Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa QM waxay bogaadisay waxqabadka haweenka Soomaaliyeed waxayna ku dhiiri gelinaysaa ka-qeybgal ballaaran

8 Mar 2020

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa QM waxay bogaadisay waxqabadka haweenka Soomaaliyeed waxayna ku dhiiri gelinaysaa ka-qeybgal ballaaran

WAR-SAXAAFADEED 02/2020

Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay bogaadisay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaareen horumarka dalkooda, waxayna sidoo kale dhiirrigelineysaa dadaallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ka-qeybgalkooda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

"Haweenka Soomaaliyeed waxay waxqabad muhiim ah ka geysteen dib-u-dhiska Soomaaliya oo iyadu kusii socota tubta nabadda iyo xasilloonida” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. "Waxay muujiyeen geesinimo aad u weyn, adkeysi iyo dadaal iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ku jiraan colaado daba-dheeraaday, amni darro, musiibooyin dabiici ah iyo xasillooni darro siyaasadeed."

 "Nasiib darro, doodaha amniga ee khuseeya haweenka ayaa inta badan ku tilmaama inay yihiin dhibanayaal waana yartahay in lagu tilaamo inay yihiin wakiilo firfircoon oo muhiim u ah hagaajinta xaaladda amni ee naftooda iyo dadka kaleba. Waa in arrinkaas is-bedelo," ayuu raaciyay.

 Hal-kudhigga  sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah 'Waxaan ahay Jiilka Sinaanta: Xaqiijinta Xuquuqda Haweenka.' Ka-hor doorashada Soomaaliya ee soo socota ee qof-iyo-codka’ ah, Bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay ku boorineysaa dhammaan saamailayda Soomaaliyeed ee hawshu khusayso, gaar ahaan hoggaanka siyaasadeed, inay taageeraan matalaadda haweenku ku leeyihiin siyaasadda iyo go'aan gaarista, iyo inay dammaanad qaadaan in sinnaantu noqoto xaqiiqo dhab ah oo kamid ah nolosha dhamaan dadka Soomaaliyeed, iyadoon loo eegin jinsigooda. Sidaas darteed, Qaramada Midoobay waxay si xooggan u taageereysaa qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiiba 30 ee matalaadda baarlamaanka.

Qaramada Midoobay waxay sidoo kale dhiirrigelinaysa dadaalka dardadrgelinta leh ee madaxda qaranka ku bixinayaan Hindise-Sahrciyeedka Xadgudubka Jinsiga ee qabyada ah iyo Hindise-Sharciyeedka Gudniinka Gabdhaha, oo asaas u ah ilaalinta xuquuqda haweenka ku nool Soomaaliya.

"In haweenku si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka-qaybgalka waa astaan muhiim u ah xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya," ayuu yiri Md. Swan. "Taas waxay ku imaan kartaa oo kaliya tallaab wadareed ay qaadaan dhamaan dadka, oo ay ku jiraan dadka talada haya."