diyaarinta Shirka Sanadlaha ee Garsoorka iyo inay qoraan warbixintii soo baxday shirka ka hor.

Shirkan waa kulanka ugu ballaaran Soomaaliya ee dib-u-eegis loogu sameeyo arrimaha garsoorka, iyadoo sanadkan lagu eegay arrimaha la xiriira xuquuqda dhulka, qaabka ay u wada-shaqeyn karaan qeybaha kala duwan ee caddaaladda iyo sida loo hubiyo fulinta go'aannada maxkamadaha. Waxaan taabba-gelinta iska kaashaday Barnaamijka Wadajirka ah ee Caddaaladda, oo ay maalgaliyeen DFID, Midowga Yurub, Netherlands iyo Sweden.

https://www.so.undp.org/

ROUNDUP UNESCO FEB 2020 som
 

WAXBARASHADA & DHAQANKA | UNESCO iyo Soomaaliya waxay dib u cusbooneysiiyeen heshiis ku saabsan waxbarashada iyo dhaqanka

Agaasimaha guud ee UNESCO, Audrey Azoulay, waxay Heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay dawladda Soomaaliya oo dhabbaha u xaaraya in la adkeeyo iskaashiga waxbarashada iyo dhaqanka sidoo kalena la taageero  dadaallada dib-u-dhiska iyo nabadgelyada. Waxaana arrintaasi ka mid ah in carruur badan la geeyo iskuullada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo gabdhaha, isla markaana la xaqiijiyo inay helaan agabka waxbarashada sida buugaagta manhajka. Dhanka dhaqanka Soomaaliya waxay keydisay agabkeeda dhaqan si waafaqsan heshiiskii UNESCO 1972 ee keydinta dhaqamada iyo Heshiiskii Keydinta Dhaqamada Aan La taaban Karin ee 2003.  UNESCO waxay sidoo kale dalka ka taageeri doontaa dayactirka seddex xarun dhaqan oo muhiim ah, oo kala ah Tiyaatarka Qaranka, Matxafka iyo Maktabadda.

https://en.unesco.org/news/historic-visit-director-general-unesco-somalia-support-human-dimension-reconstruction-through

ROUNDUP UNFPA FEB 2020 som
 

GUDNIINKA GABDHAHA | Puntland, UNFPA waxay taageertay madasha dhalinyarada looga soo horjeedo Gudniinka Gabdhaha

Shabakadda Dhalinyarada Puntland, oo ay taageereyso Hay’adda UNFPA, ayaa iyada oo laga duulayo hal-ku-dhegga 'Shaacinta Awoodda Dhallinyarada' waxay soo qabanqaabisay madasha wadatashiga dhallinyarada, taasi oo lagu xusayo Diidmada Gudniinka Gabdhaha (FGM) oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimad da Puntland. waxaana ka soo qeybgalay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, dadka u ololeeya xuquuqda haweenka iyo dhallinyaro fara badan. Dhallinyaradu waxay hoosta ka xarriiqeen doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaari karaan dhaqan-gelinta la dagaallanka Gudniinka Gabdhaha (FGM) ee gudaha Soomaaliya - tusaale ahaan, inay hoggaamiyaan ololaha wacyigelinta bulshada, taas oo looga hadlay halista iyo xaqiiqda gudniinka gabdhaha, iyo in gabdhaha la baro xuquuqda ay u leeyihiin jirkooda, faafinta macluumaad diini ah oo sheegaya in guudniinka fircooniga ah uusan bannaanayn, iyo in haweenka ka macaasha gudniinka loo abuuro ilo kale oo ay dhaqaale ka helaan.Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in dowladda ay dhallinyarada ka qayb geliso arrimaha siyaasadda ee la xiriira gudniinka fircooniga si loo xaqiijiyo in sharciga FGM la ansixiyo.

https://somalia.unfpa.org/en

ROUNDUP UNHCR FEB 2020 som
 

HOYGA | UNHCR ayaa hoy siisa ku-dhowaad 160 qoys oo ku nool magaalda Berbera

Magaalada Berbera, ku dhawaad 160 qoys ayaa ka-faa'iideystay wajigii koowaad ee mashruuca hoyga ku-meelgaarka ah oo ay maalgalisay UNHCR. Marka la dhammeystiro, mashruucan ayaa loogu talagalay inay ka faa'iideystaan 300 oo qoys oo ka mid ah dadka barakacay iyo bulshada martida galisy. Waxaa mashruucan la hirgeliyay iyada oo lala kaashanaayo Hey’adda Qaxootiga Norway iyo Dawladda Hoose ee Magaalada Berbera. Mashaariicda hoyga ku-meelgaarka ah ee UNHCR ayaa qoysaska guryahooda ka soo barakacay siineysa  xal waara.

https://www.unhcr.org/somalia.html

ROUNDUP UNICEF FEB 2020 Som
 

WAXBARASHADA | UNICEF waxay kor ugu qaadaysaa waxbarashada Puntland miisaaniyad dhan $8.8 milyan oo ka timid Global Partnership for Education (GEP)

UNICEF iyo daneeyeyaasha la shaqeeya waxay awoodi doonaan inay carruur badan oo ku nool Puntland fursad u siiyaan inay iskuulka aadaan ka dib markii Hay’adda Global Partnership for Education (GEP) ay ugu deeqday $8.8 milyan. Dhaqaalahan cusub ayaa gacan ka gaysanaya in dugsiyada la qoro gabdho badan iyo carruur ka soo jeeda qoysaska danyarta ah, iyadoo la hubinayo in carruurtani ay ka faa’iidaystaan waxbarasho tayo leh iyo inay fursad u helaan si ay wax u bartaan oo horumar u gaaraan. Lacagtan ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa tababarka macallimiinta iyo in la dhiirri-geliyo nidaam waxbarasho oo shaqeynaya, lalana xisaabtami karo.

