Xarunta IFIYE: Mannaaradda rajada ee dhaqanka iyo hal-abuurka fanka Soomaaliyeed

10 May 2018

Xarunta IFIYE: Mannaaradda rajada ee dhaqanka iyo hal-abuurka fanka Soomaaliyeed

Muqdisho – Markii uu Jaamacadda Soomaaliya ka dhiganayay heerka koowaab ee waxbarashada jaamacadda, Maxamed Cabdirisaaq Faarx ma aanuu heysan tashiilaad uu ku sameeyo cilmibaaris ama uu ku diyaariyo waajibaadka macallimiintu uga diraan dibadda Jaamacadda. Muddo sanooyin ah Caasimadda Soomaaliya kama jirin maktabad dadweyne, maadaama maktabaddii qaranku ay ku waxyeellowday dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Waxaan jeclayn inaan helno goob lagu horumariyo oo lagu daryeelo dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed" ayuu sheegay 26-sano-jirka ku dhashay Hargeysa. “Waxaan jecleyn inaan aqrino buugaagta ay qoreen aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo buugaagta ay qoreen ajinnabigu ee laga qoray Soomaaliya. Ka dibna fikradda ayaa nagu dhalatay: inaan abuurno masrax aan ku casuumno aqoonyahannada iyo xeeldheerayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay noola wadaagaan aqoontooda iyo khibradohooda."

Aragtida Xarunta IFIYE halkaas bey ka dhalatay, taasoo Faraax iyo darsin kale oo da'yar Soomaaliyeed ihi ay asaaseen 2013-kii. Iyadoo diiradda saareysa dhiirrigalinta dhaqanka aqriska iyo qoraalka, ayey xaruntu soo bandhigtaa buugaag ku saabsan taariikhada Soomaaliya, kuwa sheekooyin, cilmi, suugaan iyo riwaayado ah. Xaruntu waxaa ay qabataa doodo, aqris suugaameed, bandhig sawireed, muxaadarooyin iyo ciyaar dhaqameedyo, si loo hurumariyo fahamka da'yartu ay ka heystaan dhaqanka dalkooda.

Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad hadalka ku wanaagsan oo caan ku ah suugaantooda, dhaxal suugaameedka casriga ah ee Soomaalidu waxaa uu weli la xiriiraa asalkaas cod karnimada ah. Nidaamkii Jeneral Siyaad Barre ayaa soo bandhigay xarfaha laatiiniga ah ee luqadda rasmiga ah 1970-meeyadii isagoo bilaabay olole aqris-qoraal ah oo dalkoo dhan laga hirgaliyay kaasoo in ka badan 500,000 oo Soomaali ah lagu baray qoraalka iyo aqriska.

2013-kii ayaa xarunta IFIYE waxaa ay sameysay ololeheedii ugu horreeyay oo ka dhan ah jahliga kaasoo ay ka faa'iideysteen 470 caruur ah oo ku nool xeryaha barkacayaasha ee Muqdisho. Xarunta ayaa furtay maktabad dadweyne Juun 2016, iyadoo daahfurkeeda si diirran loo soo dhaweeyay "Waxaan soo bandhignaa suugaan Soomaaliyeed oo tayadeedu sarreyso," ayuu sheegay agaasimaha fulinta ee xaruntu. "Markaan bilawnay naadigeenna aqriska, tobon qof kaliya ayaa ka soo qaybgashay, haddese waxaa ka tirsan in ka badan 200 oo qof."

Bishii Diseembar 2017-kii ayaa xaruntu qabatay tartanka hal-abuurka qorista iyo sheekooyinka oo ay ka qayb-galeen ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare. Tartanka waxaa iska diiwaangaliyay 700 oo arday, iyadoo abaalmarintii koowaad la siiyay gabar da'yar ah oo ka timid Hargeysa taasoo heshay $1,000 oo abaalmarin lacageed ah.

Faarax ayaa qorsheynaya xaruma kale oo ay ka furaan meelo ka baxsan Muqdisho iyo iney sidoo kalana ballaariyaan ololaha aqris-qoraalka ee xarumaha maamul goboleedyada. "Soomaaliya waxaa ay u baahantahay xarumo aqris-qoraal iyo kuwo lagu daryeelo dhaqanka oo laga hirgaliyo tuulo, degmo iyo magaalo kasta." ayuu yiri. "Qorsheheenna muddada dheer waa inaan gaarno meelaha fog-fog ee dalka halkaasoo ololaha aqris-qoraalka loogu baahi badanyahay."