La-taliyaha khaaska ah: Si dadka barakacayaasha ah loogu helo xal waara, waxaa loo baahan yahay in loo wajaho dhinacyada bani’aadinimo, horimarineed iyo nabad

31 Aug 2017

La-taliyaha khaaska ah: Si dadka barakacayaasha ah loogu helo xal waara, waxaa loo baahan yahay in loo wajaho dhinacyada bani’aadinimo, horimarineed iyo nabad

Muqdisho – Xilli uu booqasho toddobaad ah ku yimid Soomaaliya ayaa la-la taliyaha sare ee Qaramada Midoobay ee dhinaca barakacayaasha waxaa uu ku baaqay in waddanka laga unko qaab-dhismeed wax ku ool ah iyo xal waara kaasi oo la kaashanaya hoggaan dowladeed ee xooggan iyo maalgelin dhowr sano ah, u horseedi kara barakacayaasha iyo bulshada deegaanka in ay helaan hab-nololeed waari kara iyo nolol wanaagsan.

Walter Kälin, La-taliyaha Khaaska ah ee Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Iskuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya dhinaca ayaa asaasay Barnaamijka Xalka Waara, wuxuuna sidoo kale ku howlan yahay sidii barnaamijkan loogu dari lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Soomaliya

Barfasoor Kälin oo sidoo kale mar aan fogayn ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Xuquuqul Insaanka Barakacayaasha ayaa booqasho ku tagay Kismaayo, caasimadda Maamul goboleedka Jubbaland, Dollow oo ah magaalo yar oo ku taala gobolka Geddo oo xad la leh Itoobiya, Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa uu la-taliyaha khaaska ah Kismayo kula kulmay wufuud ka tirsan madaxda sarsare ee maamulka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Koowaad ee Jubbaland Maxamuud Siyaad Aadan. Wada hadalku waxaa uu ku saabsanaa sidii waaxyada kala duwan ay iskaga kaashan lahaayeen xal u helidda barakacayaasha iyo bulshada ay saameeyeen iyo sidoo kale arrimaha nabad gelyada dhulka, ilaalinta iyo horumarinta magaalooyinka.

“Ujeeddada booqashada aan ku imid Kismaayo waa in aan kala xaajoodo maamulka Jubbaland arrimo ku saabsan daloolaha iyo fursadaha lagu heli karo xal waara. Dowladda waxa ay qoondeysay dhul la dajiyo dadka barakacaayasha ah, kaas oo ah mid dhiiro-gelin leh, hase yeeshee waxaa loo baahan yahay dadaallo kale oo dheeraad ah si loogu abuuro dadka barakacayaasha ah hab nololeed waari kara una keenaya in adeegyada ay u soo dhowaadaan. Kismaayo waa magaalo aad u shidan dhaqaalahana uu kobcayo. Waxaan u baahannahay in aan fududeyno dib isku dhexgalka dhinaca bulshada iyo dhaqaalaha ee dadka barakacayaasha ah si ay kaalin ka geystaan horumarka dhaqaalaha ee magaaladooda,” ayuu yiri Prof. Kälin

Prof. Kälin sidoo kale waxa uu booqday Haanta Dheer ee ay degeen dadka barakacayaasha ah, halkaas oo dhowr hay’adaha Qaramada Midoobay ka mid ah iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ay ka dhiseen guryo iyo musqullo. Intii lagu guda jiray booqashada, Prof. Kälin waxa uu ka qayb-qaatay howsha u qeybinta barakacayaasha feynuusyo ku shaqeeya ileyska qorraxda waxaana warbixin laga siyaaya shirarka wada-tashiga bulshada ee soo socda, kuwaas oo u hor-dhac u ah diyaarinta qorshaha horumarinta deegaanka.