https://www.unicef.org/somalia/

ROUNDUP UNIDO FEB 2020 Som
 

HORUMARINTA DHAQAALAHA Furitaanka Xarunta Horumarinta Ganacsiga ee UNIDO ee Muqdisho

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya (MoCI), Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya (SCCI) iyo UNIDO ayaa furay Qeybta Horumarinta Ganacsiga oo ah tii ugu horreysay ee Muqdisho. Qeybtan waxaa martigelin doonta SCCI, waana tallaabo muhiim ah mashruuca horumarinta teknolojiyada horumarinta ee horumarinta dhaqaalaha Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, oo ay fuliso UNIDO, iyadoo la kaashaneysa  wasaarada ganacsigaI, ayna maalgelinayso Hay'adda Iskaashiga Horumarinta ee Talyaaniga.

Xaruntan waa middii ugu horreysay tiro 3 xarumood ah oo loogu talo galay inay bixiyan adeegyada horumarinta ganacsiga Soomaalida ee looga baahan yahay billaabista, dayactirka iyo horumarinta hawlaha wax-soo-saarka beeraha loo warshadeynayo, iyadoo gacansatada laga caawinayo teknolojiyad cusub, suuqyo, shaqaale leh xirfad, iyo maalgelin dhaqaale.

https://www.unido.org/

ROUNDUP UNOPS FEB 2020 Som
 

CADDAALADDA | UNOPS waxay dhammaystirtay dhismaha saldhigyo boolis iyo xarumo hay’adaha caddaalada ah

UNOPS waxay dhammaystirtay dhismaha 2 saldhig boolis oo ku kala yaalla Kismaayo iyo Baydhabo,  waxaanay wareejisay Maxkamada Rafcaanka Hargeysa iyo Xafiiska Wasaaradda Caddaaladda ee Berbera. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah qorshayaashii guud ee xasilinta Soomaaliya, kuwaas oo lagu garwaaqsaday baahida loo qabo xoojinta ciidamada booliiska iyo adeegyadooda caddaaladda iyo xabsiyada. UNOPS ayaa ku caawineysa hadafkan dhismaha iyo dayactirka kaabayaasha hay’adaha sharciga iyo kala-dambeynta, waxaana laga maal-geliyay Barnaamijka Sharciga ee Multi-Partner Trust Fund.

 

https://link.medium.com/wPLDmPIi93

ROUNDUP UNSOM FEB 2020 som
 

GOLAHA AMMAANKA | Ergeygga Qaramada Midoobay James Swan ayaa warbixin kooban Golaha Ammaanka ka siiyay xaaladda Soomaaliya

Ergeyga Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan, James Swan, ayaa ka qaybgalay shirka Golaha Ammaanka ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Isagoo madashaasi ka hadlayay, wuxuu si ballaaran kaga xog warramay muwaadiic kala duwan oo xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada maaliyadda,, doorashooyinka, sharci-dajinta, ammaanka iyo siyaasadda. Sidoo kale mudane Swan waxa uu dulmaray guulaha la gaaray sida hormarka laga sameeyay arrinta deyn-cafinta Soomaaliya ayadoo lala shaqeynayo hay’adaha calaamiga ah ee maaliyadda, hal-beegyadii ugu muhiimsanaa ee dhowaan uu gaaray Baarlamaanka – gaar ahaan arrimaha la xiriira maamulka maaliyadda – meel-marinta heshiisyada muhiimka ah ee xuquuqda aadanaha ee la xiriira jirdilka iyo sida loola dhaqmayo barakacayaasha iyo kuwo kale. Isla markaasi, mudane Swan wuxuu tilmaamay baahida ay Soomaalida iyo saxiibadooda oo ay ku jirto Qaramada Midoobay u qabaan “in si isku duuban oo uu tanaasul ku jiro loo xaqiijiyo halbeegyada muhiimka u ah doorashooyinka 2020, ammaanka iyo xiriirka ka dhexeeya Xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka inaysan ka dib dhicin jadwalkii loogu talo galay.”

http://bit.ly/3a1SNYy 

ROUNDUP UNSOS FEB 2020 Som
 

DUULLIMAADYADA | UNSOS oo tababar u sameysay ardey Soomaaliyeed oo barta duullimaadka

Hay’adda UNSOS ayaa tababar u soo gabagabeysey kooxdii ugu horreysay oo ka kooban 20 arday oo ka tirsan Machadka Duulista ee Muqdisho, taas oo qayb ka ah horumarinta xirfadaha iyo karti-dhisidda adeegyada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan duulista hawada. Tababarkan, oo socday in ka badan laba bilood, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ka dhaca caasimadda Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa qeyb shaqo-barasho ah oo ay ardeydu ku barteen mowduucyo kala duwan sida; Qorsheynta Jadwalka Duulista Maalinlaha ah, Hawlaha Diyaaradaha, Maareynta Calaamadaha, Adeegyada Badbaadinta iyo Dab-damiska, Diyaaradda iyo Kormeerka, iyo sidoo kale Rukhsadda Shaqaalaha, iyo kuwo kale. Koox labaad ayaa sidoo kale tababarka billowday bishaan.

https://unsos.unmissions.org