Laanta Haweenka ee QM iyo Ifrah Foundation oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagula dagaallamayo Gudniinka gabdhaha ee gabdhaha

previous next
1 Dec 2021

Laanta Haweenka ee QM iyo Ifrah Foundation oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagula dagaallamayo Gudniinka gabdhaha ee gabdhaha

Muqdisho - Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dhawaan iskaashi la yeelatay mid ka mid ah hormuudka hay’adaha aan dowliga ahayn ee Soomaaliyeed si la-dagaalanka gudniinka gabdhaha looga dardargeliyo laba ka mid ah Maamul-goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

"Heshiiskan iskaashi ee aanu la saxiixannay Ifrah Foundation wuxuu bixin doonaa fursado dheeraad ah oo dhanka waxqabadyada heerka bulsho ah iyo iskaashi lala yeesho saamilayda muhiimka ah, oo ay ku jiraan odayaasha qabaa'ilka, hoggaamiyeyaasha haweenka iyo dhalinyarada, si loo sameeyo barnaamijyo saameyn leh," ayuu yiri Maareeyaha Barnaamijka UN Women ugu qaybsan dalka Soomaaliya , Sadiiq Syed, oo ka hadlay xafladda saxiixa Ifrah Foundation.

"Guud ahaan taageerada gudniinka gabdhahai waa ay sii yaraanaysaa, waxaana jira calaamado wanaagsan oo muujinaya isbeddello dhanka jiilka ah ee hab-dhaqankan, kuwaas oo u baahan in la sii kobciyo si loo joojiyo gudniinka gabdhaha," Mudane Syed ayuu ku daray.

Ifraax Axmed oo ah aasaasaha iyo agaasimaha guud ee hay’adda Ifraax Foundation oo ka hadashay saxiixii heshiiskan oo ku beegnaa 23-kii Oktoobar 2021 kana dhacay magaalada Muqdisho ayaa tilmaantay in iskaashigani uu gacan ka geysan doono sidii loo gaari lahaa bulshada islamarkaana iskaashi loola samayn lahaa odayaasha beelaha, culumaa’udiinka, haweenka, ragga iyo dhalinyarada si ay wada jir ah ugu ololeeyaan ka hortagga gudniinka gabdhaha ah ee ka jira Maamul-goboleedyada Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Qof wax guda oo dadka tusinaya sakiinta loo isticmaalo habka Gudniinka gabdhaha | Sawirka: UNFPA 

Hab-samaynta gudniinka gabdhaha waa in qayb ahaan ama gebi ahaanba la jaro xubnaha xasaasiga ah ee taranka haweenka ama dhaawacyo kale loo geysto xubnaha taranka haweenka.

Sida laga soo xigtay Sanduuqa Dadweynaha ee Qaramada Midoobay (UNFPA), Soomaaliya ayaa heerka ugu sarreeya ka joogta gudniinka gabdhaha, iyadoo lagu qiyaasayo in 98% la gudo ama lagu sameeyay habraacan dhammaan haweenka iyo gabdhaha ay da'doodu u dhaxayso 15 ilaa 49-jir. Gudniinka gabdhaha wuxuu saameyn xun ku yeelan karaa caafimaadka jireed, bulsho & maskaxeed ee kuwa lagu sameeyo caadadan, taasoo leh cawaaqib degdeg ah iyo mid nolosha oo dhan qofka la socota.

Gaaritaanka Yoolasha Horumarka Waara SDGs 

Md. Syed ayaa waxa uu hadalkiisa ku xusay in joojinta gudniinka gabdhaha iyo dhaqamada kale ee waxyeellada lihiba ay fure u yihiin horumarinta guud ahaan sinnaanta jinsiga oo shardi u ah in la gaaro Yoolasha Horumarka Waara (SDGs) marka la gaaro 2030-ka.
 
Yoolashu waa baaq caalami ah oo ku wajahan joojinta faqriga, ilaalinta dhulka iyo hagaajinta nolosha iyo rajada qof kasta meel kastaba ha joogee, waxaana ansixiyay dhammaan wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay 2015-kii, taas oo qayb ka ah Ajendaha 2030-ka, oo loo dejiyey qorshe 15 sanadood ah si looga jibo keeno SDGs.

