Cabdullahi Mire: Khibradda shaqsiyadeed iyo faa’iidooyinka waxbarashada ee qaxootiga

4 Mar 2020

Cabdullahi Mire: Khibradda shaqsiyadeed iyo faa’iidooyinka waxbarashada ee qaxootiga

Xirada qaxootiga ciriiriga badan ee Dhadhaab eek u taalla Waqooyi bari Kenya, waxaa ku nool dad ku dhow 220,000 oo u diiwaangashan qaxootinimo iyo magangaliyo doon. Badankood waxa ay ka yimaadeed Soomaaliya, iyadoo 56 boqolkii ay yihiin carruur.

Howlgallada halkaas ka socda waxaa iska kaashanaya Xafiiska Hay'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay (UNHCR), oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasha iyo taageeridda dowladda Kenya iyo bulshada maxaliga ah ee martida loo yahay, oo ilaa sodon sano ku dhowaad siisay dhammaan adeegyada asaasiga u ah qaxootiga - oo ay ku jirto waxbarashado.

Tirada ardayda dhigata dugsiga diyaarinta, dugsiga hoose iyo dugsiga sare waxay gaar kabadan yihiin 62,000.

Dhadhaab waxa ay leedahay 22 dugsi hoose, lix dugsi sare, afar xarumo tababar oo dhanka xirfadda ah, saddex xarumo akhris oo dadka waaweyn ah, iyo saddex maktabadood, iyo sidoo kale lix iskuul oo gaar loo leeyahay oo  manhajka Kenya dadka wax ku bara iyo dhowr dugsi oo dhanka  diinta ah.

In kasta oo ay calaamadaha horumar jiraan, haddana caqabado ayaa weli ka jira waxbarashada. Sida laga soo xigtay UNHCR, qaar ka mid ah iskuulada iyo macallimiinta ayaa shaqeeya laba gallin iyadoo hal koox oo carruur ahi ay aadaan dugsiga subaxnimadii, halka koox kalena ay timaaddo galabtii. La'aanta buugaagta qoraalka iyo qalabka waxbaristu  waxa ay hoos u dhac u keenaan ​​waxbarashda dugsiyada ku yaal xerooyinka. Waxaana jira  baahida xoogan oo loo qabo fasallo badan, miisas, buugaag wax lagu barto iyo macallimiin intaba.

Ardayda ay u suurtagashay inay dhammaystaan dugsiga sare, oo haddana awood u hela inay sii wataan waxbarashadooda aad ayey u yaryihiin.

Cabdullaahi Mire wuxuu ka mid yahay kuwa nasiib wanaagsan

Khibradda gacanta koowaad

Mire wuxuu ku dhashay koonfurta Soomaaliya 1987, Mudane. Mire wuxuu ku noolaa Dhadhaab 1990-meeyadii markii qoyskiisu ka carareen dagaallada dalka. 23 sano ayuu ku noolaa xerada qaxootiga wuxuuna ugu dambeym waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya, taas  oo uu ka qaatay shahaadada dibloomada ee saxaafadda iyo xiriirka dadweynaha sanadkii 2013.

Ka dib wuxuu uu la shaqeeyey Hay'adda Qaramada Midoobay ee Muhaajiriinta ee xafiisyadeeda Muqdisho iyo Baydhaba iyo Kismaayo. Shaqadiisu waxay salka ku haysay hub ka dhigis, abaabul iyo arrimaha dib u la qabsiga bulshada, oo ujeedkeedu ahaa in dagaalamayaasha laga soo dhex bixiyo kooxahooda lagana caawiyo sidii ayagoo rayid ah ay u dhex gali lahaayeen bulshada inteeda kale.

Waqtigaas, waxaan gartay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo looga faa’iideystay, aqoon la'aanta darteed, dhallinyaradan  waxaa lagu qalday fikradaha xagjirnimada ah. Haddii aadan wax akhrin karin, qof kale ayaa kuu akhrin doona. Maskaxda ayaa lagaa dhaqi doonaa. Arrimahaasina  waa kuwo ku dhacay dhallinyarada ku sugan goobahaas, ”ayuu yidhi Mudane. Mire.

Waqtigiisii uu ku soo koray Dhadhaab iyo khibradda shaqo ee xigtay waxa ay ku sii hoggaamiyeen muhiimadda waxbarashada - ilaa markii dambe uu go'aansaday inuu naftiisa u hibeeyo sidii uu uga caawin lahaa bulshada u baahan waxbarashada. Horraantii 201 8, wuxuu bilaabay urur la yiraahdo Refugee Youth Education Hub (RYEH), kaasoo leh labo shaqaale oo rasmi ah iyo mutadawiciin ah isla markaana diiradda saaraya waxbarashada qaxootiga iyo horumarinta dhallinyarada.

“Waxaan rabaa in aan wax ka beddelo nolosha carruurta qaxootiga ah iyo dhallinyarada ku nool Dhadhaab. Sida kaliya ee taa lagu sameyn karo waa iyada oo loo maro waxbarashada. Haddii aad siiso waxbarasho tayo leh carruurtan ama dhallinyarada, noloshooda ayaa hagaageysa,”ayuu yirii.  “Bulshooyinka in ay horumar gaaraan, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya labaatan sano oo colaado ah, waxbarashadu waa in ay noqotaa mid mudnaanta la siiyo. Waxaan u maleynayaa inay tahay umulisada nabadda iyo xasilloonida, haddii aysan ka badneyn.”

