Howlaha waxqabad ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2020

15 Apr 2020

Howlaha waxqabad ee Hay’adaha QM ee Soomaaliya ee Maarso 2020

 

Ka fal-celinta COVID-19 | WHO oo ka taageertay masuuliyiinta caafimaadka ogaansha xilliga hore, helitaanka kiiska iyo fal-celinta deg deg ah

Iyada oo taageero laga helayo maamulayaasha caafimaadka ee Soomaaliya, WHO waxa ay bilowdey in ay hirgelinta 1,250 goobo kormeer oo in kabadan 1,500 shaqaale caafimaad ah iyo mutadawiciinta bulshada ay ka shaqeynayaan helitaanka kiisaska, raadinta dadka ay xiriirka la sameeyeen bukaanadu iyo ka  baarista dad badan cudurka COVID-19. WHO ayaa hal xarun baarist ka sameysay Muqdisho, halka laba kalena ay ka shaqeyn doonaan magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, xarun kasta waxa ay  awood u leedahay baarista  300-400  oo xaaladood maalin kasta.

www.who.int/countries/som/en

 

Beeraha | FAO oo dhageysaneysa ka-faa'iideystayaasha

Sanadkii 2019, FAO waxay heshay celcelis billaha ah 7,858 wicitaan oo teleefoon ah, kuwaas oo soo wacay  Xarunteeda Wicitaanka, iyadoo ay ka faa'iideysteyaasha shaqadeeda - beeraleyda, kalluumeysatada iyo xoola-dhaqatada, iyo kuwo kale – ay soo wacayeen si ay u weeydiiyaan su'aalo, una soo sheegaan khaladaadka ama arrimaha  ay ka bixinayaan ra'yi-celinta. Shaqaalaha Xarunta Wicitaanka ee 'FAO' waxaa loo tababaray meelo kala duwan, oo ay kujiraan arrimaha jinsiga iyo ka hortaga ugu faa'ideysiga galmada iyo tacadiga, is dhexgalkaa ayaa ka caawiya FAO diyaarinta barnaamijyadeeda si ay awood ugu yeeshaan inay ku bixiyaan taageerada sida ugu wanaagsan ee suuragalka ah. FAO waxay xiriir dhow la leedahay ka-faa'iideystayaasha iyadoo loo marayo adeegga farriimaha gaagaaban, oo qaar ka mid ah 45,100 digniino iyo farriimo macluumaad ah,  oo ay wehliyaan 2,396 wareysi fool-ka-fool  ah, loo direy, laguna xiriiriyey ka-faa'iideystayaasha saddexdii bilood ee ugu horreeyay 2020.

www.fao.org/emergencies/countries/detail/en/c/151690

 

Ka Fal-celinta COVID-19 | IOM oo qaaday ololayaasha wacyigelinta dadka gudaha ku barakacay

Iyadoo la bartilmaameedsanayo  goobaha ay ku sugan yihiin dadka gudaha ku barakacay, IOM waxay kor u qaadday howlaheedii iyo abaabul bulsho iyo kulamo la xiriira macluumaadka COVID-19. Hay'addan Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa u gudbisay farriimo muhiim ah in ka badan 12,000 oo qof, kuwaas oo lagu siinay xog ku saabsan hababka gudbinta, ka hortagga faafitaanka  iyo dhaqamada caafimaadka ee muhiimka ah.

www.twitter.com/IOM_Somalia/status/1242748644970893312

 

Ka Falcelinta COVID-19 | OCHA waxay dardar gelineysaa garaarka bini’aadamnimada ayadoo uu jiro cudur safmareen ah

OCHA waxay la shaqeyneysaa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale si loo xoojiyo gurmadka bini’aadamnimada ee ku aaddan Qorshaha Ka falcelinta iyo Diyaargarowga ee Soomaaliya (Country Preparedness and response Plan-CPRP) si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo ee ka dhalata cudurka saf mareenka ah ee COVID-19. Qorshahani wuxuu xoogga saarayaa sii socoshada barnaamijyadii muhiimka ahaa ee ku jiray Qorshaha Ka-falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee HRP 2020 ayadoo weliba si gaar ah looga jawaabayo duruufaha iyo baahiyaha ka dhashay Covid-19. Qorshaha CPRP wuxuu kaabayaa Qorshaha Diyraagarowga heer qaran ee Dowladda federaalka ahi ku dhawaaqday bisha Maarso.

www.unocha.org/somalia

 

Dhallinyarada | UN-Habitat waxay taageertay matalaadda dhallinyarada ee baarlamaanka Koonfur Galbeed