Ifrah Ahmed, Aasaasaha iyo Agaasimaha fulineed ee Ifrah Foundation iyo Dr Sadiq Syed, Madaxa Barnaamijyada Dalka ee UN Women Somalia, ayaa saxiixay heshiiska.

Iskaashiga u dhexeeya Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ifrah Foundation ayaa qayb ka ah barnaamijka Hoggaaminta, Awoodgelinta, Helitaanka iyo Ilaalinta Haweenka ee Soomaaliya (LEAP), kaas oo ay maalgelinayso Dowladda Japan, islamarkaana lagu doonayo in lagu horumariyo xasilinta wax ka qabashada arrimaha jinsiga iyo soo kabashada haweenka barakacayaasha ah ee ay colaaduhu saameeyeen ee rag iyo haween ku sugan magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Jubbaland iyo magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Iyada oo loo marayo iskaashiga UN Women - Ifrah Foundation, kooxda mashruuca LEAP waxay qabanqaabin doonaan dhacdooyin ama waqcado taxane ah oo ay ku jiraan kulammo wada-hadal bulsho ah oo loo dhan yahay oo joogto ah oo ay bulshadu hoggaamiso si looga hortago caadooyinkan xunxun, loogana taageero bulshada sidii loo horumarin lahaa loona hirgelin lahaa qorshe-hawleed ay bulshadu hoggaaminayso oo ka dhan ah Gudniinka gabdhaha iyo Galmada Rabshadaha ku saleysan jinsiga (SGBV) oo ay ku xigto ku dhawaaqida ballanqaadyo ku aaddan inaan loo dulqaadan karin caadooyinka bulshada ee taban.
Munaasabad dadweyne ayaa sidoo kale la qabanqaabin doonaa, halkaas oo ay kaqeybgalayaashu ku ballanqaadi doonaan olole ku saabsan in aan la gudi doonin gabadhooda.

Iskaashigani wuxuu kaloo gacan ka geysan doonaa in la xusho lana tababaro 60 hoggaamiyeyaal rasmi ah, oo ka kooban dhaqanka iyo diinta si ay u noqdaan hoggaamiyeyaal waxqabad si loo yareeyo gudniinka gabdhaha iyo SGBV, sidoo kale waxay xulan doontaa 60 haween, rag, dhallinyaro, gabdho iyo wiilalnba ka kooban si ay u noqdaan horyaallo hormuud u noqda dedaallada u doodista ka dhanka ah gudniinka gabdhaha iyo SGBV.
Mashruucu waxa kale oo uu dhisi doonaa xiriirro leh wax la mid ah hindisayaasha socda oo kor u qaadi doona ololayn ay ka qayb qaadanayso warbaahin fara badan iyo hawlo wacyigelineed oo dhanka bulshada ah oo lagu beegsanayo 25,000 oo haween, rag, wiilal iyo gabdhaaba ah si wax looga qabto caadooyinka bulshada ee xun iyo dabeecadaha taageeraya sinnaan la'aanta jinsiga iyada oo kor loo qaadayo doorka ragga iyo wiilasha u ololaynaya Sinnaanta Jinsiga iyo Awood-siinta Haweenka iyo Gabdhaha.

La shaqaynta dawladaha, iyo inta badan iyada oo si dhow ula shaqaynaysa ururrada bulshada maxalliga ah, Qaramada Midoobay - iyada oo loo marayo UNFPA, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) oo ay wehlinayso hay’adda UN Women - waxay si firfircoon ugu ololaynaysaa ciribtirka gudniinka gabdhaha.

In ka badan 200 milyan oo gabdho iyo haween ah oo adduunka oo dhan ku dhaqan ayaa la kulmay gudniinka gabdhaha. Sida laga soo xigtay laba hay'adood oo Qaramada Midoobay ah, 25 waddan ayaa si caadi ah looga dhaqmaa gudniinka gabdhaha, xogtana waa la heli karaa, qiyaastii 68 milyan oo gabdhood ayaa la gudi doonaa inta u dhaxaysa 2015-ka ilaa 2030-ka, haddii aan tallaabo wadajir ah oo degdeg ah la qaadin