Maalinta Caalamiga ah awgeed, ayaa Ergeyga QM wuxuu iftiimiyay ahmiyadda gaarka ah ee demoqoraadiyadda u leedahay is-bedelka Soomaaliya

15 Sep 2019

Maalinta Caalamiga ah awgeed, ayaa Ergeyga QM wuxuu iftiimiyay ahmiyadda gaarka ah ee demoqoraadiyadda u leedahay is-bedelka Soomaaliya

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Demoqoraadiyadda awgeed, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta iftiimiyay muhiimadda gaarka ah ee [Demoqoraadiyaddu] u leedahay dalka oo isku diyaarinayo doorashooyin taariikhi ah oo ‘qof-iyo-cod’ ah.
 
“Maanta waxay ka dhigantahay fursad lagu adkeeyo in demoqoraadiyaddu tahay arrin ku saabsan dadka, laguna boorriyo dhamaan dowladaha inay ixtiraamaan xuquuqda muwaadiniintooda ee xaqa u leh inay si xor ah uga qaybqaataan soo xulidda hogaamiyeyaalkooda iyo go’aan ka gaarista arrimaha qaran ee muhiimka ah,” ayuu yiri, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
 
“Waxaan rajeynaynaa in qaybo baaxad ballaaran oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ka qayb-geli karaan nolosha siyaasadeed ee Soomaaliya iyagoo u maraya geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka ee hadda socdo iyo doorashooyinka ‘qof-iyo-cod’ ah ee qorsheysan saddexda bilood ee u dambeysa sanadka 2020,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah.
 
Isagoo ay wehliyaan qaybaha kaladuwan ee bahda QM, ayaa Hawlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliy (UNSOM), oo uu madaxda ka yahay Md. Swan, wuxuu taageero u fidinayaa Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ee dalka, kaas oo u xil-saaran hirgelinta doorashooyinka 2020. 
 
Iyadoo dadaalladaas la wado, ayaa UNSOM waxay hoosta ka xarriqaysaa baahida GMDQ u qabo taageero aan kala-go’ lahayn [joogto ah] oo uu ka helo hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale dadka Soomaaliyeed, laguna taageero gudashada hawshan oo saldhig u noqon doonta xoojinta guulaha Soomaaliya ay ka gaartay is-bedelada demoqoraadiyadeed.
 
Maalinta Caalamiga ah ee Demoqoraadiyadda oo loo dabaal-dego sanad kasta 15ka September, ayaa ka dhigan fursad dib loogu eego xaaladda demoqoraadiyadeed ee dunida. Hal-kudigga dabaal-degga sanadkan waa ‘Ka-qaybgal,’ iyadoo diiradda lagu saarayo in la is-xasuusiyo in demoqoraadiyadda asaaskeedu yahay u-wada-dhamaansho, ula-dhaqmid iyo ka-qaybgal loo siman yahay, ayna tahay asaaska nabadda, horumarka waara iyo xuquuqul insaanka.