Kulan wadatashi ah oo ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacay Hirshabeelle

4 Mar 2020

Kulan wadatashi ah oo ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacay Hirshabeelle

Jowhar – Kulan wadatashi dadweyne ah oo sadex maalin socday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalda Jowhar, kaasoo ay ka qeybgalayaasha matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ay uga doodeen iskuna dhaafsadeen fikrado ku saabsan qodobo muhiim ah oo ku aadan dasuurka uu mustaqbalka yeelanayo dalkooda.

“Dastuurka, qeexitaan ahaan, waa heshiis bulsho. Waxaana lagu dhammayn doonaa kulamo wadatashi ah oo lala yeelanayo bulshada Soomaaliyeed” Wasiirka Arrimaha Dastuurks Hirshabeelle Sadiiq Mukhtaar Cabdulle, ayaa ka sheegay  furitaanka wadatashiga.

“Arrimaha siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha oo laga yaabo in ay idin quseeyaan ayaa ku jira Dastuurkaan. Waxaan rajeynayaa inaad wada hadallo qoto dheer ka yeelataan waxyaabaha ku jira iyo inaad fikradihiina u muujisaan si xor ah,” ayuu ku daray

Mawduucyada la gorfeeyay waxaa ku jiray awoodqeybsiga, federaalaynta, nidaamka maaliyadda, garsoorka, amniga qaranka iyo maqaamka maagalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ka qeybgalayaashana waxaa ay ka koobnaayeen dad matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada, oo isugu jira kooxaha bulshada rayidka, aqoonyahanno, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka, beeraleyda, dadka naafada ah iyo hoggaamiyaasha diinta.

“Dhalinyarada ayaa si firfircoon uga qeybqaatay doodaha. Dib u eegis ayaan ku sameenay qodobada Dastuurka, fikradeena ayaan ka dhiibanay oo ku saabsan arrimaha aan u aragno ineysan sax ahayn, isla markaana waxaan soojeedinnay waxa aan  isleenahay waa ay fiican yihiin,” Maxamed Maxamuud Cabdi, oo ah arday jaamacadeed oo kaqaybgalyaaashana ku jiray ayaa sidaas yiri. Waxa uu raaciyay in ay ahayd markii ugu horreysay ee uu isagu ka qaybgalo howl noocaan ah.

Soomaaliya waxa ay hadda dib-u-eegis ku sameyneysaa Dastuurkeeda, waana howl la soo billaabay 2018 oo ujeedkeedu yahay in lagu beddelo dastuurka qabyada ah ee la qaatay 2012. Waxa ay howshan dhacaysaa iyada oo loo diyaargaroobayo doorasho qof iyo cod ah oo la qorsheeyay in ay dalka ka qabsoonto 2020.

Mataaladda Haweenka

Xabiibo Maxamed Muudey oo mataleysa Ururka Haweenka magaalda Jowhar ayaa sheegtay in ololaha wacyigelinta dadweynaha uu ahaa fursad waqtigeedii ku soo beegantay oo ay haweenka deegaanku u Helen in ay dhiibtaan aragtidooda xilli ay u doodayaan metalaad caddaalad ah.

 “Arrimaha aan ka wadahadalnay waxaa ku jiray qoondada haweenka. Qoondada haweenka waa in ay si qayaxan loogu xusaa dastuurka. Waxaan doonaynaa in ay haweenku metalaad buuxda ku yeeshaan dhammaan hay’adaha dowladeed ee heer Federaal iyo heer maamulgobaleed. Waxaan muujinay aragtiyooyinkeenna ku qotoma arrintaan gaarka ah, waxaana rajaynaynaa in wax laga qaban doono,” ayaa ay tiri.

Agaasimaha Wacyigelinta Bulshada ee Wasaarada Arrimaha Dastuurka Dowladda Soomaaliya, Cabduqani Cali Aadan, ayaa sheegay in ololahan la gaarsiin doono dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya si loo hubiyo in tirade ugu badan ee dad ah ay helaan fursad ay waxkudarsi  ugu yeelan karaan hannaanka dib-u-eegista dastuurka.

“Kani waa olole ballaaran oo durbaba ka soo qabsoomay Banaadir iyo Koofurgalbeed. Dadka deegaanka ee Hirshabelle ayaa iyagana helay fursad ay aragtidooda ku dhiibtaan waxna ku biiriyaan howsha dib-u-eegista,” ayuu yiri Aadan oo intaas ku daray in wadatashiyo noocaan ah la filayo in ay ka dhacaan Puntiland, Jubaland iyo Galmudug.

Dhacdadan oo ahayd tii saddexaad oo ka qayb ah olole wacyigelin dadweyne oo dalka oo dhan loogu talogalay ayaa waxaa qabashadeeda iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (MoCA) iyo Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM). Ololaha waxaa loogu talogalay in lagu horumariyo hannaanka dib-u-eegista dastuurka dalka iyada oo loo marayo uruurinta soojeedinnada iyo aragtiyooyinka muwaadiniinta.