Kulanki Madasha Iskaashiga Heerka-Sare ee Istanbul waxaa diiradda lagu saaray dhalinyarada Soomaaliyeed

23 Feb 2016

Kulanki Madasha Iskaashiga Heerka-Sare ee Istanbul waxaa diiradda lagu saaray dhalinyarada Soomaaliyeed

Istanbul – WAR-SAXAAFADEED 05/2016

Shir heerkiisu sarreeyo oo diiradda lagu saarayay himilooyinka iyo caqabadaha hortaagan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa la qabtay maalinti koowaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF). Waxaa hal-kudhig looga dhigay ‘Maal-gelinta Dhalinyarada Soomaaliyeed,’ waxaana wadajir u shir-guddoomiyay Wasaaradda isboortiga iyo Dhalinyarada ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay waxaana shirka furay Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu garowsaday in shaqo la’aanta haysata dhalinyarada “ayna su’aal ka taagnayn inay tahay caqabadda ugu daran ee ku hor gudboon wadada ay Soomaaliya u marayso xasiloonida iyo soo kabashada dhaqaale.” Wuxuu tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay soo mareen tobaneeyo sano oo qalalaaso, colaado hubaysan iyo xasilooni la’aan ah, waana nasiib darro in goobaha waxbarasho ee ay hasytaan iyo shaqooyinka joogtada ah ay yihiin kuwo kooban. 

Intii kulanku socday, ayaa Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasa, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigay arrimaha sida garka ah mudnaanta ugu leh Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada, taas oo hadda gabagabo maraysa. “Siyaasadda Qaran ee Dhalinyaradu waa tallaab muhiim ah oo lagu awood-siinayo dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxay ka hagi doontaa dowladda iyo saaxiibada caalamka sidi ay jawaab dhamaystiran oo dhinacyo badan uga bixin lahaayeen caqabadaha haysta dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri wasiirka.  

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku hakaday shirka si uu u muujiyo taageerada uu u hayo Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada. “Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul kayihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in dhalinyaradu yihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ku-xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson ayaa Dowladda Turkiga uga mahad celiyay marti-gelinta ay marti-gelisay Madasha HLPF wuxuuna sii adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka qayb noqdaan dhamaan heerarka ay ka koobantahay dowladda ka jirta dalka.

Mudane. Eliasson wuxuu sii adkeeyay ballan qaadka Qaramada Midoobay ee ah la-shaqaynta iyo u shaqaynta da’yarta, wuxuuna, isagoo ka faa’iidaysanaya fursadda, ku dhawaaqay istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ugu talo gashay dhalinyarada ku sugan Soomaaliya, taas oo diiradda lagu saarayo lix meelood: shaqo-abuurid iyo ganacsi, waxbarashada, xuquuqul insaanka iyo hagaajinta arrimaha bulshada, siyaasadda iyo ka-qaybgalka, caafimaadka iyo nabadaynta.

“Waxaa la gaaray waqtigi ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku naaloon lahaayeen fursadaha iyo xoriyaadka, kuwaa oo ah xuquuq uu qof kasta la dhasho,” ayuu yuri Ku-xigeenka Xoghayaha-Guud Eliasson. “Adinka, dhalinyaradiina waxaad tihiin udub dhexaadki rajada iyo nabadda Soomaaliya, hal-abuurkiina iyo firfircoonidiina ganacsi waxay noqon karaan awooddi lagu gaari lahaa soo kabashada dalka.”