Kulan ku aaddan ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha oo ka furmay Muqdisho

7 May 2018

Kulan ku aaddan ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho  – Kulan socon doono labo maalmood oo looga gol leeyahay in lagu dhiso iskaashi si loo soo afjaro ganacsiga aan habbooneyn, soo saarista iyo adeegsiga dhuxusha ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xilli ay mar kale soo badaneyso ka ganacsiga dhuxusha, kaas oo hoos u dhacay sanadihii 2015 iyo 2016-ka. Kooxda maleeshiyaadka ah ee Al-Shabaab ayaa lagu eedeynaya sare u kaca iyo fududeynta dhuxusha laga dhoofiyo Jubbaland, loona dhoofiyo waddamada Khaliijka.

Kulankan oo ay gacan ka geysanyaan Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay, Hay’adda QM u qaabilsan Deegaanka, iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay, waxaa uu isku keenay dad ku xeel dheer arrimaha deegaanka, mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda Qaramada Midoobay, iyo aqoonyahaanno, kuwaas oo ka arrinsan doonaa sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga dhuxusha iyo saameynta daran uu ku leeyahay xaaladda deegaanka Soomaaliya.

Ku Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, oo hadal jeediyay furitaanka shirka ayaa beesha caalamka ku boorriyay in ay gacan ka geystaan sidii loo yareyn lahaa ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha.

Mudane Mahdi ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay sanaddii 2012-kii ka codsatay Qaramada Midoobay in ay mamnuucdo ka ganacsiga dhuxusho si loo ilaaliyo deegaanka, isla markana loo afjaro isha ugu muhiimsan ee ay dhaqaale ka helaan kooxaha hubeysan.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an in yareyso isticmaalka dhuxusha, iyada oo xoogga saareyso ilaha tamarta ee waari kara si laga baxo halista ba’an ee ku soo wajahan deegaanka Soomaaliyeed ee haatanba xaalad xun ku sugan,” ayuu yiri Mudane Mahdi.

Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Arrimaha Samafalka ee Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa sheegay in soo saarista iyo isticmaalka dhuxusha ay saameyn daran u leeyihiin deegaanka Soomaaliya, amniga iyo dhaqaalaha, isla markana ay sii xoojinayaan dhibaatooyinka bani’aadinimo ee ka jira dalka.

“Inta u dhaxeysay 2011-kii iyo 2017-kii, 8.2 milyan oo geed ayaa la jaray si looga sameeyo dhuxul,” ayuu yiri Mudane de Clercq. “30 il-biriqsi walba, dalkan gudihiisa waxaa laga jaraa hal geed kaas oo loogu talagalay in laga sameeyo dhuxul.”

Mudane de Clercq ayaa ku qiyaasay in Al-Shabaab ay sanad waliba $10 milyan uga soo xarooto canshuurta ay saarto ganacsiga dhuxusha ee deegaannada ay ka taliso. Waxaa uu sidoo kale xusay in ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha uu horseedo abaaraha soo laab-laabta, fatahaadda, hab-nololeedka oo lagu waayo iyo sare u kaca cunno yarida.

Ku Xigeenka Ra’iisal Wasaaraha ayaa shir jaraa’id ku sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado il-tamareedyo ka beddelan kuwa hadda la isticmaalo si loo xoojiyo xayiraadda la saaray ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya.

“Ilaahay waxaa uu nagu manneystay tamarta cadceedda oo dabiici ah, waxaanu sidoo kale leennahay dabeyl lagu soo saari karo tamar cunno lagu kariyo, siyaabo kalena loo isticmaalo, iyo gaas-ka oo ka raqiisan,” ayuu raaciyay Mudane Mahdi.

Mudane de Clercq oo u warramayay wariyeyaasha, ayaa sheegay in safarradiisa kala duwan ee uu ku socday Soomaaliya, uu weli arkayay loorar badan oo dhuxul oo loogu talagalay in dalka laga dhoofiyo, taasi oo keentay walaac ah in ay sii xooganeyso boobka kheyraadka dabiiciga ah.

Agaasimaha laanta Afrika ee Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Deegaanka, Juliette Biao, ayaa sheegtay in ka ganacsiga dhuxusay uu jiray tani iyo xilligii guumeysiga, isla markana ay nolol-maalmeed ka helaan qoysas fara badan. Hase yeeshee, waxaa ay walaac ka muujisay in colaadaha hubeysan ee ka jira Soomaaliya ay sare u qaadeen ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha.

“Kulanka waxaa sidoo kale keeni doona xal sib al loo eego sidii joojinta soo saarista dhuxusha ay sidoo kale gacan ka geysan karto xoojinta xiriirka u dhaxeeya caafimaadka iyo deegaanka,” ayay tiri Marwo Biao.

Sida ay sheegtay QM, Imaaraadka Carabta, Baxrain, Kuwait, iyo Cumaan ayaa ka mid ah suuqyada ugu waaweyn ee dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya. Hay’addan caalamiga ah ayaa sheegtay in sidii la rabay aan loo hirgelinin mamnuuca la saaray dhuxusha sanadkii 2012-kii.