Xeradan waxaay soo saartey aqoonyahanno - arday qiimo leh oo loo ogolaaday jaamacadaha Ivy League ee dalka Mareykanka, sida jaamacadda Princeton, iyo sidoo kale jaamacadaha Kanada. Waxay kaloo soo saartay suxufiyiin aad u fiican, macallimiin, qoraayaal iyo xirfadlayaal kale,” ayuu yiri. "Markii la siiyo fursado la mid ah kuwa kale, Da'da yarta Dhadhaab waxay wax badan ku biirin karaan dib u dhiska dalkooda."

Sida ku xusan warbixinta UNHCR ee 2019 - Waxbarashada Qaxootiga ee Qalalaasaha'- sida carruurta qaxootiga ah ee sii koraya, caqabadaha ka hor istaagaya inay galaangal u helaan waxbarashada adduunka oo dhan waxa ay sii noqoneysaa mid ay sii adkaaneyso in laga guuleysto : keliya 63 boqolkiiba carruurta qaxootiga ah ayaa aada dugsiga hoose, marka la barbar dhigo ilaa 91 boqolkiiba adduunka. Dunida oo dhan, boqolkiiba 84 dhallinyarada waxay helaan waxbarasho dugsi sare, halka boqolkiiba 24 qaxootiga ay fursad u helaan waxbarashadaas.

Buugaagta Dhadhaab

Howl cusub oo ay fuliso RYEH ayaa ah ‘Dadaab Book Drive,’ oo loogu talagalay in lagu siiyo dadka deggan Dhadhaab, gaar ahaan ardayda qalab wax waxbarasho, Kii ugu horreeyay waxaa la qabtay bishii Maarso 2019.

“Daadab Book Drive wuxuu ahaa olole ballaaran oo indhahooda loogu soo jeedinayey qurbojoogta iyo ururada caalamiga ah,  sidii loogu deeqi lahaa buugaag iskuulada ku yaalla Dhaadhaab. Waxay ahayd dadaal lagu guuleystay, ”ayuu yiri Mire. “Waa arrin deeqsinimo ah in carruurtan arrintaas loo sameeyo.

In ka badan 20,000 oo buugaag ayaa loogu deeqay '' 'Dadaab Book Drive' 'sannadkii 2019, kuwaas oo ay bixiyeen hay'adda samafal oo lagu magacaabo' Book For Africa '. Safaaradda Qatar ee Kenya iyo UNHCR oo aheyddeeq-bixiyeyaasha ugu waaweyn ee buugaagta. Mire wuxuu rajeynayaa in dhacdadani ay noqon doonto mid la joogteeyo.

“Tirada ardayda ayaa  sii kordhi doonta iskuuladan. Maxay tani ka dhigan tahay? Dhammaantood waxay u baahan yihiin buugaag. Bal eeg buug ay wadaagayaan 10 arday - taasina waa sababta Dhallin-yarada ah  Qaxoontiga ah (Refugee Youth Education Hub)  u sii wadaan u doodista xuquuqda ardaydaas oo ay  ku dhiirrigeliyaan  ururrada caalamiga ah, shirkadaha iyo shaqsiyaadka si wanaagsan u jecel inay naga caawiyaan sidii aan u heli lahayn buugaag badan intii aan kari karno si aan u awoodno saamiga mid ka mid ah, ”ayuu yiri.

Buugaagtii lagu deeqay, Mudane. Mire wuxuu dhisayaa maktabad guud oo ku taallla xerada Dhadhaab. Maktabaddu hadda waxaa ku socda dhismo.

“Maktabadda guud waxay dabooli doonta haraadka aqoonta Dhallinta Dhadhaab. Waxay u noqon doontaa meel ay leeyihiin oo ay shaqadooda waxbarasho ku qabsadaan. Waxaan rajeynayaa inay horumarin doonaan dhaqanka akhriska, ”ayuu yiri.

Yoolalka xilliga fog

Si kastaba, hamiga Mudane. Mire waa in shaqadiisu ka gudubto Dhadhaab oo ay gaarto dalkiisa hooyo.

"Qorshahayga ugu dambeeya waa in aan arrinkan ku ballaariyaa Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka sida Kismaayo, Baydhabo, Garoowe iyo kuwa kale si dhaqso ah," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in uu ogyahay in aysan fududaan doonin laakiin isagu uu go’aankaas gaaray.

Iyadoo ay ku sii  socoto  dariiqa  nabadda iyo xasilloonida kaddib tobanaan sano oo colaado ah, Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo ku qotoma dhanka dib-u-dhiska nidaamkeedii waxbarasho, iyada  soo-bandhigtay manhaj mideysan oo loogu talagalay iskuulada hoose iyo kuwa sare iyo nidaam imtixaan oo halbeeg leh.

Si kastaba ha noqotee, caqabado ayaa wali jira. Sida laga soo xigtay Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Carruurta (UNICEF). Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu hooseeya ee isqorista adduunka ee carruurta da'da dugsiga ku jira - keliya 30 boqolkiiba carruurta ayaa ku jira dugsiga halka 40 boqolkiiba oo keliya ay yihiin gabdho. Intaa waxaa sii dheer, keliya 18 boqolkiiba carruurta qoysaska reer miyiga ah ayaa dhigta Iskuul.

Intaa waxaa u dheer, heerar aad u sarreeya oo faqri ah oo ka jira bulshooyinka ku baahsan Soomaaliya oo dhan, taas oo waalidiinta ku sababtay inay bixin waayaan khidmadaha iskuulada. Meelo badan, waalidiinta waxaa looga baahan yahay inay bixiyaan lacagta  waxbarashdsa carruurtooda saboolnimaduna waa sababta ugu weyn ee keenta inaysan carruurtooda u dirin dugsiyada.