Kulanka Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya

Participants in the opening session of a three-day colloquium on peace and reconciliation pose for a group photo in Mogadishu on 11-13 February 2018. The event was co-hosted by the Federal Government of Somalia, UNSOM and the Government of Norway. 

25 Feb 2018

Kulanka Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya

Dhowr aqoonyahaanno, khabiirro, cilmi-baareyaal oo isugu jira kuwo Soomaaliya iyo kuwo caalami ahba ayaa dhowaan ku kulmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si ay uga wada-hadlaan arrimo la xiriiro sidii Soomaaliya loogu horumarin lahaa nabad iyo dib u heshiisiin qaran.

Waxaa ay ka qaybgalayeen kulanka loogu magac-daray ‘Kulanka Nabadda iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya’ oo ay si wadajir ah u qaban-qaabiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladda Norway iyo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), waxaana ay uga gol lahaayeen in lagu yagleelo hay’ad cilmi baaris ah oo xoojin doonta dadaallada la wado ee ku aaddan ka hortagga colaadaha iyo hirgelinta dib u heshiisiin, kuwaas oo inta badan loo arko kuwo shuruudo u ah in ay Soomaaliya hesho xasillooni waarta.

Kulanka kaddib, qaarkood ayaa waxaa la weydiiyay aragtiidooda ku aaddan arrimaha ay u arkaan in ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan in ay nabad iyo dib u heshiisiin ka hirgelaan dalka.