Guul muhiim ah ayaa laga gaaray Koonfur Galbeed oo haatan leh 43 dhallinyaro ah, oo da’doodu u dhaxayso 25 iyo 36, kuwaas oo loo doortay baarlamaanka maamulkaas in ay ka mid noqdaan - kuwaas oo ka noqonaya 45 boqolkiiba xubnaha wakiilada  oo ka kooban 95 kursi. Hindisaha UN-Habitat iyo UNFPA ee Mashruuca Awood Siinta Dhallinyarda ee dhanka siyaaasadda, kaas oo diiradda saaraya kor u qaadida awooda dhallinyarada si ay uga qeyb qaataan dhisidda nabada iyo dowladnimada – taas oo lagu lagu dhisay Dowladdan xubinta ka ah Federaalka sanadkii 2018, waxaana  gacan ka geystay Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee QM, oo ay hirgaliyeen masuuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa heer gobol. Mashruucu wuxuu u sameeyay goobo nabdoon oo dhallinyarada loogu talagalay, si kor loogu qaado codkooda iyo in la abuuro hab la taaban karo oo loogu talagalay ka qaybgalkooda tooska ah ee horumarinta siyaasadaha iyo barnaamijyada heer degaan.

https://bit.ly/3bpqrZ0

 

Ka Falcelinta COVID-19 | UNDP waxay taageereysaa dadaallada culimada iyo macallimiinta madarasooyinka ee kor loogu qaado wacyiga

UNDP waxa ay la shaqeysaa culimada aadka loo ixtiraamo ee Soomaaliyeed, si ay ugu baahiyaan farriimaha ku saabsan sida looga badbaadi karo COVID-19, dalka oo dhan, sida loo garto astaamaha iyo waxa la sameeyo haddii aad dareento xanuun. UNDP waxay sidoo kale gacan ka geysaneysaa abaabulka kumanaan macallimiin madaraso ah, si loo dhiiri galiyo dhaqanka aaminka ah ee COVID looga hortagayo iyo qaybinta agabka muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin saabuun iyo biyo la siinayo kuwa ugu nugul.

www.so.undp.org

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNFPA waxay taageertay socdaal dhallinyaro

UNFPA waxay bilowday inay la shaqeyso shabakada 'Y-PEER' oo ah shabakad waxbarasho oo dhallinyaro, kuwaas oo  sameyneynaya  safar  dalka ah, si ay ugu baraarujiso xubnaha bulshada sida ay gacan uga geysan la haayeen ka hortaga faafitaanka COVID-19, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo kala sikashada  bulshada iyo kordhinta dhaqamada nadaafadda. Caadi ahaan, safarada dhallinta waxaa loo isticmaalaa in lagu wacyi galiyo caafimaadka galmada iyo taranka iyo kahortaga rabshadaha ku saleysan jinsiga.

https://somalia.unfpa.org/en

 

Dhaqanka iyo Farshaxanka | UNESCO waxay gacan ka geysatay horumarinta hagidda macallimiinta Soomaaliyeed ee dhaqanka iyo farshaxanka

Iyadoo la shaqeyneysa la-hawlgalayaasha Soomaalida ah, UNESCO waxay soo saartay hagaha macallinka ee Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo lagu heli karo af-soomaali iyo ingiriisi  kuna saleysan qodobbo ay ka mid yihiin dhaqanka iyo farshaxanka, barashada bey'ada  oo gacan ka geysaneysaa isku-dheelitirka aqoonta, dareenka iyo horumarka nafsiyeed ee shakhsiyaadka iyo bulshada. Hagahan waxaa lagu soo saaray mashruuc wadajirka oo ay gacan ka geysteen Midowga Yurub ee Soomaaliya.

https://en.unesco.org/countries/somalia/news

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNHCR waxay lashaqeysaa masuuliyiinta si loo caawiyo dadka halista badan ku jira

Iyadoo la eego fayo-qabka qaxootiga, dadka gudaha ku barakacay (IDPs) iyo bulshooyinka martigeliyey oo ahmiyad weyn leh marka loo eego masiibada COVID-19, UNHCR waxay la shaqeysay wasaaradaha dowladda iyo la-hawlgalayaasha aan dowliga aheyn (NGO)-yada, si ay u beegsadaan dadka halista ku jira  guud ahaan dalka. Iyada oo qayb ka ah fal-celinta ugu horreeysay,  iyadoo la qaadayo dhowr talaabooyin oo ka hortag ah ayaa laga hirgaliyay goobaha ay qaxootigu degan yihiin iyo Dadka Gudaha Ku Barakacay, kuwaas oo ay ka mid yihiin siinta teendhooyinka, ololayaasha wacyi gelinta, iyo  ku taageeradda qalabka sida saabuunta iyo goobaha gacmaha lagu dhaqdo.

www.unhcr.org/en-au/somalia.html

 

Ka fal-celinta COVID-19 | UNOPS oo taageertay ololaha wacyigelinta bulshada ee booliiska Soomaaliya

UNOPS waxay taageereysaa dadaallada ay wadaan booliiska bulshada  magaalada Muqdisho si ay u gaarsiiyaan waddooyinka xog muhiim ah oo ku saabsan astaamaha COVID-19 iyo tallaabooyinka ka hortagga, oo loogu talagalay in lagu caawiyo joojinta faafitaanka fayraska. Saraakiil ka kala socda 23 saldhig booliis iyo xarunta gobolka Banaadir ayaa bilaabay gaarsiinta waraaqo, kaararka iyo boorar bulshada ku nool magaalada iyo nawaaxigeeda, iyagoo arrintaas wadi doona tan iyo bilaha soo socda. Taageerada UNOPS, ayaa gacan ka heleysa UNDP iyo UNSOM, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Booliska Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka waxay gaarayaan bulshooyinka ugu nugul Soomaaliya - iyagoo kormeeraya masaajidda, iskuulada, suuqyada, iyo xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

https://bit.ly/341JDK5

 

