Gabadh saxafi ah oo da’yar oo awoodda warbaahinta u adeegsataa u ol’loleynta nabadda ee Soomaaliya

previous next
28 Aug 2017

Gabadh saxafi ah oo da’yar oo awoodda warbaahinta u adeegsataa u ol’loleynta nabadda ee Soomaaliya

Leyla Cusmaan Maxamuud waxaa ay si diiran uga hadashaa dowrka ay warbaahinta ku leedahay nabadaynta Soomaaliya. Hadal kaliya ma ahe Leyla tallaabooyin wax ku ool ayay qaadaa.

“Waxaa aan mar walbo jeclahay in aan qayb ka noqdo isbeddelka nabadda si jiilalka mustaqbalka nolol teyda ka fiican ugu noolaadaan,” ayay weriyahani da’da yar tiri iyadoo intaa ku dartay in ay dhowr mar dhimasho qarka u istaagtay iyadoo hawlo shaqo ku maqan.

Leyla waxaa ay u soo joogtay dhibaatooyinka shacabka aan waxbo  galabsanin ka soo gaartay dagaalkii sokeeye, taasi ayaa ku sababtay Leyla in ay wariye ka noqoto raadiyo.

“Mararka qaar anigoo soo tebinaya ayaan is arkaa anigoo bartamaha xabadda dhex taagan. Saaxibkeyga ayaa mar lagu dilay horteyda. Waxaa ay ahayd dhacdo aad u xanuun banan oo aad ii saamaysay,” Leyla ayaa xasuusato sidaa.

Mar kale ayay weriyahani da’da yar ka badbaaday dhimasho kadib markii madaafiic lala beegsaday guri ay ku jirtay iyadoo nolosha soo tebineysa Muqdisho. “Dad badan oo tebinta toos u dhagaysanayey waxaa ay moodayeen in aan dhintay,” ayay tiri.

Labadaasi dhacdo ayaa cibro qaadasho ugu filnayd Leyla si ay iskaga dhaafto wariyenimo balse waxaa ay go’aansatay in ay sii wado oo ay awoodda warbaahinta u isticmaasho u ololaynta nabadda. Leyla oo hadda Goobjoog oo ah warbaahinta ugu waaweyn ka ah soo saare, soo jeediye iyo war-akhriye, waxaa ka go’an in ay la dagaalanto waxyaabaha sababa colaadaha iyo dagaallada waddankeeda ka jira. “Soomaaliya waqti badan ayay colaad ku soo jirtay, warbaahintana khasab ah in ay si buuxda u gutaan dowrkooda ah dhisidda nabadda.

Leyla waxaa fikirkeeda la qabaa wariyeyaasha kale. Yuusuf Xasan oo saxafi rug-caddaa ah, waxa uu leeyahay in warbaahinta door weyn ka cayaari karto nabadda ayada oo u baahineysa dadweynaha macluumaad sax ah kuwaasi oo ku aadan arimaha ayaga khuseeya. “Haddii warbaahinta ay baahiso warar run ah oo kaliya – taasi waa tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka nabada,” Yuusuf baa intaa raaciyay. Maxamed Ibraahim Mucalimu, oo ahXog-hayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku daray:  “Warbaahintu waa meel  oo lagu sameyn karo wada-hadal si loo helo nabad.

Leyla ayaa sheegtay in uu qofka talefiishannada iyo idaacadaha caan ka noqdo waa wax shakhsiga farxad geliya, balse waxaa ay leedahay khasaaraheeda maadaama dalka loo aqoonsan yahay meelaha ugu halista badan ee saxafi ka shaqeeyo.

“Waa ay cabsi badan tahay markii aad saxafi ka tahay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Aniga banaanka ma aadi karo aniga oo wajiga gabi ahaan aan ku daboolin xijaab,” ayada tiri ayada oo rajo ka muujisay in shaqada ay qabaneyso aysan noqon doonin mid lagu khasaaray.

Leyla waxa ay si adag u aaminsan tahay haweenka saxafiyiinta ah ee Soomaaliya in ay ka qaadan karaan kaalin weyn horumarinta nabadda iyo amniga, maadaama ay si fudud dadka wax uga dhaadhicin karaan.