Magaalada Doolowna, La taliyaha khaaska waxa uu booqday dhowr mashaariic oo ku saabsan dhisitaanka soo kabsashada dadka barakacayaasha, oo ay ka mid yihiin mashruuca beeraha oo loogu abuuray dadka barakacayaasha duleedka magaalada Doolow laguna saleeyay mashruuca waraabinta habka quwadda qorraxda, suuqa soo kabsashada, mashruuca xanaaneynta digaagta, habka daweynta biyaha la cabo iyo dhismaha guryada joogtada ah. Sidoo kale waxa uu soo kormeeray xaaladaha adag oo ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah kuwaas oo soo gaaray dhowaan halkaas sababo la xiriira abaaraha.

Magaalada Baydhabom Prof. Kälin waxa uu kulan kula yeeshay wafdi heer sare oo ka ka kooban madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayay Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha Maxamed Xasan Fiqi. Asaga oo u waramaya warbaahinta kulankaas kaddib, Mudane Fiqi waxa uu sheegay in wada-xaajoodka diiradda lagu saaray wax ka qabadka dhinaca bani’aadinimada iyo dhinaca horumarinta ee loo baahan yahay si loo taageero qoysaska doonaya in ay dib ugu laabtaan deegaannadooda miyiga ah iyo sidoo kale mashaariicda loogu fududeynayo is-dhexgalka dadka barakacayaasha ah ee doonaya in ay degaan Baydhabo.

“Waxaa jira qaybo kala duwan ee dadka barakacayaasha ah, kuwa mar hore halkaan yimid, iyo kuwo dhowaan ay abaarta soo barakicisay. Kaalmada bani’aadinimada darted, waxaan aan awood u yeelannay in aan badbaadinno nolosha, hase yeeshee, mustaqbalka fog marka laga hadlaayo, waxaan u baahannahay in aan u jeedsano dhanka horumarinta si aan ku caawinno barakacayaasha in ay noqdaan dad wax soo saar leh oo naftooda ku filan.” Prof. Kälin ayaa sidaa yiri.

Xilliga uu joogay magaalada Baydhabo, khabiirkan ku takhasusay arrimaha barakaca ayaa booqasho ku tagay labo xero barakacayaal waxaana uu wada hadal la galay kooxo ka mid ah dad horay u barakacay kuwaas oo si wadajir ah u iibsaday dhul si ay degaan.

Gabagabada booqashadiida Prof. Kälin waxaa uu ka qaybgalay kulanka Madasha Qaran ee Xal u helidda Baracayaasha iyo Qaxootiga oo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya. Prof. Kälin ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku amaanay juhdiga dhinaca siyaasadeed ay ku bixineyso wax ka qabashada arrimaha barakaca iyo xal u helliddeeda, iyo sidoo in ay Qorshaha Horumarinta Qaranka ay ku darto arrimaha barakaca iyo xal u heliddooda.

 “Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka kaliya ee dunida ka mid ah ee xal u helidda barakacayaasha ku dartay waxyaabaha mudnaanta ee dhinaca horumarinta. Inkastoo kaalmo bani’aadinimo ay laga maarmaan tahay marka laga hadlaayo badbaadinta nolosha dadka iyo caawinaad degdeg ah, balse ma ahan xaal waara. Si loo gaaro hadafkaasi, waxaa loo baahan yahay in loo wajaho dhinacyada bani’aadinimo, dhinaca horumarinta, nabadda iyo dhisidda dalka, Qorshaha Horumarinta Qarankana waxaa uu sal laga duulo.”

Tani waxaa ay ahayd booqashada seddaxaad ee uu Prof. Kälin ku yimid Soomaaliya uuna dhowr xero oo barakacayaasha ah gaaray. Prof. Kälin waxaa uu kaalin lixaad leh ka ciyaaray daahfurka Barnaamijka Xal Waara ee Soomaaliya, waxaa uu si xooggan ugu ol’ololeeya habka xal waara oo ay ka mid yihiin in la taageero qaxootiga dib u soo laabanaya iyo dib isuu dhexgalka, waxaana uu ka hadlaya dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshada soo dhaweeya barakacayaasha iyo qaxootiga dhib u soo laabanaya. Prof. Kälin ayaa kulan uu la maanta la yeelan doona beesha caalamka u bandhigi doona waxyaabaha u soo arkay