Horumarinta Dhaqaalaha | UNIDO oo taageertay shaqaalaysiinta ilaa 150 dhallinyaro ah iyadoo loo marayo mashruuc dhaqancelinta ee MoLSA

UNIDO waxay taageertay xarunta dhaqan-celinta ee Wasaaradda shaqaqada iyo arrimaha bulshada oo Muqdishu ku taalla, iyada oo qayb ka ah Barnaamijka Shaqo-siinta Dhallinta (YES-JP).  Mashruuca dhaqancelinta waxaa ku lug yeeshay 150 dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo 66 ka mid ahi ay yihiin dhallinyaro shaqo la’aan ah ama aan shaqooyin ku filan qaban,  kuwaas oo tababarro xirfadeed oo dhanka dhismaha ah ka helay UNIDO iyo qeybaha kale ee UN. Barnaamijkan oo kala ah ayaa loo qorsheeyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

https://twitter.com/UNIDOSomalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | Ergeyga QM: Qaramada Midoobay waxa ay si dhow ula shaqeyneysaa Soomaalida

War qoraal ah oo ka soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna madaxa UNSOM, James Swan ayaa lagu yiri, “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed inta lagu gudajiro xilligan adag. Waxaan sii wadi doonnaa inaan taageerno dhammaan dadaallada socda, si aan wax uga qabanno caafimaadka degdegga ah iyo saameynta dhaqan-dhaqaale ee muddada-dheer ee COVID-19. Waa inaan dhamaanteen midowno si aan uga hortagno faafitaanka Feyraska. Waxaan u baahanahay inaan fiiro gaar ah u yeelano kuwa ugu nugul bulshooyinka, oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay, kuwa naafada ah iyo waayeelka.”

https://unsom.unmissions.org/so/bayaan-ka-soo-baxay-nidaamka-qaramada-midoobay-ee-soomaaliya-ee-ku-saabsan-taageerada-uu-siinayo

 

Ka Falcelinta COVID-19 | UNSOS waxay gacan ka geysaneysaa kor u qaadista wacyigelinta bulshooyinka maxalliga ah si loola dagaallamo cudurkan faafa

UNSOS waxay gacan ka geysatay kor u qaadista wacyiga dadweynaha ee ku saabsan sida loola dagaallamayo faafidda cudurka 'COVID-19' ee bulshooyinka maxalliga ah ee ku nool Baydhaba, Beledweyne iyo Kismaayo. Ololaha ay taageertay UNSOS waxaa ku jira barnaamij idaacadeed iyo ogeysiisyo dadweyne, oo ay dhammeystirayaan farriimaha baraha bulshada iyo soo saarista macluumaadka, isgaarsiinta iyo agabyada waxbarashada, kuwaas oo diiradda lagu saaray hababka ugu wanaagsan ee maamulka iyo ka hortagga xanuunada cusub. Halkan ka dhageyso barnaamijka idaacadda: bit.ly/2QoOgIe and bit.ly/2Wm7eDj)

https://unsos.unmissions.org/unsos-joins-hands-somali-communities-create-public-awareness-coronavirus

 

Khataraha Qaraxyada | UNMAS oo siisay tababarro ku saabsan haraadiga waxyaabaha qarxa booliska Soomaaliyeed

Iyada oo qayb ka ah dadaalkeeda lagu dhisayo awoodda Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay uga jawaabaan halista qaraxyada ka dhaca Soomaaliya, oo ay ku jiraan walxaha qaraxyada (IEDs), UNMAS waxay bixisay tababar caafimaad iyo farsamo oo ku saabsan haraadiga waxyaabaha qarxa, kaas oo la siiyey afar koox oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka kala socday Cadaado, Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho.

https://unmas.org/en/programmes/somalia

 

Ka fal-celinta COVID-19 | WFP waxay hirgelisay howlo lagu xaqiijinayo badbaadada shaqaalaha, la-howlgalayaasha iyo dadweynaha

Tallaabo ka hortag ah ayey WFP diyaarisay si loo yareeyo halista suurtagalka ah ee feyras ka dhex dhaci kara shaqaalaheeda, iyadoo la kaashaneysa saaxiibadeeda iyo dadka ay u adeegto. Tallaabooyinka waxaa ka mid ah tababar, ay gacan ka geysaneyso WHO, kormeerayaasheeda cuntada iyo shaqaalaha kormeerka gacaan sadexaad ayaa qaadaya  tallaabooyinka aasaasiga ah si ay iskaga ilaaliyaan COVID-19 marka ay fulinayaan howlahooda, iyo sidoo kale qaabeynta boorarka lagu soo bandhigo in ka badan 2,000 oo goobood, halka WFP ay qeybineyso cunno naf badbaadin ah iyo gargaar lacageed.

www.wfp.org/countries/somalia