Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka oo ku baaqay in dhaqaale joogto ah la siiyo Soomaaliya

14 Sep 2019

Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka oo ku baaqay in dhaqaale joogto ah la siiyo Soomaaliya

Muqdisho - Waxaa loo baahan yahay dhaqaale joogto ah oo loogu talagalay wax ka qabashada arrimaha bina-aadamnimada si looga hortago inay ka sii darto xaaladda cunayari ee ay halista ugu jiraan malaayiin dad ah oo ku sugan Soomaaliya ayna horay u saameysay dalagg yaraantii ugu xumayd ee dhacda tan iyo sanadkii 2011, ayuu yiri madaxa gargaarka bini'aadanimo ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock, khamiistii.

Mr. Lowcock, uqaabilsanaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Bani'aadamnimada iyo Isku-duwidda Gargaarka Degdegga ah, wuxay Soomaaliya ku wada sugnaayeen Madaxa-Ku-xigeenka Bangiga Aduunka ee Ajendaha Horumarinta 2030, Maxmuud Muxuldiin, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Taageerada Nabadda, Oscar Fernandez-Taranco. Intii lagu gudajiray booqashadan, masuuliyiinta sarsare waxay goob joog ka ahaayeen isku xirnaanshaha udhaxeeya dadaaladda bina-aadamnimada, kuwa dhisidda nabadda iyo dadaallada horumarineed ee dalka. Magaalada Baydhabo, waftigu waxay soo kormeereen mashaariicda ay tabarucaada ay deeq bixiyayaashu maalgaliyeen ee taageerada siiya bulshada gudaha ku barokacay.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho, Mr. Lowcock wuxuu yidhi, “In kasta oo tallaabo kasta loo qaaday wax ka qabashada baahiyaha beni aadminimo bilihii la soo dhaafay, hadana waxaa jira baahi sii kordheysa, taa oo u baahan doonta in wax looga qabto maalgelino dheeraad ah, si loo ilaaliyo xaaladd bina-aadamnimo oo abuuranta dhowrka bilood ee soo socda”

Sida ku cad macluumaadkii ugu dambeeyay ee ay soosaartay Hay'adda Cunnada iyo Beeraha laanteeda Falanqeynta Cunnada iyo Nafaqada iyo Shabakadaha Nidaamka Digniinta Hore ee Macluusha, abuurka dalagga ee Soomaaliya ee ugu dambeeyay wuxuu ahaa kii ugu xumaa tan iyo sanadkii 2011.

Hay’adda cunada aduunka ee FAO waxay ku eedeysay xaaladda cunayaraaneed ee Soomaaliya roobabkii Gu'ga oo dib uga dhacay bilihii la filayay ee April ilaa June islamarkaana si xun u saameeyey wax soosaarkii dalagga.

Qorshaha waxqabadka bani'aadamnimo ee sanadkan ee Soomaaliya wuxuu helay 487 milyan oo doolarka maraykanka ah, taas oo ka yar kalabar inta loo baahan yahay maalgelin ahaan si loo gaarsiiyo dadka gargaarka lagu badbaadinayo nolosha ee sanadkaan.

Qorshaha ka jawaabida saamaynta Abaarta

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo bulshada samafalku waxay bilaabeen Qorshe looga Falcelinaayo Saameynta Abaarta (DIRP) kaasoo caawiyay ugu yaraan hal milyan oo qof oo cunto la'aan la soo daristay tan iyo bisha Sebtembar.

Lowcock wuxuu yidhi, " Tirada dadka soomaalida ah ee gaajaysan waxaa ka yartahay hal milyan tiradii aan marka hore filaynay; taasina waxaa sabab u ah jawaab celinta guud ee caalamiga ah ee la sameyyay saddex bilood ka hor markay caddaatay inuu waddanku galayo dhibaatooyin."

Si kastaba ha noqotee, lacag badan ayaa wali loo baahan yahay si loo yareeyo saameynta abaarta socota, iyo in gargaar la siiyo ilaa lix milyan oo qof oo halis ugu jirta cunno yari.

Saadaasha ayaa tilmaamaysa in Soomaaliya ay heli doonto roob wanaagsan inta lagu jiro xiliga deyrta soo socota ee lafilayo innta u dhaxaysa bilaha Oktoobar-Diseember.

Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Aduunka ee Ajendaha Horumarinta 2030, Maxmuud Muxuldin ayaa sheegay inay iskaashi la sameyn doonaan mas'uuliyiinta si ay u taageeraan dadaalada dhaqaale ee bulshooyinka maxalliga ah.

 “Waxaan ku hawlannahay mashruucyo kala duwan, dhammaan mashaariicahanna si wanaagsan baa loo darsay. Intooda badani waxay iskaashi la leeyihiin Nidaamka UN, hay’addaha kale ee aan dowliga ahayn iyo dabcan dawladda” Mr. Muxuldiin ayaa yidhi.

Mashaariicda ay bulshada hogaanka u tahay

Magaalada baydhabo, waftigu waxay booqdeen mashaariicaha horumarinta bulshada waxayna booqdeen xarun isboortiga, halkaas oo ay uga mahadnaqeen bulshadda ahmiyadaha ay dajisteen waxayna si toos ah u dhageysteen xubnaha bulshada waxa ay yihiin mashaariicda kale ee saameynta-bulsheed leh ee ay rabaan in ay arkaan.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Taageerada Dhismaha Nabadda, Oscar Fernandez-Taranco, wuxuu muujiyey doorka uu  ka qaadatay mashruuca Midnimo ee uu taageeray sanduukha dhismaha nabadda ee Somalia si loo horumariyo iskuxirnaanta bulshada iyo xal waara oo loo helo deegaanadda sida dhakhsada ah isugu badalaya magaalooyinka.

Mr. Fernandez-Taranco ayaa yiri “Awoodda buuxda ee Soomaaliya waxaa lagu xaqiijin karaa oo keliya hanaan ay bulshada hoggaaminayso. Anaga UN ahaan waa inaan dhagaysanno codka dadka oo aan waafajinaa taageerada aan siino ahmiyadahooda.”

 “In la arko dadaalada hada la wado waa muhiim. Waa in la dhiso, dibna lo soo celiyo midnimadii dalka si loo taageero loogana jawaabo baahiyaha dadka” Madaxa dadaalada nabadeynta UN ayaa xusey. 

Wuxuu intaas ku daray “Sanduuqa Dhismaha Nabadda wuxuu si aad ah diiradda u saari doonaa dhinacyada dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta awoodda hay'adaha qaran ee ka-hortagga khilaafaadka iyo maaraynta iyo dhismaha nabadda.”

Ka dib markii waftigu la kulmeen Raiisel Wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wasiiro dowladeed, Mudane Mohieldin wuxuu xusey in wadahadalkooda uu salka ku hayey soo celinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, taas oo ah wax awood u leh in ay horseedo waa cusub oo u barya dalka.